Ma Ogtahay Akhristow In Zidane Hayesto Score Ka Kubada Cagta Dhinac Kasta Hadday Ahaan Leheed Laacibtinimo Iyo Hadday Ahaan Leheed Akhlaaq Xumo Intaba

Filed under: Maqaalo |

Ma ogtahay ….? Mise

 

ogtahay ……??

Waxaan qeybtaan kusoo qaadaneynaa wayaabihii taariikhda galay ee ka dhacay tartanka xiisaha badan ee koobka aduunka tan iyo markii uu bilowday sanadkii 1930kii anagoo marba qeyb soo qaadaneyno. Barnaamijkan oo aan bilownay ka hor koobkii aduunka 2006 wuxuu socon doonaa ilaa inta aan isleenahay waa soo qaadateen waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay koobka aduunka oo kiisii 19aad bartamaha sanadkan ka furmi doono dalka Koofur Afrika.

2010, www.hidaha.com


Zidane iyo finaalihii 2006

Ma ogtahay akhristoow in xidigii weynaa ee qaranka Faransiiska Zinadine Zidane yahay ciyaaryahanka qaatay tirada ugu badan ee calaamadaha ama kaararka jaalahaiyo guduudka taariikhda koobka aduunka isagoo 6 kaar qaatay waqtigii uu cayaarayey tartamadii koobka aduunka 1998, 2002 iyo 2006 isagoo iskoorkaas la wadaaga difaacii weynaa ee Brazil Cafu, mise ogtahay akhristow in Zidane sidoo kale uu heysto iskoorka cayaaryahanka ugu badan ee loo taagay calaamada guduudka isagoo iskoorkaan la wadaaga laacibka reer Cameroon Rigobert Song oo min laba guduud hogaanka ku haya.

Ma ogtahay akhristoow in tababare Bora Milutinoviæ oo u dhashay dalka Serbia yahay macalinka leyliyey qaramada ugu badan ee ka qeyb galay koobka aduunka isagoo ahaa macalinka dalalka (Mexico, 1986; Costa Rica, 1990; USA, 1994; Nigeria, 1998 iyo Shiinaha 2002), mise ogtahay akhristoow in Bora Milutinoviæ heysto iskoorka tababaraha ugu badan ee ka qeyb gala koobka aduunka oo ay min 5 jeer kuwada hogaaminayaan macalinka weyn ee reer Brazil Carlos Alberto Parreira oo marka laga reebo qarankiisa soo hogaamiyey dalalka carbeed ee Kuwait, 1982; United Arab Emirates, 1990 iyo Saudi Arabia 1998.

Ma ogtahay akhristoow in goolhayayaasha caanka ah ee Talyaaniga Gianluigi Buffon 2006 iyo Faransiiska Fabien Barthez 1998 ay heystaan iskoorka boortayaasha qaaday koobka aduunka ee laga dhaliyey goolasha ugu yar markii min 2 gool oo keliya shabaqooda lala helay tartamadaas oo dhan, mise ogtahay akhristoow in goolhayihii xulka Switzerland ee 2006 Pascal Zuberbühler yahay boortaha keliya ee aan wax gool ah laga dhalin inkastoo markii dambe qarankiisa lagu reebay rigoorayaal markii ay wareega 2aad isku soo aadeen xulka Ukraine oo ay 0-0 iskula ag dheceen waqtigii caadiga ahaa.

Ma ogtahay akhristoow in kulankii ugu goolasha badnaa taariikhda koobka aduunka uu ahaa kii dhexmarey qaramada Austria vs Switzerland oo ku dhamaadey 7-5 oo ay guusha ku raacdey xulka dalka Austria koobkii aduunka ee 54kii lagu qabtey Switzerland, mise ogtahay akhristoow in kulankaas oo querter finaale ahaa ay qeybtii hore 3-0 ku hogaaminayeen dalkii martigelinayey ee Switzerland oo qeybtii dambe shabaqooda lala helay 7 gool.

Ma ogtahay akhristoow in ciyaryahankii qaranka Uruguay José Batista heysto iskoor ay adagtahay in la jabiyo markii uu calaamada guduudan qaatey waqti ay ciyaarta socotey wax ka yar hal daqiiqo kulankii ay dalkiisa la yeesheen Scotland koobkii aduunka ee 86kii, mise ogtahay akhristoow in Uruguay ku guuldareysatey iney badiyaan kulankaas una soo gudbaan wareega labaad ee koobka aduunka.

