Masuuliyiin ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaac ee ka qeyb gashay heshiiskii Addis Ababa ayaa gaaray degmada Caabudwaaq iyadoo kulamo ay la qaadanayaan xubnihii kale ee ka soo horjeestay heshiiskaasi.
Xubnaha Wafdiga ee gaaray Magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa kala hogaaminayay gudoomiyaha golaha fulinta Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow iyo gudoomiyaha golaha Talada Sheekh Cumar C/qaadir Aadan,waxaana Maalintii labaad ay kulan kula qaadanayaan Magaalada Caabudwaaq masuuliyiintii kale ee ka biya diiday heshiiskii Addis Ababa.
Kulamadaani ay leeyihiin golayaasha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ah kuwa ay albabadu u laabanyihiin ayaa waxaa la saadaalinayaan in ay kaga wahadalayaan waxyaabaha keenay mad madowgii soo kala dhexgalay culumaa’udiinka iyadoo la filayo in ay ka warbixiyaan saacadaha soo socda waxyaabihii ka soo baxay kulamadaasi.
Gudoomiyaha golaha Fulinta ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Xaafoow oo Wariyaha Shabelle ee Galgaduud uu kula kulmay hoteelka uu kulanka ka socdo ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado kulankaasi ay warbaahinta warbixin buuxda siin doonaan.
Wafdigii ka yimid magaalada Addis Ababa ee culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaan wali si toos ah shaaca uga qaadin waxyaabihii ay kula heshiiyeen dowladda KMG ee Soomaaliya taasoo keentay in xubno ka tirsan Cullumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka soo horjeestaan heshiiskaasi.
Wadahadalkaani ayaa waxaa si weyn u soo dhaweynaya dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud kuwaasi oo aad ugu faraxsan in ay meel isugu yimaadaan dhamaan golayaasha Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.