War Deg Deg ah oo iminka inaga soo gaarayo Degmada Masagaway ayaa la shegayaa in uu halkaasi ka qarxay Dagaal culus kaasi oo udhaxeyo Culuma’udiinka ahlusunah oo garab ka helayo Dadka deegaanka iyo Xarakada Alshabaab oo isku habar iyo oday wacatay sida ay gacanta ugu dhigi laheed Degmada Masagaway.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in dagaalka la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala gedisan isla makaana ay adagtahay sida warar sugan looga helo.
Dagaalkani oo qarxay kadib dukashada salaadi subax ee saakay ayaanu la ogeyn mas’uuliyada cida weerarka bilaawday walow dadka reer masagaway iyo climadooda diyaar garow dagaal kii balaarnaa ay shalay galeen kadib kulan balaaran ay ku yesheen halkaasi laguna kala qeybsaday jiihooyinka iyo taatikooyinka dagaalka
hada ceeldheer waxaa qabsady al shabaab ahlu suna meel ey kabaxeen lama oga
ali gedi - April 23, 2010
2:30 pm