DILKA IYO QAXA WAXAA I NOOGA DARAN NATIIJADA CAAFIMAAD XUMI”\
Deggenaansho la’aan iyo rajo xumadu haddii ey isu racaan adamiga waxaa ka luma kalsoonida iyo in uu ababul u kaco. Murugada ayaa dhaxalsiisa ka hoos mar darajo xawaanka madaama caqliyan uu u dhibaateysan yahay ; waxaana ka suurooba ficilo arxan daro ah iyo jahwareer uusan aqoon mustaqbal ku dhisan tabac aduun iyo nolol karaameysan. Hammiga iyo hiyigu waa deeragalinta in uu sameystu nolol iyo raas uu u huro dhamaan cilmi iyo caqli awoodeed si uu u xaqiijiyo deggenaansho hoy la’haanshihiis illaalintiisuna ku waajib tahay. Garashada waajib eray ahaan waa muhiim madaama ku dhawaaqida erayga ey tuseysu masuuliyad fulinteed iyo u diyaargarow howle. Ma sahlana in si sax ah loo qabto wax aan la fahmin macne iyo ujjeedu. Mar haddii la fahmo erayga waajib loona diyaargaroobo fulinta fahan ficil ee eraygu xanbaarsan yahay shaki kuma jiro in uu dhismaayo unug wax ku ool ah lagana filaayo natijo fiican ; isla mar ahaantaas hanashada waajib waa guul iyo hanasho nolol. Adamigu marna kama baxo bey’adda uu ku nool yahay iyo dhaqan wixii ka jira. Musiibadu waa haddii nolosha iyo dhaqanka ka jira mujtamaca qof ku nool yahay yahay mid duminaaya liddina ku ah jiritaan qof una hagaya baaba’ iyo rajo gu’id. Xasiloonida mujtamac iyo nabaduba waa hawada neefsasho ee adami waana tan sahasha gudashada waajib ; haddii uu waayo wuu caburmaa taasi waxay keenta maskaxiyan in uu jiradu kuna waayo noloshiisa. Quusasho darajo ka hooseysa ee adami ku dhaco ayaan jirin ; marxaladaas haddii uu gaaro ka filo wax aadan fileyn. Somalidu waxaay lumiyeen diideeyn in la abuuro jawi keeni kara in eynu gudano waajibaadkeena Somali ahaan ama wadan Dagaalada aafeeyey mujtamaca Somaliyeed kuma eka dhimasho iyo daawac ee wuxuu u gudbey inta ka badbaadey waqti kooban. Ka badbaadista xabadda ama hobiye macno ma sameyso haddii ey noqoto mid joogta ah kana mid ah nolol maalmeedka maxaa wacey qabtinka xaalad dagaal wuxuu saameeya caafimaadka iyo fekirka ku noolaha xaaladaas ; natiijada isbedel ba ka qoto dheer khasaaraha dagaal waana jir dilka ka gaara/gaarey ku noolaha. Saska iyo ka gabashada ; cabsida iyo walwalka; haraadka iyo gaajada waxaa u dheer isla hadalka qalbi ee ku mashqoolsan doonis ka badbaadista xaalad culus waxana siyaada garaaca wadnaha iyo habka dhiig wareegga jirka. Culeyska carruurta iyo haweenka : dadka waayeelka ka fekirkooda ayaa gaarsiiya marxalad ka fog naxariis iyo daryeel. Musiibada heshey markii uu u waayo daneeye ka caawiya kana huristaaga kan dibka ku hayaa wuu isu muuqda kalinimo aan laheyn gabaad iyo hoos u harsado ; dareenkaas baa ku xanbaara ka carar iyo qax aan laheyn barnaamij iyo dhaqaale uu ku furdaamiyo kuna gaaro meel nabad ah. Dibka intaa la’eg shaki kuma jiro in maskaxiyan uu daawac gaaro ; jir ama muqaalna yahay mid maqane joogaa ah caqli ahaan dhiman. Waxaa siyaada cudurada madaxa ku dhaca nooc iyo darajo waali. Buufis iyo cudurada kale ee waalida waa falgalyada dagaal. Bahdelkaa u dheer waa in uu qaxooti ku yahay duleedka magaalada uu ku nool yahay gurigiisuna u mooqdu ama deegaanka uu degin yahay. Waxaa cajiib ah in musiibada dagaal laga