Yaa usoo baxaya finalka koobka Horyaalada Yurub Barca iyo Bayern mise Inter Lyon

Filed under: Maqaalo,Wararka Somalia |

Waxaa la cayaarayaa kulamo ka tirsan koobka horyaalada Yurub. Kulamadaan ayaa ah lugtii ugu dambeysay ee Seme Finalka koobka horyaalada Yurub oo ay isugu soo hareen ilaa afar koox kuwaas oo labo kamid ah rajo wanaagsan ka leh in ay gaaraan Finalka koobka waana Bayern Munich iyo Inter.

Kooxda ah horyaalka Yurub ee koobkan heysata Barcelona ayaa looga soo badiyay 3-1 cayaar ka dhacday magaalada Milano ee dalka Talyaaniga halkaas oo ay ku booqatay Inter kadibna guul daro dhabarka loo soo saariyay.

Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa iyana ku badisay gurigeda kadib markii 1-0 ay kaga badisay kooxda martida u ahayd ee Lyon.

Kulanka hore ayaa Talaadada waxaa uu dhexmarayaa Olympique Lyonnais 0 v 1 FC Bayern München  waxaana Lyone looga fadhiyaa in ay kasoo kabsato gool uu ka dhaliyay Arjen Roben hadii ay doonayaan in ay gaaraan kama dambeysta koobkan.

Cayaartan waxay ka dhacaysaa garoonka Lyone ee Stade de Gerland kaasi oo looga fadhiyo in Lyone ay ku gaarto guul.

Hadii ay Lyone ay ka badiso Bayern Munich ayaa noqonayso kooxdii ugu horeysay oo Faransiis ah oo soo gaarta Finalka Kadib Monaco oo 2004 gaartay Finalaha koobkan.

Kooxda Bayern ayaa qarka u saaran in ay timaado Finalka koobkan kadib 9 sanno ka hor 2001 oo Finalka soo gaartay kadibna  ay qaaday.

Franck Ribéry and Danijel Pranjić ayaa ka maqnaanaya kooxda Bayern Kulankaan kadib iyagoo calaamado ku maqnaanaya.

Saddex xidig ayaa ka maqnaanaya Bayern halka lix xidig ay calaamado ugu maqan yihiin kooxda Lyone waxayna kala yihiin : Aly Cissokho, César Delgado, Maxime Gonalons, Kim Källström, Cris and Miralem Pjanić.

Cayaarta Finalka koobkan ayaa waxaa lagu qaban doonaa 22 May garooka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabéu.

Dhinaca kale

Barcelona ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay kasoo kabsadaan guul daro xun oo kasoo gaartay dalka Talyaaniga markii ay booqatay Inter.

Barcelona ayaa goolasha ugu yar ee ay kusoo bixi karto waxay yihiin in 2-0 ay kaga badiso kooxda Inter waana shaqo adag in shabaqeeda ay ilaaliso shabaqa inter ay goolal ka dhaliso.

Kooxda Barcelona ayaa isku dayaysay in ay labo jeer oo isku xiga ay qaado koobkan 20 sanno kadib waxaana qaaday 20 sanno ka hor naadiga Ac Milan.

Inter waxay doonaysaa in ay gaarto Finalka koobkan 38 sanno kadib waxaana kooxda Barcelona ay doonaysaa in ay guul ka gaarto koobkan.

Kooxda Inter ayaa ku raaxeysanayso goolal run ah oo ay u dhaliyeen Wesley Sneijder, Maicon iyo Diego Milito waxana rajada ugu wanagsan kulankaan leh kooxda Inter. Mourinho waxaa uu doonayaa in uu qaado koobkan lix sanno kadib isagoo FC Porto u qaaday.

Andrés Iniesta oo dhaawac ku maqan iyo kabtan Carles Puyol oo calaamadii 2-aad ee jaalaha qaaday kulankii hore maadaama uu hore jaalo u qaaday kulankii Arsenal isla markaana Roosaha la siiyay uusan wax saameyn ah uusan ku lahayn jaalayaasha uu horey u qaaday ayaa isna ka maqnaanaya.

Dejan Stanković ayaa ka maqnaaaya kulankaan isagoo dhaawaq qaba. Hadii ay calaamado qaataan xidigaha kala ah Javier Zanetti, Samuel Eto’o, Walter Samuel, Maicon oo lagu daray xidigaha Barcelona ee  Daniel Alves iyo Gerard Piqué ayaa weyn doona Finalaha hadii ay calaamado qaataan isla markaana kooxohooda midkood ay u soo baxdo.

Arqam Cadde Webmaster@hidaha.com

2 Responses to Yaa usoo baxaya finalka koobka Horyaalada Yurub Barca iyo Bayern mise Inter Lyon

  1. waxaan anigu saadaasheyda umaleynayaa koobkaan waxaa iskaleh inter milan waana sanadkii ay iska qaadi leheed heeryadaan saaran ee ay ku dhaaftay acmilan maxaa yeelay waxaa ugu danbeysay 48sano

    admin - April 27, 2010
    4:26 pm

  2. ma salaadaal fiicnid sxb maxaa yeelay maba taqaano sida loo qaado koob kan la,eg waxaana qaadaya barcelona waxaana koobkaan ku qaadi doona world player of the year messi

    admin - April 27, 2010
    4:28 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>