Sheekh Max’ed Cabdi Umal oo kamid Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa been lasoo dhoodhoobay ku tilmaamay Warbixin dhawaan ka soobaxday kooxda la socodka Soomaaliya ee Q.M hoostagta kaas oo shaqsiyaad Soomaali ah oo kunool Dalka Kenya oo uu kamid yahay Sh Umal ku eedeeysay inay Xiriir adag laleeyihiin Xarakada Shabaab
Sheekh Umal oo wareysi gaara siinayey Mowqica Al-jazeera.net ayaa yiri:“Dadka soo diyaariyey warbixintaas waxay soo xigteen waxyaabaha lagu qaro intarneedyada, Fadhikudirirada lagu Qaxweeyo iyo warsuuqeedyada, dhamaan ilahaasna waa Masaadir aan lagu kalsooneyn waxanan leeyahay dhamaan eedeymaha ku soo arooray Warbixinta ee aniga iyo Maraakista Islaamiga Kenya taabanaya waa been iyo been Abuur”.
“Hal sabab ayey ku beenoobaysaa warbixintu taasna waa inaysan wax xiriira ila soo sameyn Dadka Diyaariyey Taqriirka oo inta badan aniga iyo Maraakista Islaamiga ee Nairobi nagu saabsaneyd”. Ayuu Sh Umal sii raaciyey hadalkiisa.
Eedeymaha warbixinta Q.M waxaa ka mid ahaa in Sheekhu Kaalmooyin dhaqaale Kenya uga soo aruuriyo Al-shabaab wuxuuna kaga jawaabay qodobkaas:“sidey noogu suurogaleysaa inaan Masaajida iyo Maraakista kaalmooyin Maaliyadeed uga uruurino Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ama cidkale iyadoo ay Masaajida iyo Maraakista joogaan Mukhaabaraadka Kenya, kaasi waa hadal ay isaga hadaaqeen Dad waalan, weynaga been abuuranayaan, waxayna qorayaan wax aan ka jirin Nairobi”.
Sh Umal ayaa sidoo kale yiri:“ Kenya ma’ogola in qaabkaas kaalmooyin lagu aruuriyo waxayna aad ula socotaa Dhaqdhaqaaqyada ka jira Masaajida iyo goobaha kale, taasina waxay marqaati ka tahay in Warbixintu aysan wax kalsooniya heysan”.
Sheekh Umal ayaa dhanka kale kashifay inay haatan Kenya ka jirto Xamlo looga soo horjeedo Muslimiinta oo ay hormuud ka tahay Q.M iyo Saxaafada si Culimada iyo ganacsadatad Bartilmaameed looga dhigto isagoo leh:“waxaa jirta Xamlad qorsheysan oo looga soo horjeeda Muslimiinta Kenya waxaana Hogaaminaya Q.M iyo jaraa’idka Maxaliga ah, si loogu kiciyo Ra’yul Caamka gudaha Muslimiinta loona beegsado Culimada, Ducaada, Ganacsadatada iyo Siyaasiyiinta”.
Sheekh Umal ayaa tilmaamay in dhowr hadaf laga leeyhay Warbixintaas kuwaas oo ay kamid yihiin Cabsigalinta Culimada iyo Ducaada, Dadka in laga hor’istaago Masaajida iyo Maraakista Dacwada iyo Cabsigalinta Ganacsatada kaalmeysa Adeegyada kheyriga ah iyo Dacwada Muslimiinta Kenya.
Xamlada ay wadaan Q.M iyo Jaraa’idka Maxaliga Kenya ayuu ku shabahay Xamladii Xukuumada Bakistan ay Culimada , Ducaada, Maraakista Islaamiga, Dadkii ka shaqeynayey iyo kuwii ka faa’ideysanayey ay ku qaaday kadib Weerarkii Huwantii uu Mareykanka hogaaminayey ay Afqaanistaan ku qaadeen 2001-dii.
