Sh Jaamac Cabdisalaam oo kamid ah Culumada Waaweyn ee Ururka Al-Ictisaam Ex Al-Itixaad ayaa si foolxuma badan u weeraray Culumada Ictisaamka ee dhowaan shirku ugu soo dhamaaday Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.HALKAN KA DHAGEYSO Kalmadii:
Sh Jaamac Cabdisalaam oo ka soo jeeda Gobolada Puntland ayaa baryahan dambe fadhigiisu ahaa Muqdisho halkaas oo uu hiil iyo hooba ka siiyo kooxaha islaamiyiinta ee dagaalka ka wada Koonfurta Soomaaliya.
Weerarka uu Sh Jaamac Cabdisalaam la beegtay Culumada Ictisaamka ee Bayaanka ka soo saaray Garoowe ayaa ahaa mid uu ku sii xoojinayay hadal Fu’aad Shongole ka sheegay Masaajid ku yaala Muqdisho oo ahaa in Culumada Ictisaamka ay yihiin khaai’miin aan wax shuqul ah ku laheyn Diinta islaamka.
Ugu horeyn Sh Jaamac Cabdisalaam ayaa sheegay in Culumada Garoowe ku shirtay ay yihiin raggii ay wada qaban jireen mu’tamaraadka oo ay wada faafin jireen Diinta islaamka.
Waxaa kale oo uu intaas raaciyay in lagu martiqaaday Nadwadaas ama Shirkaas lagu qabtay Garoowe balse uu dalbaday in dib loogu kaadiyo maadaama uu ka shakiyay waa sida uu hadalka u dhigay.
Sh Jaamac oo sheegay in Culumada Ictisaamka ay ku qaldan yihiin laba arrin.
1- Culumada Ictisaamka oo doortay Aduunyo kana tagay Aakhiradii.
In Culumadaas Ictisaamka ah ay ka tageen habkii uu Allah faray in loo shaqeeyo ayna doorteen Aduunyo halkii ay ka aheyd in la doorto aakhirada wanaagsan ee baaqiga noqoneysa sida ay sheegtay Aayada Qur’aanka ah ee macnahaas xambaarsan.
Sh Jaamac ayaa sheegay in Culumadaas ay u shaqeeyaan caksiga Aayadaas oo ah in Aduunyadu baaqi noqoneyso oo ay ka wanaagsan tahay aakhirada.
2- Culumada Ictisaamka oo ka baxay Manhajka Ahlu Sunna islamarkaana aan fahmin Towxiidka.
Qodobkan ah in Culumadaas ay dhunsanyihiin oo aysan Towxiidka fahmin ayuu sheekhu ku dheeraaday.
Hadalada Sh Jaamac ayaa ah kuwa aad isku burinaya taasoo ku tusineysa jahwareerka aan dhamaadka laheyn ee Sh Jaamac heysta.
Sh Jaamac ayaa inta uusan weerarin Towxiidka culumada hormarshay arrin burineysa hadalkiisa dambe oo ah in Culumada Ictisaamku ay ahaayeen Culumadii Soomaaliya soo gaarsiisay Dacwada Towxiidka ee kaalinta weyn ku lahaa Baraaruga ay ummadu ku baraarugtay Towxiidka iyo Diinta islaamka.
Baraarugaas oo sheekhu sheegay in marba uu heer marayay ayna jirtay xili la ahaa akhwaan muslimiin kadibna markii Takfiirku soo baxay diraasaad lagu sameeyay kutubtii sidaasna lagu fahmay Manhajka salafiga ah.
Sh Jaamac ayaa taas ku daray in jihaadka maanta socda uu keensaday in la fahmo mowqifka Ahlu Sunnaha ee u dhaxeeya labada koox ee baadiyeysan waa khawaarijta iyo Murji’ada.
Sh Jaamac Cabdisalaam ayaa afbuuxa ku qiray in Culumada Ictisaamka ay ku socdaan Manhajka kooxda dhunsan ee loo yaqaano Murji’ada balse culumadaas ay isku maleynayaan in ay ku socdaan jidkii saxda aha ee Salafkii wanaagsanaa ay mareen.
Sh Jaamac ayaa taas ka sii fogaaday oo qiray in xataa aysan Culumada Ictisaamka aysan kamid aheyn dalada guud ee Ahlu Sunna.
Hadaladiisa waxaa kamid ahaa “Waxey ku fatwoonayaan, aaminsanyihiin, kuna socdaan Manhajka Irjaaga” (Murji’ada).
Magaca Allah ayuu dhowr mar ugu dhaartay in Culumadaas ay kamid yihiin kooxdaas Murji’ada ah ee gees martay jidka Rasuulka SCW.
Sh Jaamac Cabdisalaam oo arrintaas sii cadeynaya ayaa dib u jaleecsaday niqaash ama doodo dhexmaray Al-Shabaab iyo Culumada Musaalaxada intii uusan si fiican u bilaaban dagaalkii ay kooxaha islaamiyiinta la galeen Dowlada Sh Shariif.
Sh Jaamac ayaa xubin weyn ka ahaa Culumada Musaalaxada ee markii dambe la baxay Hay’ada Culumada Soomaaliyeed, waxaana uu ka warbixiyay dood ay ugu tageen Fu’aad Shongole ayagoo ah todoba Culumo waaweyn ah oo ka tirsan Culumada Musaalaxada si ay Fu’aad Shongole iyo Shabaabka kale uga dhaadhiciyaan in aan qofka shakhsiyan loo gaalaysiin karin hadii uu gaalnimo ku dhaco balse la kala qaadayo ficilkaas gaalnimada ah iyo faacilka oo ah qofka gaalnimada ku dhacay, laguna gaabsanayo in ficilkaas gaalnimo yahay balse faacilku uusan gaal aheyn.
Doodaas kadib ayuu Sh Jaamac Cabdisalaam sheegay in Fu’aad Shongole uu Culumadaas uu asagu ku jiro u celiay kutub tilmaameysa in gaalnimadu aysan aheyn qaabkaas ay u kala qaadeen oo gaalnimadu tahay mid muuqata iyo mid qarsoon oo hadii qofku ku dhaco gaalnimo muuqata aan waxba loo kala qaadeyn ficil iyo faacil oo waxaba lagu wada xukumayo gaalo.
Sh Jaamac Cabdisalaam ayaa sheegay in niqaashkaas kadib uu kutubtaas ka qaatay Fu’aad Shongole kadibna uu ku qancay qaabkaas takfiirnimada ah ee Fu’aad Shongole u laqimay.
Fu’aad Shongole iyo Shabaabka kale oo Cilmi ahaan uga adkaaday Sh Umal iyo Sh Umal oo isdhiibay waa sida uu Jaamac Cabdisalaam sheegay.
Dhacdadaas kadib ayuu Sh Jaamac Cabdisalaam iyo Culumadii kale ay dirsadeen Sh Umal si uu ula soo niqaasho Fu’aad iyo xertiisa maadaama Sh Umal ku dambeeyay xaga cilmiga iyo diraasaadka.
Waxaa dhacday in Sh Umal uu la soo dooday Shabaabkii kadibna soo laabtay asagoo gacmaha laa-laadinaya oo aan waxba isla heyn oo ay Shabaabkii ka soo adkaadeen.
Dhacdooyinkaas ayaa ahaa kuwa uu Sh Jaamac Cabdisalaam ku cadeynayay in Culumada Ictisaamka aysan waxba meesha ku hayn xataa towxiidkii dhamaa ee Diinta aasaaska u ahaa uu ka maqan yahay.
Sh Jaamac Cabdisalaam ayaa aad ugu cel-celiyay in nimanka ictisaamka ah ee ku doodaya in ay salafiyo yihiin aysan salafiyo aheyn oo aysan Ahlu Sunna aheyn bal ay yihiin Murji’o cad oo aan qarsooneyn.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in Culumada Ictisaamka aysan kala garaneyn farqiga u dhaxeeya Kaafir iyo Sunni.
Kooxda kale ee dagaalada ka wada soomaaliya ee Ururka la baxay Ahlu Sunna oo Jaamac Cabdisalaam uu gaalaysiiyay ayuu sheegay in Culumadaas aysan kooxdaas gaalaysiin sidaasna ay markale ku yihiin Murji’o.