dhaxley isu bedesho halheys ololeeyn rugaal cilin dagaal iyo aargoosi taasina waa ujjeedo la’aanta iyo hadaf xumada dagaal joogta ah. Mar haddii la waayo bilow iyo dhamaad ogow in aan la aqoon sababta keentey in wax la bilaabo lamana helo dhamaad haddii ficil celintu ku dhisan tahay argagixin iyo aargoosi. Akhriste aargoosiga laga yaaba in aadan ku darsan musiibada na heysatta laakin yeeyan ka hoos bixin maxaad ku macneeyn dagaal aan dhamaaneyn inta dagaalameysana isku saf ahaayeen shaley iyo saaka. Haddii eysan aheyn argagisu heshey ummadda naxariis la’aana u haligey maxaad ku tilmaami laheyd. Aargoosi ha fugeynsan maxaase joogte ka dhigey xabadda maxaase la tiigsanaaya oo maqan hana oran waa waalan yihiin. Akhriste haddi mujtamac uusan isdifaaci karin maalin iyo habeen aanse la badbaadineyn isla mar ahaantaasina u dheer tahay baahi qab iyo hoy la’aan oo qoraxdu , roobku iyo dhaxan habeen u noqdeen wahel. Caruur gaajeysan waayeel dacdareysan iyo caluul bahan oo aan laheyn hiil iyo ha maxaad ku macneyn laheyd kan/kuwa geestey dhibkaas badeyna xaladahaas iyo xaalado kale oo baden. Akhriste macnee howlgal aan laheyn fa’ido: ujjeeedo iyo hadaf aan laheyn natiijo ; billow aan laheyn dhamaad ; mucaaradnimo aan laheyn barnaamij “Political platform”. Hana rumeysan ku dhaqanka shariicadda maxaa wacay inta maanta Somalia hurboodeysa ha sheegtaan Dowlad ama mucaarad waa kuwii shaley ku dhawaaqaayey jihaad iyo shahiidnimo si loo helo ku dhaqan iyo maamul islaami ah. Hogaan aan laheyn daryeel iyo uroorin shacab waa maxay waxaa loo diriraayo loona rido rasaasta aan joogsiga lahaeyn. Nidaam ama system haddi la doono in la bedelo waa laga mid noqdaa. Goobta dagaal inta ku dhimata ama ku daawacmataa ka yar tiro ahaan inta aan gelin dagaal oo ah shacab leh caruur iyo haweyn iyo waayeel xabad iyo hobiyaal lagu asqeeyey laguna go’maadey. Waa aargoosi iyo argagixin leh awood dagaal hurin kuwa mas’uulka ka ah dagaalada waana kuwa fahansan rumeysan in aan lala xisaabtami karin sey rabaanna yeela. Cudurada madaxa waxaa inoo dheer akhlaaq xumida ; waa yaab in mujtamac is leh dhaqan iyo Diin in akhlaaqdu noqottu mid weydaa ilaalin qiimo iyo fahan karaamo ee lagu kala garto waxa xun iyo waxa fiican. Akhlaaqdu waa asturka aadami iyo buuxinta karaamo ee uu kaga fadli badan yahay xawaanka marka laga reebo caqliga. Waa iftiin haga hab dhiska waayel iyo caruur , caalim iyo caamo, waalid iyo ilmo , rag iyo haween , ganacsi iyo iib , jiheyn iyo tarbiyad kuriimo lehna astaamo mudan ku dayesho iyo hirgelin waa muraayadda adamigu isku arko kuna faano ahna karaamada Eebbe ku manneystey. Maanta Somalia heybaddii akhlaaq wey luntey lamana daneeyo ficil ama dhaqan xun sida maanta xalaasha iyo xaaranta aan loo kala saarin. Duqonnimo iyo garsho la’aan ba loo xisaaba kan mujiya xishood ama is aruurin. Yaac iyo is dhaxgal xad daaf ah baa saameeyey dadkii kala mudnaa xishood iyo kala fogaansho xad. Waalid lumi karaamadii walidnimo ,odey lumi isna mansabkii odeynimo dhamaan heykalkii mujtamac is dhax yaac iyo kala sad bursi xaqiran baa caameeyey. Qaadka oo Somalia gees ka gees hantey cunistiisu waxay baddey mujtamacii in hooyo iyo gabadheed, aabbe