| Waxaa todobaadkii la soo dhaafay ay Xarakada Alshabaab bilowday howlgalo qabuuro bur burin oo ku soo faageen lafaha mashaa’ikh caan ah ayaa waxaa taas ay keentay in xubnaha Ahlu Sunah Waljamaacah garabka Muqdisho ee qunyar socodka ahaa ay bilaabeen abaabulo ka dhan ah Shabaabka.
Sheekh C/qaadir Soomow Afhayeenka Ahlusunada Muqdisho ayaa sheegay in ay jawaab cad ka bixin doonaan ficilka ay Alshabaab qabuuraha uga soo saareen lafihii mashaa’ikhdooda, isagoo carabka ku adkeeyay in ay wadaan abaabul ciidan iyo diyaar garow dagaal. |
Soomow ayaa sheegay in haatan wadaan diiwaan gelin dadka diyaarka u ah in ay ka qeyb galaan dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Alshabaab, waxaana uu carabka ku adkeeyay in meel wanaagsan u marayo diyaar garowgaas.
Xubnaha Ahlusunada Muqdisho ayaa ahaa kuwo aanay horay wax qori ah u qaadin, hase ahaatee carada ay ka qaadeen tallaabadii Shabaabka ay ku bur buriyeen qabuurayaasha ayaa u muuqata mid soo dedejisay in ay ka dhiidhiyaan oo ay abaabul dagaal bilaabaan.
Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho meelo ka mid ah lagu arkayaa dad si caadi ah isku diiwaan gelinaaya, iyadoo dadka isku diiwaangelinaaya inay ka qeyb qataan Jihaadka ay Ahlu Sunna Iclaamisay inay la galayso ururka Al-Shabaab
Kala soco wixii warar dheeri ah Hidaha.com