Sh Jaamac ayaa sheegay in baadilnimadooda aysan is ogeyn barigaas ay shabaabka la niqaashayeen oo ay takfiirnimada ku eedeenayeen maantana sidaasoo kale aysan Ictisaamku ogeyn in ay Murji’o yihiin.
Ugu dambeyntii Sh Jaamac ayaa kalimadiisa ku soo xiray in uu marqaati ka yahay in ay saxsantahay arrimaha uu Fu’aad Shongole ku tilmaamay Ururka Al-Ictisaam oo ah in aysan shuqul ku laheyn Diinta islaamka iyo Towxiidkii dhamaa ee asalka u ahaa.
Arrinta Mucjisada aheyd ayaa aheyd in Jaamac Cabdisalaam uu shakhsiyan u fahamsaneyn Towxiidka balse uu Maanta towxiidkii ku fahmay risaalooyin iyo dhaqan celin uga timid Fu’aad Shongole oo aan dhalan xiligii Jaamac Cabdisalaam sheegan jiray fahamka towxiidka.
Waxaa nasiib darra ah in Sh Jaamac Cabdisalaam oo ah Wadaad ay Itixaadku ku dhaartaan kuna tilmaamaan in uu ahaa rugcadaa weyn oo gacan libaax ka geystay fidinta towxiidka in uu maanta qirto in uusan Fu’aad Shongole kahor uu ka baxsanaa Diinta islaamka maadaama uusan fahamsanaan jirin Towxiidka iyo farqiga u dhaxeeya gaal iyo muslim taasoo la oran karo waa gaalnimo uu isku xukumay, kuna xukumay Ururkiisa Al-Ictisaam.
Waxaa marag madoonto ah in Fu’aad Shongole uu yahay nin jaahil ah oo aan fahamsaneyn macnaha dhabta ah ee Towxiidka islamarkaana cilmiga uu sheegto uu yahay khusacbalaad ku qoran risaalooyin internetka laga soo saaray oo ay qoreen Maafiyo Takfiiriyiin ah sidaas oo ay tahay waxaa mudan in janaazo lagu tukado asagoo nool qofka aaminsan in uu Towxiidka ku fahmay fadliga Fu’aad Shongole.
Arrintan naxdinta leh ee Jaamac Cabdisalaam ka dhawaajiyay ayaa murugo ku reebeysa dhalinyaro badan oo ku faani jiray in Towxiidka ay ka barteen Sh Jaamac Cabdisalaam, Towxiidkaas oo maanta uu ku badashay Caqiido Khawaarij.
Inkastoo Jaamac Cabdisalaam sheeganayo in uu sidatan ku qancay hadana hab dhaqamadiisa ayaan ka marneyn cudurka macruufka ah ee soomaali aafeeyay oo Jaamac Cabdisalaam wax dagaal ah kulama jiro Maamulka Puntland mana uu ogola in jihaadka uu sheeganayo laga bilaabo Puntland waxaana uu door biday in uu dagaalada jihaad ku sheega ah ka huriyo Koonfurta Soomaaliya oo aysan deganeyn dad uu ka naxayo.
Sh Jaamac si nabad ah ayuu ku tagaa kagana soo baxaa Puntland waana halka ay ugu nabdoon yihiin dadkiisa iyo xoolihiisaba hadana waxaa uu aaminsanyahay in wax aan jihaad aheyn lagu gali karin goobaha ay ka taliyaan Ururka Ahlu Sunna iyo Dowlada KMG.
Tan kale Bayaanka ay soo saareen Culumada Ictisaamka ayaa ahaa Bayaan muuqaalkiisa kore wanaagsanaa haba ahaado Bayaan Siyaasi ah oo lagu yaqaanay Culumada Ictisaamka, Bayaanadaas oo aan gardarada saareyn qoloda dhibka wada balse si guud wax u eedeynaya cid walbana garta siinaya sidii isla culumadaas ictisaamka ah ay kalhoreba dhinacyada soomaaliya isugu haya ku kala tilmaameen Mujaahidiin iyo Dowlad islaami ah oo dagaal ka dhexeeyo.
Halkan ka dhageyso Bayaankii Culumada Ictisaamka ee Garoowe.
