Al-sayid Maxamed Cabdulle xasan iyo (Gabaygiisii Xiinfaniin)

Filed under: bulshada |

                                                    Gabaygii Xiin Finiin

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 

Nimanka Taarikhda weriya sy sheekeen Sayid Maxamed Cabdille baa doonay Faadumo Islaam Aadan oo dhalay Islaam Faarax Ialaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ah. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardo leh ayuu yarad ugu bixiyay, xurmo iyo xiditinimo wanaagasana waa muujiyey. Hase yeeshee, dhugi geel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantay, hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyey.

Xiditinimadaas Sayid Maxamed wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa uga helo si uu Jahaadku u xoogoobo. Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabadh laga guursado wuxuun buu cubtamaa, Saydkuna wuxuu gabay ku yiri:

Wax walba wow huraayaa ninkii ii walal noqone

Dabadeed Islaan Faarax wuxuu Sayidkii waydiistey faraskii Xiin Finiin, xaashi arrintaas ku saabsanna wuxuu u sii dhiibay Faarax-dhabansenge.

Daraawiish farduhu qaali bay ku ahaayeen, gaar ahaanna Xiin Finiin Sayidku aad buu u jeclaa, hase ahaatee, sidii loo yidhi “dhagtaa kaa war dheer, ishaaduna waa kula fil,” xaashidii Islaanku soo diray hadday Sayidku u tagtay wuxuu gudoonsaday faraska inuu bixiyo si aan loo xaman. 

Dabadeedna isagoo xil iska reebaya, Faraskana xaragadiisa u dhameeyey ayuu ninkii loo diray gacanta ka saaray kadib markaasuu gabayga Sayidku Tiriyay Wuxuuna yiri: 

Xayow Faaraxow hadal rag waa loo xutubiyaaye 
Nin xishood leh baan ahay haddaan lay xistiyihayne 
Xabiib baan ahaa jeer kufriga laygu xaasidaye 
***
Adna xaashi baad iila timid xaakin soo diraye 
Xaddigii adduunyada haddaad xoolo iga dooni 
Marna anigu kaama xistiyeen xaalaad leedahaye 
***
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa geel xawaar badane 
Kumanyaal xawaadaan lahaa xawd u sii mariye 
Markaad Xiin Finiin damacday baan kaa xanuunsadaye 
***
Walaalow xirgiga qaarkii waa lagu xujoobaaye 
Waxaan kugu xutubiyaaba waa xuuradaan nahaye 
Nin kalaan xafiilaba adaan xaayda kaa rogaye 
***
Xigto iyo qaraabiyo hadduu xidid i weydiisto 
Xayow iyo qayuumeey haddii la igu xoodaansho 
Xubigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye 
***
Xamar weeye oo midab fardood kala xariir roone 
Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo xawli iyo jeefag 
Xaggii loo eryaba waa Gammaan xulashadiisiye 
***
Xubna toosanlow neefku waa xaalad gooniya e 
Goortaan xusuus ula noqdaa xiisa ii qabanne 
Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere 
***
Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa xoogsi ugu fuule 
Isagaan xatooyada lahaa xuurta ugu looge 
Xiniinyaha ku goo baan lahaa gaalka xaylka lehe 
***
Xayskaa da’aayaan lahaa Xallin ka dooyeeye 
Xaqaygii maqnaa baan lahaa xag ugu raacdeeye 
Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode 
***
Xujey-reebta reer Hagar anaan xabashyadii ruubin 
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan lagu xaraaraysan 
Xaaqaamaquuqiyo haddaan xaaluf laga yeelin 
***
Xiddaysane ma dhiibeen anaan xaaladday bogane 
Xaaraami uun baa arlada xula abiidkiise
Wuxuun bay xushleeyaan, sidii xabashi Iidoore
*** 
Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane 
Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
***
Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye 
Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye 
Waa Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye
***
Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane 
Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay 
Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xushmeeyeene

Email Webmaster@hidaha.com

Diyaariye zubeyr

12 Responses to Al-sayid Maxamed Cabdulle xasan iyo (Gabaygiisii Xiinfaniin)

  1. asc mar ka hore alaha ha u naxariisto sayid maxamed abdule hasan janada fardowsa alaha ha ka warabiyo waxaan hil maameeynin dadka hawen iyo maalin ku daalay ama waqtigooda kulumiyey

    abdixafiid ahmed - June 25, 2011
    11:08 am

  2. walaahi walaalow waxa run ah in halkan iyo qoraalo badan oo kale lagu soo koobi karin halgankii halyaygii sayid maxamed abulla hasan isla markaana loo baahan yahay in laga sameeyo cajalo fara badan oo si is daba jooga looga sii daayo dhamaan warbaahinta soomaliyeed meelkastoo ay jooganba si dhalinta yar ee aan aqoon fara badan ka qabin halganka sayd ka loo baro in ay leeyihiin geesiyo faro badan oo taariikh aan duugoobi ka hadhay lana tiigsado murtidoodii iyo wadiiqadoodiiba

    yuusuf alu yuusuf - September 7, 2011
    11:37 am

  3. Alla Ha uraxmo halyay s.maxamed c.xasan waxa uu aha nin lagudaydo

    Bashircali - September 26, 2011
    10:35 am

  4. sayidka laga helimaayo ninlamida soomali lkn waxaan kalasimanahay geesinimadda iyo aftahan nimada aqoontana iguma gaaro good luck

    mubaarak saciid bustiile - November 16, 2011
    4:10 pm

  5. Sayidku wuxuu ahaa geesi weyn ala weyne ilaaheyna ha u naxariisto Amiin Amiin Amiin

    bishar - December 24, 2011
    9:51 am

  6. aloooooooooooow janadi ka waraabi Amiin Amiin.

    ummakhayr - December 24, 2011
    9:53 am

  7. Sayidku wuxuu ahaa ninka soomaali ugu geesisan alaha unaxariisto Amiin Amiin Amiin

    bishar - December 24, 2011
    9:58 am

  8. Sayika waa suldaan allah u naxariisto asaga iyo axmed gureeeyba wuuna halgamay halgan kan ugu kheyrka badan waana jihaad

    Hassan dibile - December 26, 2011
    5:16 am

  9. Runti sayid ka wuxu ahaa nin fican wana jeclahay gabayadisa xaqiiqdi

    Shaafici mohammed Ali - December 29, 2011
    9:15 pm

  10. Ilaah ha unaxariis sayid maxamed c/le xasan wuxu ahaa nin wadani ah marnaba xasuustisa nahortaalo /lkn geesigas okala mar 2aad ILAAHOW Ino ken.

    Faysal - February 3, 2012
    10:03 pm

  11. Waaw alla yar xamuk

    Saeed hashi - March 14, 2012
    8:59 am

  12. wallee sayidka oo maanta joogi lahaa inuu qabiilo badan qoorta kawadajari lahaa oo ay koow kayihiin kuwa cadawga somaliyed lashaqeeya alloow asagii ookale somali kasoosaar aamiin

    hasan dheere - May 22, 2012
    6:24 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

 

منتدى الحمايه تعليم هكر اختراق فيس بوك اختراق اميلات اختراق اجهزه

اختراق مواقع