Ma ogtahay akhristoow in kulankii ugu daawadayaasha badnaa ee koobka aduunka ahaa kii dhexmarey xulalka wadamada Brasil iyo Uruguay koobkii aduunka ee 50kii lagu qabtey Brasil iyadoo si toos ah u daawanayeen taageerayaal kor u dhaafey 200,000, mise ogtahay kulankaas oo kama dambeys ahaa xulka Uruguay ku guuleysteen 2-1 isla markaasna Brasil noqotey dalkii ugu horeeyey ee marti geliya koobka aduunka oo finaale soo gaarey oo aan koobka qaadin.

Ma ogtahay akhristoow in dalka Talyaaniga noqdey dalkii ugu horeeyey ee labo jeer oo xiriir ah ku guuleysta koobka aduunka sanadihii 1934kii iyo 1938kii, mise ogtahay dalka keliya ee ka dib laba jeer oo isku xiga qaadey koobka aduunka uu yahay qaranka Brasil sanadihii 1958kii iyo 1962kii.

Blanc oo dhalinaya golden goalkii ugu horeeyey k.aduunka

Ma ogtahay akhristoow in ciyaaryahan Laurent Blanc oo difaaca ugu ciyaaraayey qarankii Faransiiska ee ku guuleystey koobkii aduunka ee 98kii lagu qabtey dalkooda dhaliyey goolkii ugu horeeyey ee golden goal oo laga dhaliyo kulan ka mid ah koobka aduunka markii uu gool ka dhaliyey qaranka Paraguay daqiiqadii 113aad kulankii ay ugu soo bexeen wareega 8da dal, mise ogtahay in ciyaaryahan Henri Camara oo Senegal ah, Ahn Jung-Hwan oo K.Korea ah iyo Ilhan Mansiz oo Turki ah ay yihiin ciyaaryahanada kale ee golden goal dhaliyey kulan ka tirsan koobka aduunka iyagoo dhaliyey koobkii aduunka ee 2002 lagu qabtey Jaban & K.Korea.

Ma ogtahay akhristoow in kulankii ugu horeeyey oo finaale ah koobka aduunka oo rigoorayaal lagu kala baxo ahaa kii dhexmarey dalalka Brazil iyo Talyaaniga finaalihii koobka aduunka ee 94kii lagu qabtey Mareykanka markaasoo Brazil 3-2 rigoorayaal ah ku qaadey koobka iyadoo waqtigii caadiga ahaa iyo kii dheeraadka ahaaba ay 0-0 isla dhaafi waayeen, mise ogtahay akhristoow in isla sanadkaas koobkii aduunka ee 94kii ay xulka Bulgaria oo aan marna hore u badin kulan ka tirsan koobka aduunka iyagoo dheelay 16 kulan ay sanadkaas ka yaabiyeen bahda isboortiga markii ay soo gaareen semifinaal iyagoo kasoo badiyey xulka Jarmalka.

Ma ogtahay akhristoow in markii ugu horeysey ee koobka aduunka lagu qabto meel ka baxsan qaaradaha Yurub iyo America uu ahaa sanadkii 2002 markaas oo ay Asia fursad u heshay, mise ogtahay akhristoow in isla sanadkaas uu ahaa markii ugu horeysey taariikhda koobka aduunka oo ay 2 dal si wada jir ah u marti geliyaan waxaana nasiibkaas helay dalalka Jaban & K.Korea.

Ma ogtahay akhristoow in dalka Talyaaniga noqdey dalkii ugu horeeyey ee isreeb reeb ka qeyb gala isagoo marti gelinaayo koobka aduunka iyagoo u baahnaa iney usoo gudbaan koobka aduunka 1934kii oo ay markii dambe ku guuleysteen, mise ogtahay akhristoow in dalka Brazil noqdey dalkii ugu horeeyey ee isreeb reeb kasoo qeyb gala iyagoo heysta koobka aduunka si ay u difaacdaan koobka aduunka ee 2006da lagu qaban doono dalka Jarmalka iyadoo horey dalkii hantaa uu xaq u lahaa inuu si toos ah u yimaado koobka aduunka si ay u difaacdaan.


Maradona oo kor u haayo koobka aduunka

Ma ogtahay akhristoow in mucjisadii kubada cagta Maradona uu dhaliyey goolkii ugu quruxda badnaa ee laga dhaliyo koobka aduunka markii uu kubada kasoo qaatey kala barka garoonka isagoo lasoo dhex marey in kabadan kala bar ciyaaryahanadii Ingiriiska uuna ku jiro goolhayahooda koobkii aduunka ee Mexico 86 oo ay Argentina qaadeen markii ay finaalihii 3-2 ku dhufteen Jarmalka, mise ogtahay akhristoow in 4 sano ka dib uu dalka Jarmalka ka aargoostey Argentina koobkii aduunka ee Italy 90 markii ay finaalihii 1-0 kaga badiyeen iyagoo taariikhda galay noqdeyna dalalka keliya ee labo sano oo isku xigta isku arkey finaalaha koobka aduunka.