iyo wiilkiis, abti ,sodug , seedi , eedo , aayo , ayeeyo iyo awoowe , macalin iyo ardey dhamaan isku fadi noqdaan sheekada iyo isu celinta eray ey wadaagaan. Eryadii laga xishoon jirey noqdaan faan iyo baaq loogu baaqaayo kan aan aqoon qofka lagu duraayo. Wixii dadaal qiimo iyo waqti lagu raadin jirey oo qiimo beela ah. Guurkii oo noqdey aroos subax iyo fureen makhrib Xilkii iyo mas’uuiyaddii oo isu rogtey ka gaarsii macaansana macaanka hureyna oga dhaqaaq. Iimaan la’aanta qaadku keeney waxaad ka garin xiriirka ehel. Waxaa la yaab ah in markii la xawelaayo xawaalad hooyo ka qarisu abbe ; walaashana ka qarsatu walaalka iyo ninkiid ; abti , adeer iyo dhamaan qaraabadu kala qarsadaan inta yar ee la soo xawaley. Waa murugo markii hooyo suuq basal ama yaanyo iyo wixii la mid ah la fariisato abbana laga ilaaliyo dhaqaalaha yar ee ey u raadineysu caruurta oo ah masaariif iyo shilimaad wax barasho. Musiibada qaad laguma koobi karo maqaal ; akhlaaq xumada ayaa ah mid muujineysa manfaca qaad cunaha ilkihiisana waad ku arki fa’idada cunista qaad. Waalad caasinimo xad daaf ah kaligii daneeste aan arxan laheyn ilmihiisana daafsadey qaad ; mujrim marqaasan oo si xad daaf ah u rida rasaasta jiho walbana qabadseeya ; ma daale aan ka xishoon baryada joogtada ah haddii u helo fursad kharajiya kan baryada wax ku siin waayey. Feersashada channels-ka laga feersado Satellite disk wax aan habooneyn maxaa wacey walid iyo caruur, deris iyo inta hesha fursad baa ah wax aan la fileyn hab dhaqankooda iyo waxaa la feersanaayo. Qorba jooggu kama badbaadin ficil xumada ka jirta wadanka madaama haddii aan Somali nahay nahay kuwa xaalada wadan iyo wararka idaacadaha iyo websites-yada laga garan karo lagana akhrisan karo wajigeena iyo camalada dhaqan ee dhexdeena. Waxaa dhaqankeena iyo macaamilka dhexdeena laga fahmaa sida xaalada Somalia tahay. Mar haddii akhlaaqi noqotey qariib marti ku ah mujtamaca Somaliyeed waxaa furma in shakhsi kasta yeesho manhaj isaga u gaar ah sida uu doonana u fuliyo. Ogow haddii aan la helin nidaam lama helo kala danbeyn ; haddii la waayo kala denbeyn waxaa la waaya xad iyo lama taabtaan waxaana soo ifbaxa kuwa isu arka in ey saxan yihiin inta kalena lunsan tahay. Qab iyo isla weyne aan dhaafsiisneyn eray af iyo muqaal labis ama dhar xirasho ayaa noqda isku garshada iyo kala garashada mujtamac iyo sida loo kala baxey loona kala meermey. Madaama uu lumey habkii shaqaale ku mashqoolsan shaqo ummaddiina noqotey xoogsi tag nin walbana itaalkiis waxaa abuurmey waqti firaaqo aadna u badan oo aan la aqoon wixii lagu buuxin lahaa. Firaqo waqti oo aan loo heyn nidaam iyo barnaamij ayaa ah musiibo fursado abuur dhib iyo akhlaaq xumi. Madaama aan loo heleyn dadka shaqo iyo camal ey u jarmaadaan sheekada iyo hadalku waa kan isu keena una kala gudbiya ku dayasho balwo iyo fusuq ama ku biirid barasho Diin ama koox diimeed ama koox hubeysan Baraarujinta iyo tosinta akhlaaq waxaa ka hureeya aqoon iyo dulqaad lala yimaado ; aqoon la’aan haddii wax lagu billaabo waxaa luma xariirka kan toosinta u baahan iyo dhaqan celin iyo kan/kuwa isu xilsaarey isbedel. Waa in aan la afdoobin habka loo isticmaalo tosinta