Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaarada Arimaha Dibada DFKG ah, xiligii C/lahi Yusuf , Ali Dirir Farah “Cali faysal” ayaa tan iyo intii uu shaqada ka tagay bilowgii i 2008, wadey hawlo tuuganimo uu ugu shaqeysto, asagoo isticmaalaya xilkii uu ku magacaabnaan jiray ee “Permanent Secretary, The Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of the Somali Republic”.
Cali faysal ayaa boorsada ku wata Timbare iyo warqadihii Wasaarada oo uu suuqa ka sameystay, wuxuuna u kala qoraa Dowladaha, Safaaradaha, iyo Hay’ adahaba, Niman muharibiin ah oo dadka xambaara, asagoo wali sheeganaya shaqadii Qaran uu ka tagay bilowgii 2008.
Baaritaan mudo lagu hayay, ayaa cadeymo badan iyo Dukumintisyo badan oo uu ku fashilmay lagu helay, waxana ugu danbeysay qoraalkan uu xilka aan jirin ugu magacaabayo xubintan ku xusan, shilmaantana uga qaatay.
Sida ku cad qoraalkaas REF: MFA-IC/TFG/PS/856/10, oo ku taariikheysan: 24/05/2010, ayaa mid aan sal iyo raadba laheyn ah asaga oo nin muharib ah oo dadka xambaara udalbaya viso ama dal ku gal yurub ah taasoo noqotay mid meel ku dhac qaranka iyo sharaftaba Diblomaasiyadeed ee Dalka Soomaaliya.
DFKG ah ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixin laheyd, warqadaheeda iyo xilalka been abuurka ah ee shakhsiyaadka Cali faysal, oo kale ku qaraabanayaan.
Rag badan oo noocan oo kale ayaa la hayaa, kuwo kalena oo la mid ahna Dowlada ayay ku jiraan hada.
Cali faysal ayaa saldhigiise yahay Kenya, Nayroobi, asagoo wali siyaaasada aan ka ag fogeyn.
Maxamuud Jaako ayaa ah nin ku qaraabta asagna Lataliyaha Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, safaaradahana uga qaata fiisooyin ama dal ku galyo, si uu shilimaaad uga qaato masaaakiin Soomaaliyeed ee ilmahooda ula haajraya Qaaradda yurub iyo Asia iyo Afrikada Nabada ah.
Gababadii Waxaan Dowladda Soomaaliya Ka sugaynaa Jawaabta ay ka bixiso Falkaan Foosha Xun, Magac xumadaan iyo dadkaan caadaystay in ay Sharafta Soomaaliya ku dheelaan waxa ay ka qabato,