Ma ogtahay akhristoow in ciyaaryahanka weyn Ronaldo yahay ciyaaryahanka ugu goolasha badan tartanka koobka aduunka isagoo dhaliyey 15 gool sanadihii 98,2002 iyo 2006, mise ogtahay akhristoow in Ronaldo uu iskoorkaas ka jebiyey gooldhaliyihii weynaa ee reer Germany Gerd Müller oo 14 gool dhaliyey, Gerd Müller wuxuu 14kaas gool kala dhaliyey koobabkii aduun ee Mexico 1970kii iyo Germany 1974kii.

Ma ogtahay akhristoow in ciyaaryahan Oleg Salenko oo u dhashey Ruushka yahay ciyaaryahanka dhaliyey goolasha ugu badan ee ciyaaryahan dhaliyo 1 kulan oo ka tirsan koobka aduunka markii uu 5 gool ka dhaliyey qarankii Kameruun koobkii aduunka ee 1994kii, mise ogtahay akhristoow in ciyaaryahan Oleg Salenko oo sanadkaas 6 gool ku qaadey tartanka gool dhalinta uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii keydka ee Ruushka oo 94kii ku guul dareystey iney kasoo gudbaan wareega 1aad.

Ma ogtahay akhristoow in guushii ugu weyneyd ee kulan ka tirsan koobka aduunka ay gaareen dalka Hungary uu 10 gool iyo 1 ku duugay xulka dalka El Salvador koobkii aduunka ee Spain 82, mise ogtahay akhristoow in qaranka Hungary ay iskoorka ah guusha ugu weyn ee hal kulan ay iyaga iska jabiyeen kaasoo hore u ahaa 9-0 oo ay direen qarankii Kuuriya koobkii aduunka ee Switzerland 54 inkastoo 20 sano ka dib ay xulkii Yuguslavia bareejeeyeen oo ay sidoo kale 9-0 ku dhufteen dalka Zaire koobkii aduunka ee Germany 74.


Aztec Stadium oo ku yaal Mexico City

Ma ogtahay akhristoow in dalka Mexico nasiib u yeeshay inuu noqdo dalkii ugu horeeyey ee 2 jeer marti geliya tartanka koobka aduunka (1970 & 1986) oo ay ku kala guuleysteen dalalka Brazil & Argentina iyadoo finaalhii labadaas tartanba lagu dheelay garoonka weyn ee Aztec Stadium, mise ogtahay akhristoow in koobkii aduunka ee 1986kii loo qorsheeyey in lagu qabto dalka Colompia hase yeeshee ay markii dambe FIFA u sheegeen ineysan marti gelin karin oo aysan dhaqaale u heyn tartankaas weyn sidaasna ay Mexico fursad ugu heshay marti gelinta tartankaas.

Ma ogtahay akhristoow in dalkii ugu horeeyey Afrika ee is reeb reeb kasoo qeybgaley una soo gudbay koobka aduunka uu ahaa dalka Morooko koobkii aduun ee lagu qabtey dalka Mexico 1970kii markaasoo ay dhibic kula soo noqdeen dalkooda iyagoo bareejo 1-1 ah lasoo galay Bulgaria, mise ogtahay akhristoow in dalka Morooko mar kale noqday dalkii ugu horeeyey ee Afrika una soo gudbay wareegga labaad ee koobka aduunka sanadkii 1986kii oo sidoo kale lagu qabtey dalka Mexico iyagoo 1aad ka noqdey guruub ay kuwada jireen dalaka Ingiriiska, Portoqiiska iyo Poland.

Ma ogtahay akhristoow in kulankii ugu horeeyey ee goolal la`aan 0-0 ah ku dhamaada koobka aduunka inuu ahaa kulankii dhexmarey dalalka Brazil iyo Ingiriiska koobkii aduunka ee lagu qabtey dalka Swedan 1958kii, mise ogtahay akhristoow in isla sanadkaas dalalka Swedan oo marti gelineysey iyo Wales ay 4 maalmood ka dib iyagana bareejo 0-0 ah ku kala bexeen.