Waxaa kale oo ayaan dara ah in Ictisaamka oo dhiig Muslim horay usoo daadshay ayagoo ku andacoon jiray in dadku dhinac mareen Towxiidkii hadana uu maanta Jaamac Cabdisalaam oo aaba u ah uu la soo shir tago in Diintuba hada u cusubtahay oo Towxiidkii dhabta ahaa uu ka bartay Fu’aad Shongole.
Culumada Ictisaamka ma u jawaabi doonaan Sh Jaamac Cabdisalaam?
Waa dhici kartaa in ay jawaab ka baxshaan hadalkaas laakiin jawaabtaas ma noqon doonto mid cad oo tilaameysa in Jaamaca Cabdisalaam dhunsanyahay ama ku saxsanyahay waxa uu sheegay.
Hadalka uu Sheekh Jaamac ku hadlay hadii ay oran lahaayeen cid aan Ictisaam, Xisbul islaam ama Shabaab aheyn waxaa la hubaa in jawaab adag laga bixin lahaa islamarkaana cidaas lagu tilmaami lahaa dad culumadii caayay oo cadow ku ah Allah iyo Rasuulkiisa, meel walbana laga fadeexeyn lahaa, gaalnimana lagu xukumi lahaa.
Waxaa la arkay in Culumo si qabow oo ixtiraam leh u radisay hab-dhaqanka Ictisaamka meel walba mowjad dagaal looga furay qaarkoodna si dadban looga saaray Diinta, wixii la sugaana waa sida Ictisaamku ugu jawaabo ninkaas aan haba yaraatee waxba u reeban ee ka saaray Towxiidkii dhamaa.
Sidoo kale lama filaayo in Sh Umal uu jawaab cad ka baxsho ama beensho arrinta uu Jaamac Cabdisalaam sheegay oo si gaara magiciisa loogu xusay.
NB: Ereyga Murji’ada ah ayaa aad ugu soo laa-laabanayay hadalka Sh Jaamac Cabdisalaam, tacriif kooban ayaa ka bixineynaa si dadka aan ogeyn uga dhargaan waxa Murji’adu tahay.
Murji’ada uu Jaamac Cabdisalaam ku tilmaamay Culumada Ictisaamka ayaa ah koox kamid ah kooxaha ka leexday jidka saxda ah, kuwaasoo bixitaankoodu ka dambeeyay khawaarijta oo waxey soo ifbaxeen xili ay khawaarijtu jirtay, hadii aan si kale u dhigno waa caksiga khawaarijta.
Kooxdan oo kala darajooyin ah una kala baxa qeybo kala duwan ayaa aaminsan in qofka uusan sinaba ku gaaloobeyn marba hadii uu iimaanka soo galo oo Iimaanka aysan waxba u dhimeyn Macaasida sida gaalnimaduba aysan waxba ku soo biirineyn daaco lala yimaado.
Waa koox aaminsan in wax walba la iska qooshto oo niyada la isaga haayo cafiwga Allah maadaama hadii iimaanka la soo galo aan laga baxeyn gaalnimo iyo mulxidnima kasta oo lagu dhaco, mana aaminsana in islaamka laga gaaloobi karo halka khawaarijtu cid walba oo aan ayaga aheyn gaalaysiiyeen.
Waa koox aan la soo koobi karin foolxumooyinka ay aaminsanyihiin oo aan qabin in camalada la sameeyo sida salaada, soonka, xajka iyo cibaadooyinka kale aysan soo hoos galeyn iimaanka oo dadkuna isku darajo ku yihiin iimaanka xataa kuwooda gaalnimada ku dhaca, iyo in Iimaanku uusan siyaadin ama nusqaamin, Waa koox qabta in Iimaanku yahay qowl ama rumeyn aan camal laheyn.
Murji’adu waa kooxdaas sida khawaarijta u dhunsan halka dadka Ahlu Sunnaha ah ay heystaan wadada dhexdhexaadka ah ee u dhaxeysan khawaarijta iyo Murji’ada.
Wadadaas dhex-dhexaadka ah ayaa ah wado ay maanta qolo kasta halku dhig ka dhigatay oo Sh Jaamacba waxa uu sheegtay jidkii wanaagsanaa ee salafku mareen iyo in uu Ahlu Sunnaha dhabta ah yahay.
