Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay in ay ka war heleen Heshiis Axmed Madoobe uu la galay Dowladda KMG, isagoo sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskaas.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskaas ay wada gaareen Axmed Madoobe iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda KMG Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo rag kale sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan ka war helnay in Axmed Madoobe heshiis la gaaray ragg uu ka mid yahay Gaandi, waxa weeyaan in heshiiskaas lagu difaaco Jubooyinka iyo Gedo, runtii anaga aad baan uga soo horjeednaa waana la dagaalameynaa”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo sheegay in aanu ka duwaneyn Axmed Madoobe ragga ay dagaalka kula jiraan.
Mr Aweys ayaa sheegay in cidii cadawga soo raacda ay la dagaalamayaan, isagoo ka qeyliyay olole uu sheegay in laga wado dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Brundi sida uu hadalka u dhigay.
“Soomaaliya faraha ha lagala baxo, waxaa idin sheegeynaa in Soomaaliya iyada danteyda taqaano, hadii aadan faraha kala bixin dabka halkan ka shidan agtiina waa imaanayaa”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Hadalka Sheekh Xasan Dahir ayaa ku soo beegmaya xilli warar soo baxayay ay sheegayaan in Hogaamiyihii Xisbul Islaam ee Jubooyinka Axmed Madoobe uu heshiis la galay Dowladda KMG, kaasoo qeexaya in ciidamadiisa iyo kuwa loogu tababarayo dalka Kenya la isku daro, isla markaana si wada jir ah ay weerar ugu qaadaan Shabaab