Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay saraakiil ka tirsan Ahlusunna Waljameeca ayaa noo xaqiijiyeen Ciidamo ka tirsan Ahlusunna in la keenay Caasimada Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan waxaa laga keenay gobolada dhexe ee soomaaliya si ay u xoojiyaan Ciidamo fara badan oo dhawaan Ahlusunna Waljameca ka abaabushay Caasimada magaalada Muqdisho.
Imaatinka Ciidamada Ahlusunna Waljameeca oo si qarsoodi ah ku soo galeen Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa durba waxaa lagu arkay qaar ka mid ah Ciidamadaasi aagaga dagaal ciidamadaasi ku sugan yihiin Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ahlusunna Waljameeca oo shalay saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa ku goodiyey in ay la wareegi doonaan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna u muuqdaan ciidamada cusub ee la keenay in ay dagaalo culus la galayaan Xarakada Alshabaab iyo xizbul Islaam.
Si kasta oo ay ahaato magaalada Muqdisho ayaa la isugu keenay cudad militari oo aad u xoogan kuwaa soo ay kala hogaaminayaan Ahlusunna Waljameeca, Dowladda KMG, AMISOM, Alshabaab iyo Xizbul Islaam lamana ogaan karo xaalada Magaalada oo faraha la sii galaysa jawi dagaal.