Ma ogtahay akhristoow in markii ugu horeysey oo ay 32 dal ka qeyb galaan koobka aduunka uu ahaa kii lagu qabtey dalka Faransiiska 1998kii oo ay Faransiiska markii ugu horeysey ku guuleysteen koobka aduunka, mise ogtahay in isla sanadkaas dalalka Faransiiska noqdey dalkii ugu horeeyey ee 9 dhibcood urursada markii ay wada badiyeen 3dii kulan ee wareega 1aad ee koobka aduunka iyadoo dalna aysan u suura gelin sanadkii 1994kii oo la dhaqan geliyey in dalkii badiyaa uu helo 3 dhibccod halkii ay hore 2 dhibcood u ahaan jirtey.

Ma ogtahay akhristoow in xulka Brazil yahay qaranka keliya ee kawada qeyb galay dhamaan koobabkii aduun ee la qabtey tan iyo markii la bilaabay, ma ogtahay akhristoow in in qaranka Brazil yahay kan ugu hanashada badan koobka aduunka iyagoo ku guuleysty 5 jeer, mise ogtahay in dalka Brazil oo ka mid ah dalalka qaadey koobka aduunka yahay dalka keliya ee aan koobka ku qaadin dalkooda iyadoo finaalihii koobka aduunka ee 1950kii lagu qabtey dalkooda ay Uruguay kaga adkaatey 1-2.

Ma ogtahay akhristoow in kulankii ugu horeeyey ee rigoorayaal lagu kala baxo taariikhda koobka aduunka uu ahaa kii dhex marey dalalka Jarmalka iyo Faransiiska koobkii aduunka ee lagu qabtey Spain 1982kii, ma ogtahay akhristoow in kulankaas oo semifinaale ahaa kana dhacay magaalada Seville ay labada dal isla dhaafi waayeen 1-1 waqtigii caadiga ahaa, mase ogtahay in Faransiiska oo 2 gool dhaliyey qeybtii hore ee waqtigii dheeriga ahaa la bareejeeyey markii dambana rigoorayaal 5-4 ah lagaga adkaadey.

Ma ogtahay akhristoow in xulkeena kubada cagta Soomaaliya uu hal mar keliya ka qeyb galay is reeb reebka koobka aduunka wixii ka horeeyey 1990kii markaasoo bareejo 0-0 iyo 1-1 ah la galeen qaranka Niger kuna haraan goolka lagaga dhaliyey gurigeena sanadkii 82kii, mise ogtahay akhristoow in wixii ka dambeeyey 90kii ay xulkeena 2 jeer ka qeyb galeen is reebreebka koobka aduunka 2002 oo ay Cameroon 3-0 iyo 3-0 nagu goosteen iyo 2006 oo ay Ghana 5-0 iyo 2-0 nagu reebeen

Ma ogtahay akhristoow in gool dhaliyhii weynaa ee Faransiiska Just Fontaine yahay ciyaaryahanka dhaliyey goolasha ugu badan ee uu ciyaaryahan dhaliyo hal koob aduun, mise ogtahay akhristoow in Just Fontaine oo ku dhashashey dalka Marooko uu tartanka gool dhalinta koobkii aduunka ee 1958kii lagu qabtey Swedan ku qaadey 13 gool.


Cafu

Ma ogtahay akhristoow in kabtankii xulka Brazil ee ku guuleystey koobkii aduunka ee 2002 Cafu uu yahay ciyaaryahanka keliya ee saftey 3 finaale oo koobka aduunka ah (1994,98 iyo 2002), Mase ogtahay akhristoow in Cafu oo u dheela kooxda weyn ee Milan yahay ciyaaryahanka saftey kulamada ugu badan qaranka Brazil isagoo u dheelay 130 kulan. 

Ma ogtahay akhristoow in xulka Masar yahay dalkii ugu horeeyey ee ka socda qaarada Afrika oo ka qeyb galay koobka aduunka, Mase ogtahay akhristoow in qaranka Masar oo koobka aduunka ka qeyb galay sanadkii 1930 ay si toos ah u yimaadeen iyagoon wax is reeb reeb ah soo ciyaarin maadaama xiligaas uusan jirin xiriir kubada cagta Afrika (CAF)

Ma ogtahay akhristoow in xidigii weynaa ee Jarmalka Franz Beckenbauer yahay shakhsiga keliya ee ku guuleystey koobka aduunka isagoo kabtan ah 1974kii iyo isagoo tababare ah 1990kii, mase ogtahay akhristoow in Franz Beckenbauer uu finaalhii kaga kala adkaadey qaranka Nederland 2-1(74) iyo qarankii Argentina 1-0 (90)

Ma ogtahay akhristoow in ruugcadaagii dalka Turkiga Hakan Sukur dhaliyey goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda koobka aduunka isagoo dhaliyey markii ay ciyaarta socotey 11 ilbiriqsi oo keliya, mase ogtahay akhristoow in Sukur uu goolkaas ka dhaliyey dalkii martida loo ahaa ee K.Kuuriya koobkii aduunka ee 2002 kulankii ay labada dal ugu tartamayeen kaalinta 3aad.

