Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho tababar ciidan ugu furtay Boqolaal askari, si ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka qeybaha ay gacanta ku heyso.
Munaasabad ka dhacday Dugsiga School Polizio ayaa halkaas waxaa tababar loogu furay ilaa 800-askari oo ah kuwa booliska, waxaana halkaas hadalo dar daaran ahaa u jeediyay Mas’uuliyiinta Dowladda.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa u jeediyay Ciidamada in ay la yimaadaan dadaal iyo karti, isagoo sheegay in askarigii loo dira howshiisa ee gudan waayo uu sharciga qabanayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Ciidamada tababarka ku maqan iyo kuwa dalka ku sugan ay sugi karaan ammaanka dalka oo dhan.
Taliyaha Ciidamada Booliska Cali Madoobe ayaa sheegay in Ciidamadan tababarka loo furay horay loogu soo tababaray dalka Ethiopia, isla markaana haatan ay qaadanayaan tababar kooban sida uu yiri.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamadan ay magaalada Muqdisho ka howl geli doonaan, isla markaana ay xaqiijin doonaan ammaanka sida uu hadalka u dhigay.
Boqolaalka askari ee tababarka loo furay ayaa waxaa qeyb ka ahaa 150-haween oo loogu tala galay in ay iyana ka qeyb qaataan sugida ammaanka Caasimada Muqdisho.
Dowladda KMG oo dhistay Ciidamo aad u fara badan, isla markaana kuwa kale ay tababar dibada ugu maqan yihiin ayaa wali waxay dhaafi la’dahay wax ka yar 5-KM, waxaana kooxaha ka soo horjeeda ku naaloonayaan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan.