Kulan looga hadlayay amaanka Galmudug oo ay ka qeyb qaateen Madaxda sar sare ee Maamulka Galmudug oo maanta ka dhacay Gaalkacyo.

Filed under: Wararka Somalia |

Kulan looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amaanka deegaanada Galmudug oo ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sar sare Maamulkaasi Galmudug ayaa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Kulankaani  looga hadlayey xaaladda amaan  ee deeganada Galmudug ayaa maanta waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Maamulka Galmudug waxaana soo qabanqaabiyey Wasiirka Amniga Galmudug ahna Wasiirka arimaha gudaha, waxaana shirka maanta shir guddoominayey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed  Axmed Caalin waxaana ka soo qeyb galey maamulka Gobolka iyo kan Degmada iyo Saraakiisha amaanka ee Maamulka Galmudug.

Markii uu kulanka soo idlaadey ayaa waxaa saxaafadda la Hadley Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xasan isagoo sheegay in kulankii maanta mihiimada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka deegaanada Galmudug.

Dhinaca kale wasiirka waxa ay saxaafadda wax ay ka weydiisey kooxo hubeysan oo rasaaseeyey gaari shacab ah  marayey deegaanka Bandiiradleey kaasoo dadkii rakaabka ahaa oo saarnaa garigaasi ay wax yeelo kasoo gaartey, waxa uuna sheegay Afhayeenka Maamulka Galmudug  in baadi goob ay u galeen kooxihii falkaasi geystey Ciidamada pooliiska iyo kuwa nabad sugida ee Maamulka Galmudug ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkaasi kadanbeeyey.

Kulankaani looga hadlaayey arimaha amaanka Maamulka Galmudug islamarkaana  ay yeesheen mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulka  Galmudug waxa uu  kusoo beegmayaa xilli Toddobaadyadii ugu danbeeyey Ciidamada poliiska maamulka Galmudug ay howlagalo kala duwani ay kawadeen xaafadaha kala duwan ee ay gacanta ku hayaan Maamulka Galmudug.

Email: Webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>