Maamulka dowlada ee degmada Boondheere oo sheegay in uu ku raadjoogo ragii ka dambeeyay qarax miino oo habeen ka hor ka dhacay degmadaasi.

Filed under: Wararka Somalia |

Maamulka dowlada KMG ee Soomaaliya ee degmada Boondheere ayaa sheegay in uu ku raadjoogo ragii ka dambeeyay qarax miino oo habeen ka hor ka dhacay gudaha degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir C/laahi Xirsi Wardheere (Istakiin) oo maanta Saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay degmadaasi ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amaan ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in qaraxii ka dhacay Habeen ka hor gudaha degmadaasi ee lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay baaritaano ku hayaan isagoo intaasi ku daray in falkaasi uu yahay mid lagu xumaado,waxaa uuna tilmaamay in si gooni ah ay u baari doonaan goobaha lagu aasayo miinooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay C/laahi Xirsi Wardheere (Istakiin) in ay shaqeynayaan afarta waaxood ee ay ka koobantahay degmadaasi, isagoo carabka ku dhiftay in saldhiga ciidamada booliska iyo xafiiska Maamulka degmadaasi ay gabi ahaanba furanyihiin,waxaana uu meesha saaray warar ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta oo ahaa in qeybo mid ah degmadaasi ay gacanta ku hayana xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Hadalka Maamulka degmada Boondheere ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili habeen ka hor gudaha degmadaasi qarax miino lagula eegtay gaari  ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya kaasoo ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>