Ma ogtahay akhristoow in ciyaaryahankii weynaa ee dalka Jarmalka Lothar Matthäus uu yahay ciyaaryahanka saftey kulamada ugu badan ee koobka aduunka isagoo saftey 25 kulan, ma ogtahay akhristoow in Lothar Matthäus uu haysto iskoor ay adagtahay in lagaaro markii uu xulkiisa kala qeybgalay koobka aduunka 5 jeer (82-98) isagoo noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee gudaha ka ciyaara ee ka qeyb gala 5 koob aduun, mase ogtahay akhristoow in ciyaaryahanka keliya ee ka hor ama ka dib 5 jeer ka qeyb galay koobka aduunka inuu ahaa goolhayihii xulka Mexico Antonio Carbajal (1950-1966)

Ma ogtahay akhristoow in calaamadaha jaalaha iyo guduudka markii ugu horeysey ee la isticmaalo tartanka koobka aduunka uu ahaa sanadkii 1970 koobkii aduunka ee lagu qabtey Mexico, mase ogtahay akhristoow in ciyaaryahankii ugu horeeyey ee loo taago calaamada guduudan garoonkana laga saaro uu ahaa ciyaaryahan Carlos Caszely oo u dhashay dalka Chile koobkii aduunka ee lagu qabtey dalka Jarmalka 1974kii.

Ma ogtahay akhristoow in boqorka kubada cagta aduunka Pele uu 4 jeer ka qeyb galay koobka aduunka (1958-1970) mase ogtahay akhristoow in PELE yahay ciyaaryahanka keliya ee 4 koob aduun uu ugu yaraan 1 gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah 4taas.

Ma ogtahay akhristoow in ciyaaryahan Norman Whiteside oo u dhashey dalka Waqooyiga Ireland uu yahay ciyaaryahankii ugu dhalinta yaraa ee safta kulan ka tirsan koobka aduunka isagoo jira 17 sano iyo 42 maalmood, mase ogtahay akhristoow in kulankii ugu horeeyey ee uu safto uu dalkiisa u ciyaarey kulan ay la yeesheen dalka Yugoslavia oo ka dhacay magaalada Zaragossa ee dalka Spain koobkii aduunka ee 1982kii.


Roger Milla (Cameroon)

Ma ogtahay akhristoow in gudoomiyihii FIFA ee xiligaas Jules Rimet uu ahaa aas aasihii koobka aduunka ama shakhsigii lahaa fikirka ah in la qabto koobka aduunka, mise ogtahay in Jules Rimet oo dhalashadiisu aheyd Faransiis uu kursiga gudoomiyenimo ee FIFA ku fadhiyey 33 sano.

Ma ogtahay akhristoow in tartanka koobka aduunka markii ugu horeysey la qabtey sanadkii 1930kii, mase ogtahay in dalka Uruguay nasiib u helay inuu noqdo dalkii marti geliyey koobkii aduunka ee ugu horeeyey.

Ma ogtahay akhristoow in boqorka kubada cagta aduunka Pele uu weli yahay ciyaaryahankii ugu da`da yaraa ee gool ka dhaliyo tartanka koobka aduunka tan iyo markuu bilowdey isagoo da`diisu aheyd 17 sano iyo 239 maalmood,

mise ogtahay in Pele uu goolkaas ka dhaliyey qaranka Wales koobkii aduunka ee 1958kii lagu qabtey dalka Swedan.

Ma ogtahay akhristoow in ruugcadaagii weynaa ee reer Kameruun Roger Mila uu yahay ciyaaryahankii ugu da`da weynaa ee gool ka dhaliyo tartanka koobka aduunka isagoo da`diisu aheyd 38 sano iyo 20 maalmood, ma ogtahay akhristoow in Roger Mila uu goolkaas ka dhaliyey xulka Romania koobkii aduunka ee 1990, mase ogtahay in Roger Mila uu mar kale jebiyey iskoorkiisa markii uu 4 sano ka dib uu gool ka dhalshey xulkii Midowgii Sofyeeti koobkii aduunka ee 1994kii isagoo 42 jir ah.

Emai:webmaster@hidaha.com

Diyaariye (Arqam Yare)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>