Ceyn gabay ma curin
waayahaan cali walaalkeeye
waati caajis iga fuulay oo
tirin cabaar dheere
in kastoo cilada badan jireen
caawa waan furaye
hayeeshee waxaa iga
codsiya cali abwaankeygi
iyo wiilashii curin jiroow
ceynka iyo woowga
cuqaasha iyo dhalin yarada
iyo culumo owdiinka
caaqiliinta reerkiyo tolkeey
oon cid laga reebin
bal in leey cabaar furo
caqlina la igu kaalmeeyo.
Culeeys baa i saarnaa wax badan
cagihi daaleene
ciil iyo wahaaw baa i dishaday
cali nafteydiiye
hadaan curadku reerkii rareyn
carartay xaaskeegi
caana la,aan caruurtii yihiin
inan cataabaahu
oo aan calaacalo tolkeey
cali igaarsiiye
ciladaha ka muuqdiyo
siduu xaalku ula ciiray
oo caalamkii yaaban
yahay cidu is weydiinin
Aniga oo ciyaala oon
aqliba yeelan.
Caliyoow tolkeey wuxu ahaa
niman la coowryaaye
Ceel ciid ragii joogay
oo lahaa cududa
caduunka iyo moqokori kuwii
laga cabsoonaayay
oo gooba iyo cadiinaba ayagu
culus ku maalaayay
cara gaduudka soo mari ilaa
tan iyo Ceel dhiinle
Ceel habreedna wey dagi jireen
tan iyo ceel,gaabe
carada dhaxa suubaanka
iyo wabiga caalkiisa
Caasha taag Burdhoodiyo
ilaa guriga Caanoole
mustaxiil cidii joogtay
iyo ciinka iyo jiinka
ku caweey Bacaad Qooqaniyo
ciidi Beledwenye
Camaloow sugoow hiladi Dhoqor
lagu caweeynaayo
cosobka wabiga jiinkiisa oo
lagu ciyaaraayay
oo sabuulku uu caasha rogay
ciidan,na u doono
kuwa hiladi buulaay ka caba
cirif kasta u fulayay
oon buurweyn cabsiyu oolin
oo lagu caweeynaayo
jinbileeyna shaah lagu caboo
waala la ciyaaro
Buurane cabaar joog
canbiyo caana wada yaala
ciida joowhar iyo beerihii
oo camiran meeshi
oo ciidan dowliyo qabiil
caasha gali waayay
oo taariiqdu ceeb male hadaan
caliyow soo qaato
Kacaankii cidii hadasha iyo
kii caqli lahaaba
cimri daa,in iyo cunaha jaray
een cidu is weeydiinin
Cisamaan Jeele inad deeyso
iyo inad ka caagtaahu
wadadaan cad oo aadan marin
caadi kala dooro
cid sameeysay soomaali male
cali abwaan keeygi
cimiladaan ku soo koray hadii
calafba ii diiday
anigoo cirale aamusoon
ciil la wahan yooday
caaqilkiyo wax garadkii hadlana
ciida lagu aasay
iyo kuwa cilaankii ka baqay
oo garki cadaaday
oo cimaamadii tuuray oo
iney cambaareyso
ka cabsanaya caliyoow
hadii uu cimrigu gaaray
cad ceed galbeed ka soo baxdaa
waa ciliyo yaabe
aan ka cararni Hiiraan miyaan
Cali is weydiinay ?
caradeen u guurnaa miyaan
Cali is weydiinay?
cadawgeenu waa kuma miyaan
Cali is weydiinay ?
aan mideeyno cududii miyaan
Cali is weydiinay?
4 afartaa su,aal oo cad baan
ceyn ku xirayaaye
cagoolaha garguurtaan ahoo
wada curyaan kaaye
camoole aan wax arag baan ahoo
biyo la ciireene
culeykeyga lama qaadi karo
caalamkoo idile
cuduradeyda lama heli karoo
caadil kaa garane
cunta wacan aniga oo cunaan
caato sii noqone
nin ceeryaamo roob weeye yiri
dhagaxna coows mooday
codsi inuu dirsado waa xaq uu
Cali yiraadaaye
inaan caawinaad raadis ahay
Cali ha loo sheego
meel cidlaa inaan taagan nahay
Cali ha loo geeyo
inan ahay walaalkiis cadiban
Cali bal gaarsiiya
xataa inan caruurtii ka baqi
Cali ogeeyssiya.
ha la iga raali noqdo hadaan wax qalday
abwaaniintu ha iga saxaan mahadsanidiin
walaakiin Mursal Nuur Geesaale
walaalyaal waa idin salaamay salaan kadib waxaan u baahnaa gabayyga ah cali haloo sheego ?
cabdirsaaq xasan - June 1, 2010
3:36 pm
viagra 109 tramadol pohqlh buy propecia 182 buy accutane online zxaedl phentermine 564920
VietBbyGuhh - July 25, 2010
6:11 pm