Dibadbax ay soo qaban qaabiyeen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo looga soo horjeedo howlaha qabuuro burburinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ka wadaan Muqdisho ayaa maanta ka dhacay gobolka Banaadir.
Banaanbaxaani oo ujeedadiisu ay aheeyd mid looga soo horjeeday talaabooyinkii dhawaan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ee ay ku bur buriyeen qabuuraha ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Xarunta Saldhiga Dahsoon ee degmada Shangaale ee gobolka Banaadir.
Goobta uu banaanbuxu ka dhacayay ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u farabadan islamarkaana watay boorar ay ku xardhanyihiin waxyaabo kala duwan oo uu ka mid ahaa sawirka madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,waxaana dibadbaxayaashu ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan howlihii qabuuro bur burinta ee Xarakada Mujaahidiinta AL shabaab ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin farabadan oo isugu jirta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca,siyaasiyiin horay Magacweyn ugu lahaa Magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa Bashiir Raage Shiraar iyo kuwa ka socday dowladda KMG ee Soomaaliya, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Sheekh C/qaadir Soomoow oo ah sargaal ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca isagoo sheegay in ay si aad ah uga xunyihiin howlihii lagu bur buriyay qabuurta Culimadii Magaca ku laheyd dalka Soomaaliya.
Sidoo kale banaanbaxa waxaa ka hadlay Muxudiin Xasan Afrax oo ah gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ee gobolka Banaadir,waxaana dhamaan masuuliyiintii kale ee ka soo qeyb gashay ay goobta uu banaanbaxa ka dhacayay ka shageen in ay isku diyaarinayaan sida ay sheegeen dagaal ay la galaan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.
Ugu dambeyntii ayaa goobat uu banaanbuxu ka dhacay waxaa amaankeeda si weyn u sugayay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo la arkayay iyagoo rasaas kor u ridaya xiliga ay hadlayeen masuuliyintii halkaasi ka soo qeyb gashay.
Banaanbaxaani ayaa waxaa uu imaanayaa xili Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Banaadir ay Magaalada Muqdisho ka wadeen howlo ay ku bur burinayeen qabuur AL Shabaab ay sheegeen in la caabudi jiray dadka ku aasnaa taasoo ay ka soo horjeedteen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Sidoo kale culimaa,udiinka ahlu sunna waxay ka heshiiyeen qilaafkii udhexeeyay ee ahaa heshiiskii adis ababa
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay sheegeen in ay ka heshiiyee qilaafkii soo kala dhaxgalay kadib heshiiskii dowladda KMG iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.
Waxiii ka dambeeyay heshiiskii 15-kii bishan Maarso ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta Wadanka Ethiopia dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa jiray mad madow hoose oo soo kala dhaxgalay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyadoo arintaasina la xaliyay kadib markii wafdi uu hogaaminayay Golaha Talada ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow islamarkaana saxiixay heshiiskaasi ay shalay gelinkii dambe gaareen degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud halkaasi oo kulamo looga hadlayay heshiiskii Addis Ababa ay kula qaateen Xubnihii ka soo horjeestay heeshiiskaasi ee ku sugan gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Cabudwaaq Sheekh Cali Gureey oo kulankaasi kadib Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi madaxdii yeelatay ee Culumaa’udiinkii Ahlu Sunna Waljamaaca la isku raacay in heshiiskaasi la taageero, waxaana uu intaasi ku daray in heshiis hadii la galayo ay galayaan Gudi ka socda Golaha Fulinta ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kadibna ay saxiixayaan Golaha Talada isagoo sheegay in xiligaasi kadib wixii muran ah ee ka yimaada loo gudbinayo Golaha Marjaca.
Sidoo kale Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Cabudwaaq waxa uu carabka ku dhuftay in uu jiray madmadow soo kala dhaxgalay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kaasi oo ku aadaanaa heshiiskii ay wada gaareen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna, hase ahaatee waxa uu sheegay in xal laga gaaray arintaasi isagoo intaasi ku daray in ay jiraan kulamo kale oo lagu balansanyahay in Culumaa’udiika Ahlu Sunna ay yeeshaan inkastoo uusan carabaabin xiliga ay dhici doonaan kulamadaasi.
Mas’uuliyiintii Culumaa’udiika Ahlu Sunna Waljamaaca ee shalay kulanka la yeeshay Saraakiil katirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee degmada Cabdudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay horay u sheegeen in heshiiskii ay wada gaareen dowladda KMG iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna uu ahaa mid aan loo dhameyn