Wasiiru Dowlaha gaashiindhiga dowlada Soomaliya Shiikh yusuf maxamed Siyaad Indha cade ayaa waxaa uu ka hadley Qaraxyada maamlmihii ugu danbeyey ka dhacyey Qeybaha muqdisho ay kaga suganyihiin Kooxa ka soo horjeeda Dowlada uu Wasiirka ka yahey, asago shegay in aysan wax luga ku laheyn dowlada Soomaliya, balse ay heshiisianayaan hadii ay diyaar u yihiin.
Wasiirka ayaa mar uu u waramayey Idacada maxaliga ah ee shabeele waxaa uu yiri “Wixi ay dadka ku sameynjireen ayey ayaku iskula soo jeesteen waana jisadooda lakin waxaan lenahey ka jooga ee dhinca wanaagsan wax ka fiiriya hadii kale waad ku halaagi doontaan” ayuu yiri Shiikh yuusuf Indha cede ka hadalyey arimaha qaraxyada ee ka dhacey qeybha ay ka joogan kooxaha ka soo horjeeda ka hadalyey.
Sidoo kale waxaa uu sheegey in dowlada aysan xiligaan dooneyn in ay dhexgasho arimahaas ka dhaxeeya mucaaradkooda isla markaasna uu diidanyahey in lagu eedeeyo ku luglahanshaha dowlada lakiin ay kaba soo horjedaan in dagaal dhexmaro waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa kale oo uu shegay in aysan dowdu wax shaqo ah ku laheyn dagalada ka dhacey Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose lakin ay is dagalamayaan Xarakada Shababul mujaahidin iyo Xusbul Islaam, ayna isku dirtey sida uu hadalka u dhigey Xadiisyada ay sida aldan u adegasanayan
Warkaan wasiirka dowlada ka tirsan uu shegay aya so baxaya ka dib qarax xoogan oo habeen hore ka dhacey wadada ugu weyn muqdisho ee Sodonka agagarka baar Ubax ee degmada Howlwadaag ee magalada Muqdisho, iyo ka dib oo ay ka hadleen Masuuliyiinta ka tirsan Xarakada Shabaab oo cadeyey in qaraxyada dhowanahan dhacyey ay wadaan dad isku ekeysiinya Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada ayna lug ku leedahey Dowlada Soomaliya iyo Ciidamada AMISOM iyo Dalal dibada ah oo kuwa darisku ay ku jiraan.
Email:webmaster@hidaha.com