Diego Milito ayaaa kubad birta ku dhuftay dhamaadkii ciyaarta, ka dib markii Roma ay 2 iyo 1 kaga badisay kooxda hogaanka u heysa horyaalka Talyaaniga islamarkaana difaacaneysa koobkaasi Inter Milan.
Daniele de Rossi ayaa goolkii hore u dhaliyay kooxda Roma lakiinse Milito ayaa Inter u barbareeyay qeybtii danbe ee ciyaarta, Luca Toni ayaa Inter ku quusiyay garoonka Stadio Olimpico magaalada Roma.
Inte haatan waxa ay hogaanka ku heysaa hal dhibic oo kaliya, waxaana kaalinta labaad ku jirta Roma, iyadoo hadii Ac Milan ay manta badiso ay la dhibco noqon doonto kooxda Roma. Lakiin Ac Milan waxa ay la ciyaaareysaa kooxda Lazio oo beryahan xaalka uu ku xumaa.
Natiijadan ayaa waxa ay micanaheeda tahay kooxda uu macalinka u yahay Claudio Ranieri inay ku dadaashay inay meesha ka bixiso 13 dhibcood oo hogaanka looga waday tan iyo markii ay labadan koox kulmeen bishii November ee sanadkii hore. Sidoo kalena Tababare Maourinho oo 7 ka mid ah ciyaartoydiisa ay qaateen caalamada hurdiga ah ayaa 4 ka mid ah ganaax dartiis kaga maqnaan doonaan todobaadka soo socda.

Ciyaartoyda Roma u dabaaldegaya goolkii hore ee Di Rossi.
Horyaalka Ingariiska.
Arsenal dib u dhac sameysay islamarkaana ka sibxatay tartankii horyaalka ingariiska ka dib markii 1 iyo 1 ay ku kala baxeen kooxda Birmingham City halka kooxda Chelsea ay sida daadka oo kale ugu fatahday Astonvilla una dhiibtay 7 gool , Manchester United ayaa iyada 4 iyo waxba ku garaacday kooxda Bolton.
Chelsea ayaa gaartay guushii ugu weyned xilli ciyaareedkan, iyadoo taas ku badalaneysa guushii ay ka gaartay kooxda Sunderland oo ay ku kala baxeen 7 iyo 2, Frank Lampard ayaa afar gool u dhaliyay kooxda Chelsea isagoo noqday ninkii seddexaad ee ugu goolala badan taariikhda Chelsea abid isagoo dhaliyay 151 gool, wuxuuna xilli ciyaareedkan shabaqa dhigay 21 gool.
Chelsea xilli ciyaareedkan kaliya waxa ay dhalisay 82, gool iyadoo dhowr maalmood gudahoodana dhalisay 12 gool ka dib markii ay Portsmouth uga badiyeen 5 iyo 0. Inkasta oo Chelsea goolal ku badisay hadana weli waxa ay dagaal xoogan ugu jirtaaa hanashada horyaalka.

Lampard oo u daabdegaya Afar gool uu xalay ka dhaliyay Astonvilla.
Chelsea ayaa wax yar uu labo dhibcood hogaanka ku heysay ka hor intii ay kooxda Manchester United kala wareegin hogaanka ka dib markii ay 4 iyo 0 ku garaacday kooxda Bolton ciyaar ka dhacaday garoonka Reebok Stadium, Dimitar Berbatov ayaa labo gool u dhaliyay shayaadiinta cas cas, Jlloyd Samuel ayaa isna iska dhaliyay gool, halka Darren Gibson uu u afareeyay kooxda Manchester United.
Arsenal ayaa dib u dhac weyn sameysay ka dib markii ay ka fursan weysay kooxda Birmingham City oo barbaro 1 iyo 1 isku macsalaameeyeen, Samir Nasri ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta gool dhaliyay Arsenal, lakiinse dhamaadkii ciyaarta ayaa goolkaasi beeniyay Phillips oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1 iyo 1 ah.
Diyaariyay Arqam Dhagacade