Culumaa’udiinka Ahlu Sunah oo dib u qabsaday Messega-way, kadib dagaal faraha looga gubtay

Filed under: Wararka Somalia |

 Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa dib mar kale u qabsaday Deegaanka Messega-way oo shalay ay la wareegeen Maleeshiyaadka Shabaab, kadib dagaal dhuumashow ah oo ay ku soo qaadeen deegaankaas.

Sida ay sheegayaan wararka dagaal faraha looga gubtay oo shalay galab deegaankaas ay si rogaal celis ahaan ugu qaadeen Ahlu Sunah ayaa ilaa xalay fiidkii la isla gaaray.

Ciidamada Ahlu Sunah oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa xoog uga saaray deegaankaas maleeshiyaadkii soo duulay, kuwaasoo loo racdeeyay meelihii ay ka soo duuleen.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Golaha Fulinta Sheekh Cumar ayaa saxaafada u sheegay in ay deegaankaas dib u qabsadeen, kadib dagaal socday afar saacadood oo xiriir ah, waxaana uu cadeeyay in jab xoogan ay u geysteen kuwii soo duulay.

Waxaa uu sheegay in Meydad ka tirsan Shabaab ay ku arkeen deegaanada howdka, oo ay dagaalka ku dileen, waxaana wali la dareemayaa xiisado halkaas ka taagan.

Deegaanka Galcad ayaa la sheegay in wali Shabaab ku sugan yihiin, ha yeeshee Ciidamada Ahlu Sunah ayaa kaabiga u saaran deegaankaas, iyadoo suura gal ay tahay in daqiiqad kasta uu dagaal ka dhaco.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Shabaab ay si kedis ah ula wareegeen deegaanada Galcad iyo Messega-way oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>