CALI DHUUX AADAN (Dhulmahante)
Cali Dhuux waxa uu Bilaabay silsiladda Guba ka dib markii hal uu lahaa looga dhaartay ceel ka mid ah ceelasha Dannod.
Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
Markii duraha jiidaal kacee doogga la idlaysto
Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
Laaski uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo’e
Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
Maantana dukaamaa la dhigay degelki Gaafoowe
Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
Kuma dalaaqin naagii inaanay dib uga laabmayne
Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira’e
Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
Makaahiilku doy uguma kicin degeya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelki Haarweyne
Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo sandahay danabadoodiiye
Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
Da’daan kaga bilaabiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyay
Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo’e
Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye
Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirki dheeraaye
Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada’e
Ma damqodo’e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye
Ilamo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene
Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo’e
Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro’e
Dagaalkii killaas ugama rayn duulki Reer Shalace
Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
anse kulay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane
Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga
Maansadan dad yuu qoonsannuu diradiraw qaadan
Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye
Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararki Baarjeexe
Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga
Nabsigu waa daruuraa cirkiyo sida daruureede
Dersinkii wax qaatuu la’ yahay deynki godobeede
Daairadu maantay waddaa duulashii galaye
Xaqa dagugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
Daaimo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye
dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin
waad ku mahad san tihiin mesha gabayada ad ku soo qorteen
ibraahin - June 17, 2010
5:07 pm
Gunanadki gabayada guba mxad u dawici weydee e ali dhux..
arwaah - June 19, 2010
11:57 am
waad ku mahadsantiin intaad nooosoogudbiseen gabayad lkn waxaan idinka codsanaynaa inaad gabayaiii hure iyocambarona noogu soo gud bisaan qoraal ahaan
c/shakuur - August 15, 2010
9:04 am
WAR MA WAXAAD TAARIIQ UGA DHIGEYSAAN JIILKA CUSUB EE SOOMAALIYEED GABAYO QABYAALAD IYO QOLO QOLO XAMBAARSAN WAA KA XUMAHAY
BADAA - November 20, 2010
5:49 am
waxan u arkaa gabaydaan kuwo loo baahan yahay si garaad ka caruurta soomaaliyeed kor loogu qaado. dadkana waxan leeyahay ha u qaadanina dhinaca qabyaaladee u qaata dhinaca murtida
mox'ed foodcade - January 21, 2011
7:50 pm
waaaaaaaaaw gabayadaaaaaaaan waan ka helaa laakiin ogadeen ayuu wax kashegayaa figrad qabaliya dheh maxamad cabdale xasana noo soo dira
zulva zubayr yaasiin - January 31, 2011
10:28 am
Runti gabyadani wa tariq wayn lkn waxan lga suala darod muxu isaq col ula yahay markasta
Saqawi - February 16, 2011
12:36 pm
gabaygu waa gabay qaliya ilahay haydi dayo
abdihakeem - April 26, 2011
3:50 pm
aad ayaad ugu mahadsantihiin gabayadan
buubaa - June 23, 2011
12:03 pm
Waagabayo kamida suugaanta soomaalida qaybaha ugu miisaanka culus laakiin waa inaan loo adeegsan kicinta qabiilka balse halagala baxo murtida qaaliga ah ee kasoomaaxatay maskaxda abwaanada
Cabdi maxamed casayr - September 30, 2011
1:26 am
Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
isaaq waligoodba shaydaan dagaal iyo libaaxyo ayet ahaayeen ..waadmahad santahay saaxiib
habar yoonis baan ahayoo faacuulna wa awawgaye//cali siciid baan ka ahay haday niman is daar daaraane - November 12, 2011
11:06 pm
Runtii waa gabayo ad umacaan waana taageeraan cali dhuxna ad bu mahadsana marku bilaabaye silsiladan
Galaal - November 20, 2011
12:23 pm
cali siciid waa laangaabka habaryoonis
GACALTOOYO - January 2, 2012
6:52 am