Dagaal beeleedyo Laga cabsi qabo inay dib uga qarxaan deegaanada camaara iyo bacadweyne ,kadib waan,waan ka socotay halkaas oo ay wadeen waxgarad kasoo kala jeeda 2daas beelood oo burburtay
dadka deegaanada camaara iyo bacadweyne ayaa ka baqaaya in dagaal ay ka nasteen mudo ku dhow 2todobaad uu dib ugu soo laabto
waxaa kale oo xiisad midaas la,mid ah ay ka jirtaa Magaalada (gazza) oo 45km ujirta magaalada bacadweyne dadkuna uyaqaanaan baraag ciise balse magaceeda saxda ihi yahay (gazza)
Sababta keentay in markaan oo la filayay in colaada ay ku nafwaayeen dadka faraha badani ay soo gabagabowdo dib usoo nooleeyay ayaa dad badani waxay ufasirteen in labaadan beelood beel kamid ihi ay diiday wada hadalkii halkaas uga socday
kaalintii ay kulahaayeen maamulada ka jira dalka sida dowlada KMG ah ahlusunna,Puntland Ayaa waxaa moodaa inay tahay gaabis maadaama ay ku soo aruurtay kaalintoodii baaq aan wax natiijo ah lahayn
halkii ay awood ku maquunin lahaayeen labada beelood midii gardaran waxaa khaasatan la filayay ahlusunna waljamaaca inay amaanka deegaanada hoos yimaada gacan bir ah ku qabato balse aysan umuuqan dadka faraha badan ee ku geeryoonaya dagaaladaas ahligaa ee soo noqnoqnaya
wixii ku soo kordha deegaandaas dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa
Email webmaster@hidaha.com