Sidoo kale sheekh Umal ayaa sheegay in Reergalbeedku ka baqayaan kororka Muslimiinta Kenya kuwaas oo haatan gaaray heer aan leyska indhatiri Karin, wuxuuna intaa raaciyey inay meel sare Muslimiintaasi kaga jiraan Ganasiga Dalka ayna saameyn lataaban karo ku leeyihiin Suuqyada ganacsiga waxaana sidoo kale sii kobcaya garaadkooda aqooneed.
Wuxuu beeniyey Umal inay Cilaaqo ka dhexeyso Maraakista Islaamiga Kenya iyo Xoogaga ka horjeeda DKMG wuxuuna sidoo kale Tibaaxay inuusan koox gaara taageersaneyn shakhsi ahaantiisa, laakiin uu marwalba garabtaagan yahay Masaalixda Guud ee Shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu tilmaamay in Dadaalkooda Dacawiga ah ee ay kawadaan Dalka Kenya uusan Cidna ka qarsooneyn isagoo leh:“waxaan ku hoosnoolahay Xukuumad Kenya sidii qof Muwaadina, cidwalbana si weyn bey iitaqaan, qarsoodina kuma shaqeeyo, Dowlada Kenya-na igamey codsan inay ila kulanto gaar ahaan Nashaadka Dacawiga ah ee aan kawado Kenya”.
Sh Umal ayaa Sheegay inuusan Xiriir kala dhaxeyn Q.M, Midowga Yurub iyo Maraykanka midna.
Umal ayaa ku sheegay sabata ay isaga u beegsaneyso Q.M inay tahay mowqifkiisa Cad ee ku aadan Qadiyadaha Umada Islaamka, Baaqiisa ku aadan in loo gargaaro Umadaas, iyo inuusan kagaban sicadna u sheego Figradihiisa si waafaqsan Masaalixda Caamka ah ee Islaamka iyo Muslimiinta, iyo sidoo kale Fikirkiisa ah in Mushkiladaha ka taagan Caalamka Islaamka lagu daweeyo Islaamka iyo ugu dambeyntii Dowrkiisa Dacawadeed ee ka muuqda Kenya.
Dhanka kale Qaar kamida Dadkii lakulmay Kooxda soo diyaarisay Warbixinta Qaramada Midoobay oo uu wariyaha aljazeera.net lakulmay ayaa sheegay in eedeymahaas lagu sheegay warbixinta Q.M lagu dhisay Xog laga uruuriyey Dad aan marnba hadalkooda la ictimaadi Karin ama aan larumeysan Karin
XaFiiska.comaara.com
ugu horeyn waa ey salaamanyihiin dhamaan shaqaalaha webseedka hidaha.com waxa aan idiinku salaamayaa salaanta islaamka taasoo ah asc ww intaa ka dib magaceygu waa c.laahi maxamed cabdi (master susunyare) waxaa aan joogaa magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada xamar jab jab waxa aan ahay saxafi madax banaan oo ku nool magaalada muqdisho anigu ra,yi ahaan waxa aan qabaa siduu ka dhawaajiyay shiikheena sh maxamed cabdi umal allah dhowree in uu warkaasi wax kama jiraan yahay been la soo dhoo dhoobayna uu yahay run ahaanti shiikha waxaa lagu yaqaana in uu dadka si alle ka cabsi diinta uu u baro anigaana ka kow ah kana mid mid ah dadka wacdigiisa dhageysta ha ahaato tafsiir qur,aan amaba axkaam amaba axaadiis intaa ka dib waxaa aan leeyahay dadka jecel in ey mashaaiqda aflagaadeeyaan in ey iska daayaan waxyaabaha aan macquulka aheyn mana banaana qofka wax uusan aheyn in laga dhigo shiikhana 100% waa uu salaamanyahay dhamaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta webseedka hidaha.com waa ey salaamanyihiin
c.laahi maxamed cabdi (master susunyare) - November 6, 2010
10:44 am