Xaflad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay Oo Loo Dhigay Ixtifaalka Xabiibka Oo Ka Dhacday Wadanka Kenya Gaar,ahaan Xaafadda Eastliegh Ee Magaalada Nairobi Xafladdaan Oo ay Ka Soo Qayb Galeen Culimaa,udiin Aad Looga Yaqaano Dhamaan Geyiga Somalia Iyo Dunida Inteeda kale Ayaa soo Camiray Xafladdaan Aadka Uqiimaha Badneed Rumahaantii Kamay Harin Muslimiinta Dalka Kenya Intii Jaaniska U heshay Jacaylka Xabiibka Ee Ku Noolaa Xaafadaas Eastliegh Hadal Badani Haan Ma buuxshee Aan 2 ama 1 idinkaga Taabto Mashaa,ikhdii Halkaas Ka soo Qayb Gashay
Shiikh Cismaan (Xidig)
Shariif Cabdulaahi Imaamta Masjidka 12ka
Shiikh Xasan Shiikh Ahmed Shiikh Xasan Madoobe
Shiikh Xasan Qoryooleey
Shiikh Khaalid
Shiikh Nadiir
Shiikh Sahal
Halkaan Kuma Soo Koobi Karo Culimada Iyo Axbaabta Xabiibka Ee Soo Camiray Manzilkaan Mudan In La Camiro Waxaa Awalan Iftitaaxii Horeba Lagu Sharfay Shariif Cabdulaahi Maadaama Uu Yahay Shariifku Ahlu beytkii
Wuxuuna Soo jeediyay Qudbad Dadkii dhamaan Ay ilmeeyeen Waxaa Ku Xigsaday Shiikh Cismaan Xidig Shiikha Oo Aad Ucuslaa Ayaa khudbadiisa Soo Gaabiyay wax yar oo wax tar leh Runmahaantiina Nagu reebay haar daran maadaama shiikheenu uu nagu baraarujiyay in mowliidka xabiibka uu soo bilowday zemenkii salafu saalix ilaa yowmunaa haadaana muslimiintu ay isku itifaaqeen Waynaynta xabiibka inuu yahay diinteena xagiisa Wax aad loogu farxo Ayna tahay in la weyneyo xabiibka asagoo shiikhu daliil uu ukeenay aayad quraan oo Eheew Watuwaqqiruuhu Bukratan waasiilan Oo Uu Ula jeeday Nabiga In La tawqiiriyo Shiikha Oo uu Dhibayay Istaagu Ayaa Ku Soo gabagabeeyay khudbadiisa markaas ka bacdi ayaa waxaa qaatay shiikh xasan qoryooleey Wuxuu Noo Soo Jeediyay Qudbad Wacdi Ah Isagoo Adillo faro badan oo ku tusinaysa weyneynta xabiibka halkaas ka soo jeediyay aayado quraan ah iyo axaadiishtii nabiga ayuuna soo qaatay iyo weliba imaamkii weynaa ee imaamu abuu xaniifa ii dul tagay qabriga nabiga kuna yiri arin la mid ah tan aanu iskugu nimid ayuu shiikhu kaga hadlay
Xafladdii Waxay Noogu Soo Gabagabowday Si Nabad Ah Iyo Maxabo dheeri ah Ayadoo Lagu Balamay sanadkaan sanadkiisa kale qofkii alle gaarsiiyo inaan iskugu imaano meeshaan ama meel ka sii kheyr badan
Contact: webmaster@hidaha.com cell 0723355355 ama 0722102233