Magacyada qurxoon ee loo nisba sheegto ayaa haba yaraatee waxba ka badali karin xaqiiqda oo Jaamac Cabdisalaam iyo Al-Shabaab ayaa kaga badbaadeyn khawaarijnimo haba la baxaan kun magac oo qurxoon.
Isdul taagida hadalada Sh Jaamac Cabdisalaam ayaan lagu soo koobi karin hal qoraal haatanse intaas ayaan ku soo xireynaa.
Halkan waxaan ku xuseynaa qaar kamid ah Culumada ugu tunka weyn Ictisaamka ee uu Sh Jaamac Cabdisalaam sheegay in aysan Towxiidka fahmin kana saaray xeyndaabka guud ee Ahlu Sunnaha.
Qaar kamid ah Culumada joogtay Nadwada Garoowe.
1- Sh.Dr. Bashiir Axmed Salaad. Waa Amiirka Kooxda Ictisaamka islamarkaana ah Gudoomiyaha Hay’ada ku howlgasha Magaca Hay’ada Culumada Soomaaliyeed oo ah Hay’ad 95% ka kooban Ictisaam Ex Itixaad.
2- Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Gacmeey.
3- Sh Cali Warsame Xasan (Amiirkii hore ee Kooxdaas).
4- Sh Maxamed Idiris (Amiirkii hore ee Kooxdaas)
5- Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.
6- Sh Yuusuf Aadan.
7- Sh Daahir Aw Cabdi.
8- Sh Maxamuud Abuu Sheyba.
9-Sh Cabdinaasir Xaaji.
10-Sh Cabdullahi Daahir Jaamac.
11- Sh Axmed Cabdi Samad.
12-Sh Cabdifataax Nuur.
13- Sh Xasan Maxamed Ibraahim.
14-Sh Axmed Maxamed Suleymaan.
Magacyada qaar kamid ah Culumo ka tirsan kooxda Ictisaamka ee aan goob joog aheyn Nadwada Garoowe.
1-Sh Maxamed Cabdi Umal.
2- Sh Maxamuud Shibile.
3-Sh Maxamuud Ciise.
4- Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar.
5-Sh Xasan Daahir Aweys. (Horjoogaha Xisbul islaam).
6-Sh Cabdullahi Cali Xaashi.
7- Macalin Maxamuud Macalin Nuur.
8- Sh Aadan Maxamed Ciise. (Musharax ku guuldareystay Madaxtinimada Puntland).
9- Sh Maxamed Sh Cusmaan ( Abaabule hoose oo maalgaliya Dagaalada kooxaha islaamiyiinta iyo arrimo kale).
10- Sh Cabdiraxmaan Janaqow. (Wasiir ka tirsan Dowlada KMG).
11- Sh Cabdullahi Sh Nuur.
Iyo Culumo kale oo ku kala firirsan Daafaha Aduunka.
Waxaa Soo Diyaariyay. Cumar Faarax Wehliye.
Arrinta ugu weyn oo Jaamac Cabdisalaam dhibsanayo ayaa la oran karaa in Bayaankaas uusan si toosa u taageerin Barnaamijka dagaal ee uu ka hurinayo Koonfurta Soomaaliya oo Jaamac Cabdisalaam waligiis ma mucaaradin Bayaano iyo Dowrooyin hore oo Culumadaas ku difaaceen Amniga Puntland kuna dhaleeceeyeen dadka qala-laasaha la damacsan Puntland.. Sh Jaamac Cabdisalaan webmaster@hidaha.commCumarwehliye@gmail.com
mahadsanid sxboow
admin - April 26, 2010
5:01 pm
waa ku jeclahay maxamed soomaaliyoow anoo ah naciimo jeeri
somalia - April 26, 2010
5:01 pm
yaaaaaaaaaaaaaaaab iyo amakaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaag ayay leeyihiin jaaamac abdisalaaaaaaaaaaaaan iyo waliba ninka wariyaha ah eee qoraaaaaaaaaalkan soo qoray
waan isma dhaanto iyo dhasheeeeeeeed waayo wax waliba oo uu sheegay jaamac abdisalam wariyuhu si danta umada soomalliyeed ku jirto wax uma qorin ee si qabyaaaladi ku dheehan tahay ayuu u qoray .
soomaali - April 22, 2011
1:26 pm