Wasiirro, xildhibaanno iyo Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo Gobolka Hiiraan u joogay abaabul dagaal ayaa sheegay inay dhamaystireen qorshihii dagaal ee ay kula wareegi lahaayeen Gobolka, ayna diyaar u yihiin inay weerarro ku qaadaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya degaanada Gobolka Hiiraan.Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG oo lagu magacaabo Axmed Inji ayaa isagoo ku sugan deegaanka Feerfeer ee xudduuda Soomaaliya iyo Itoobiya saxaafadda u sheegay inay dhamaystireen qorshayaashii dagaal ee ay ku qaadi lahaayeen xoogaga haatan ka taliya Gobolka Hiiraan.
Waxa uu Col. Axmed Inji sheegay inay ka go’an tahay inay awood ciidan ku qabsadaan caasimadda Gobolka Hiiraan ee magaalada B/weyne iyo dhamaan degaannada kale ee Gobolka Hiiraan. Dhanka kale afhayeenka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan sh.Maxamed Wehliye Odawaa ayaa isaguna saxaafadda u sheegay inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerar walba oo kaga yimaada Dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogagan kusoo fool leh magaalada Baledweyne.
“Diyaar ayaan u nahay inaan difaacno Gobolka Hiiraan, waayo innagu waxaan horay nafteenna uga iibsannay ALLE, wayna naga go’an tahay inaan ku dhimano Gobolka inagoo difaacayna Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda” ayuu yiri Sheekh Odawaa.
Sikastaba ha ahaate hanjabaadahan saraakiisha g/hiiraan iyo kan xsibul,islam ayaa imaanaya xili dhawaanahan ay waday Dowlada KMG ah dhaq dhaqaayo laga dheehan karo inay Xoog u isticmaalayaan kooxaha kasoo horjeeda Dowladnimadooda iyado malintii shalay uu u qudbeyay madaxweyne shariif GUUTO ciidama ah oo tababar ku dhameystay dalka Ugandha kuwaas oo la Doonayo inay qayb muuqata ka qaataan nabad ku so dabaalida dalka iyo haykalka Dowladnimo.