Dal bur buray Dadkiisa waxkasta ka filo Maantana Waa Fanaankii Cuslaa Abdi Ali Baacalwaan‏

Filed under: Suugaanta,Wararka Somalia |

Hadba keena taagdaran in loo hawl galaayoo dhibka looga hiishaa waa xeerka noloshee fanka hoobalkiisii haad kumuu caweynine qarankii  burburaybaa qaarba meel bidhaansheen.
 
Waxa aad moodaa in dhamaan fanaaniitii soomaaliya la iskaba ilaawey iyadoo
aad moodo in loo aaneynayo in ay burburkii qaranka ka qayb qaateen.
Haba ka qaybqaataane maxaa ka horeeyey? Waxa ka horeeyey dhismihiisii iyo xoriyo doonkiiba iyana qayb libaax ayey ka qaateen illaa iyo maantana iyaga
uunbaa ka gubta dhibaatada haysata dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel
wal oo ay joogaanba ha joogaan qurbaha ama carigii hooyo eh.

Haddaba iyadoo ay sidaa tahay ayey fanaantii Soomaaliyeed intooda nooli midba meel cidla uu murugo la jiifaa, haba ugu nolol roonaadeen kuwa qurbaha joogaa iyagoo qudhooda niyadooda illaahey uuni ogyahay. Haddaba  waa fanaankii waa hoobalkii waa halyeygii caanka ahaa ee Cabdi Cali Baacalwaan oo dhibaato qaliin xun haysato haddii aan laga gaadhina ay noloshiisu halis galeyso isagoo ku nool  carigaasi Kenya  sidaa daraadeed waxaa lagaaga baahan yahay in aad caawisooo aad ka qayb qaadato qaybtan nolosha ka midka ah illeyn qof walba maalin uunbey qabsataaye.

Waxa aad ugu diri kartaa xawaaladaha soomalida teydoonto ha ahaatee
gaar ahaan dahabshiil telefoonkiisuna waa  254726655701
 
 
Mahadsanidin webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>