xooagga ahlu Sunna Wal Jamaaca oo 30 kiilo mitir baacsanayey Shabaabka , kana dilay 12 ka mid ah maleyshiyadooda.

Filed under: Wararka Somalia |

ciidammada Ahlu sunna Wal jamaaca ayaa jab xooggan u gaystey al-shabaab ka dib weerar ay xoogagga ahlu sunnadu ku qaadeen degaanka RIS oo ay horey u joogeen malayshiyada shababku .

Degaankaan oo ka tirsan Degmada Xarar dheere ayaa waxaa weerarkan ku soo qaaday xoogaggii Ahlu Sunna ee horey uga dagaallami Degaanka Jawlo iyo qayba ka mid ah  Gobolka Gal Guduud ; waxayna ciidammada ahlu sunna ay Shabaabka ugu aqriyeen dagaalkan cashar lama illaawan ah .

mucallin Muxammad Calasoow oo la hadlay bogga hidaha.com ayaa sheegay in ciidammada ahlu sunna ay shabaabka baacsanayeen masaafo dhan 30 km ; waxayna sii eryayeen ilaa uu firxadkoodii  gaaro magaalada Gal Hareere ee gobolka Gal Gaduud .

Macallin Muxamad ayaa intaasi raaciyey in xoogagga Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay Maaalada Gal hareere ka saari lahaayen shabaabka balse ay arrintaas  ka hor istaagatay roobab aad u xoog badan oo degaanka ka da’ayey .

ciidammada Ahlu Sunna ayaa beryahanba wadey abaabul ay ku ballaarinaayaan goobaha ay kula dagaallamayaan shabaabka si ay dalka uga xoreeyaan shabaab , waxaana Gobollada ay ahlu Sunnadu abaabulka ka wadaan ka mid ah Gobollada dhexe , Shabeellada Dhexe , Banaadir , Baay , Bakool , Gado iyo meela kale.

Dadka badan o soomaali ah ayaa aamminsan in cidda kaliya ee Shabaabka dalka ka xoreyn kartaa ay tahay ahlu sunna wal jamaaca , in kastoo ay shir qoolla is daba joog ah u maleegayaan kooxda shariifka oo aan iyadu marna raalli ka ahayn in si rasmi ah dalka looga sifeeyo alshabab oo ay mar is bahaysi ahaan jireen , haddana isku caqiidda yihiin.

webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>