uusanna noqon mid khasaara keena. Afdoobka wuxuu noqon kara khasab iyo jir dil loo geystu kan la dhaqan celinayo natiijo laga yaaba in uu waali ka qaadu ficilada adag. Diinta Islaamku waa buxinta akhlaaq iyo toosin aadami wana tan kali ah oo xureysey aadamiga, Tarbiyada islaamigu waxay nuurisaa hagtaa hab dhaqanka kan lunsan. Karaamada Eebbe ka ma qadin Fircon markii loo direy Nabi Musse swc ee waxa la amrey in uu si ladifan oo macaan wax loogu sheego. Waxaa cajiib ah in maanta Somalia oo Diintu tahay tan la jecel yahay aad arkeysid qof cilmi isbadey huwanna labis islaam muqaal qorxuun oo aan laheyn gaajo iyo daal laakin xanbaarsan culeys hadal oo uu doonaayo meeshii uu isaga rogi lahaa. Waa yaab haddii wacdigu noqdu mid ey ka maqan tahay dareen wadaag iyo waano caam ah. Hadda waxaa batey waaci u muqda in uu ka badbaadey waxaa uu ka digaayo ; waaci isu muujiya in salaadiisu aqbal aheyd/tahay murugona ka heysu kuwa salaada tukada oo aan la aqbalin. Waxaa cajiib ah in qof islaan oo waaci ah haddii uu ka huryimaado aad jecleysatid in uu ka gudbo oo aadan la hadal maxaa wacey looma adkeysan karo miisanka iyo aragtida go’aan ee u ka garey. Waa cajib in aan la isla hadleyn safka salaadana la wada taakin yahay. Diinta islaamku uma soo degin ku mashqoolka saraawiisha dhaadheer , uma soo dhegin la dagaalanka sigaarka iyo heesaha uma soo degin………………………….. lakin waxay u soo digtey toosinta caqiidada in Illaahey yahay keli uusan u abuurin makhlooq wax aan aheyd cibaado, lalana xisaabtimi doono. Haddii caqiidadu toostu dhamaan inta kale wey toosi maxaa wacay axsaabtii Nabiga swc waxay tukan jireyn ayagoo sakhraasan ilaa la yiri ha tukanina idinko sakhraasan. Waa muhiim in shan waqti salaadeed eysan suurtagal aheyn in la cabo laguna sakhraamin. Waa la soo dhisey asaas baa loo sameeyey tarbiyad islaami ah ba lagula dadaaley; tusaalooyin baa la siiyey ilaa ayagoo raali ah kuna qanacsan una diyaar ah in ey naftoodu u huraan islaanka la gaarey. Aasaas adag baa qiimo leh hadal joogta ah oo lagu duraayo kan loo sheegaayo meel ma gaaro. Diinta islaanka zinada xad la fuliyo waxaa ka hureeyey in zaanika iyo zaaniyadda la ceebeeyo laguna feeqo farta. Waa tusid ficil xun iyo in la helo karo sameynta si saxan oo sahlan, Barbaarin ka bacdi iyo iimaan galey qalbiga ayaa xadka dhagaxa ama karbaashu soo digey. Soo dhiska iimaan iyo rumeyta akhiro ayaa ka kheyr badan kana natiijo dheer buburburin qabri. Caqiidada xun kuma baaba’du burburin qabri fahanka xun kuma jiro qabri ee waxaa watta kan aaminsan qalbigiisa. aa in dadka la baraa laguna qanciyaa aaminaana Illoohiyadda iyo raboobiyadda , saas wax walba ku saxmaa kuna hagaaga. Waxaad xusid mudan iyo in la raaco lagana danbeeyo lana qaatu wacdigooda waaciyaal ama culimo badan oo somali ah oo lagu guuleystey lagana bartey diinta islaan. Waxaa xusid mudan in nuurka islaamka ka ifaayo Somalia Illaahey ajar iyo xasanaad ha ka siiyo waxaa shidaaya waa culimo Somali ah waan mid aan ku faano. Ogu dambeyn xabad iyo akhlaaq xumo waa musiibo iyo halaag ee ilaahey ha na tuso waxa fiican kiina xunna walaaltinimo aan wax ogu sheegno.
Wa Billaahi Towfiiq Dhoore
Email:webmaster@hidaha.com