Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxa uu kooxaha Burcad badeeda Soomaalida u qabtay in mudo 48-saac ah ay ku sii daayaan Maraakiibta iyo Doonyaha uraran ganacsatada Soomaaliyeed ee ay ku haystaan biyaha Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo galabta shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay qaar kamid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa soo hadalqaaday arin u muuqatay in ay Maskaxda kaga taagneyd xiisadeeduna ay si toos ah u soo baxday 24-kii saac ee uu ugu danbeeyay taasi oo ah weeraro ay burcad badeeda Soomaalida ku qaadeen Maraakiib iyo Doomo shixnado u siday ganacsato Soomaaliyeed taasi oo wax u muuqda xiisad ganacsi ka dhax abuurtay suuqyada.
Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa sheegay in Burcad badeeda ay awalba ku jireen danbiyo sida uu hadalka u dhigay hadana ay bilaabeen weeraro uu ku tilmaamay in ay cuno qabatayn ku tahay shacab uu sheegay in awalba dhibaato kale ladaalaa dhacayee, waxuuna hadalkiisa sii raaciyay in arintaasi ay noqotay mid ay u dulqaadan waayeen isagoo burcad badeeda ugu baaqay in ay siidaayaan Maraakiibta iyo Doomaha u kiraysan Ganacsatada Soomaaliyeed mudo ku siman 48-saac.
Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa Shirkiisa ku soo hadalqaaday heshiiskii 15-kii bishan dhaxmaray dowladda KMG iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca isagoo tilmaamay in heshiiskaasi uu ahaa qiyaano iyo Shirqool ayna ka danbeeyeen Cadow ay iyaga la dagaalamayeen sida uu hadlka u dhigay.
Shirka jaraa’id ee hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa waxa uu ku soo hadalqaaday arimo kala duwan, waxana uu ka jawaabay su’aal ay sigaar ah u weydiisay Idaacada Shabelle taasi oo aheyd in ku soo laabashadiisii magaalada Muqdisho oo hadda laga joogo mudo ka badan 1-sano oo uu shacabka ugu baaqay in ay sabraan mudo kale oo dagaalo dalka kaga saarayaan ciidamada shisheeye bal in uu dhamaaday waqtigaasi, waxana uu yiri dagaalada weli waa ay sii socon doonaan xitaa hadii ay qaataan sanado kale.
Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa mar la waydiiyay sida uu u arko howsha ay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku burburinayeen qaar kamid ah qubuuraha culumada Ahlu dariiqada waxaa uu si kooban u sheegay in ay jireen waxyaabo xadgudub ah oo ay dadka qaar ay qubuurahaasi ku aksameen jireen isagoo dhinaca kale soo hadalqaaday dilkii bishan magaalada Muqdisho loogu geystay Barre Cali Barre oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu sheegay in dilkaasi uu ahaa mid shir qool ah oo ay baaritaano ku wadaan