Gawaari Gaashaaman iyo Hub fara badan oo beelo soomaaliyeed ku wareejiyeen Culumaa’udiinka Ahlusunna Walajamaacah

Filed under: Diinta,Wararka Somalia |

             

Waxaa baryihii ugu danbeeyey isa soo taraayay Gawaarida iyo hubka darandooriga u dhaca ee beelaha Soomaaliyeed ku wareejinayaan Culumaa’udiinka Ahlusunna Walajamaacah .

Saraakiisha Culumadaa’udiinka Ahlusunna ayaa waxa ay si wayn u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed ee garab taagan culumada, ayagoo tibaaxay in hubkani uu yahay mid laysaga dhicinaayo cadowga dalka ku soo duulay .

Sheekh Cabdilaahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yusuf Al-Qaadi ayaa ku nuux nuuxsaday in uu socdo abaabul balaaran , kana socdo buu yiri baadiyaha iyo magaalooyinka Soomaaliya , iyadoo markaan laysku diyarinaayo dagaal saf balaaran ah oo ka dhan ah KHAWAARIJTA  oo uu ula jeedey  Al-Shabaab iyo xisbulislaam waa sida uu hadalka u dhigaye .

Waxa la arkayey Gawaarida Gaashaaman oo ay ciidamada Ahlusunna Wlaajamaacah saran yihiin , isla markaana u eekaa kuwa socod ah balse saraakiisha ciidanka ayaa ka gaabsaday halka iyo meesha ay ciidamadoodu u ruqaansanayaan ama ay abaarayaan  .

Xoog hoose oo aanu heleyno ayaa tibaaxaya in ciidamo fara badan oo boqolaal lagu qiyaasay, isla markaana dhawaan uu u soo dhamaaday  tababar dhanka ciidanka ah la filayo in ay ka qeybqaataan Gulufkan balaaran oo ay Ahlusunna markaan ka wado Gobolada Dhexe ee Soomaaliya .

Mar aan wax ka waydiiney saraakisha Ahlusnna Walajamaacah wararka sheegayey in ciidamo Ahlusunna ah ay u soo talaabeen ama loo soo daabulay dhankaa iyo Muqdisho ayaa habayaraatee aysan wax jawaab ah oo waafiya  ka bixinin , iyagoo ku gaabsaday in abaabul socdo , howshooduna tahay mid Military .

Dhanka kale waxaa si xowli ah uga socda Gobolada Dhexe shirar aan kala go’lahayn oo ay yeelanayaan labada Golle ee Culumaaudiinka Ahlusunna Waljamaacah iyo saraakiisha ciidamada Ahlusunna iyadoo aan saxaafada loo ogolayn kulamadaasi ayaa hadana waxaa la rumaysan yahay in wadahadaladoodu uu sal u yahay dagaalka ay ku jiraan , balse si rasmiya looma  oga qodobada kale ey shirarkooda ku lafa gurayaan .

Culumaaudiinka Ahlusunna Walaamacah oo dagaal ka wada aagag badan oo Soomaaliya ah ayaa waxa indhaha lagu hayaa halka iyo meesha ay gulufkooda ciidan ku eekeyn doonaan , iyagoo dhawaan tababar dhanka ciidanka ah u soo xiray boqolaal askari .

Hadii dhan kale laga eego waxaa si wayn u soo baxaya in ay markaan Ahlusunna si wayn u heshey taageerada qabiilada daga Soomalaiya oo si talantaaliya ugu wareejinaya hub fara badan iyo Gawaarida milatriga ee Gaashaaman , iyadoo la wda ogyahay in qabiil la arkaaba uu heysto hub iyo saanad Milatry oo uu iskaga daafaco cadawgiisa, taana ay tahay mida ragaadisay dagaalada Soomalaiya , Soomaliyana ay ka xasili la’dahay , waxaa kaloo aan Ceelna u qodneyn cidna u maqneyn shacabka maatida ah ee aan haysan nolol ku filan guntana u jiifa ceel biyihiisu yihiin dhiig oo aysan jirin dhinac ay uga baxaan , iyadoo ceelkaasi uu qodmayey marba marka ka danbeysana ay guntiisu sii dheeraanaysay tan iyo burburkii dowladii hore ee Soomaaliya ee Alaha u raxmade Marxuum Maxamed Siyaad Barre ay daaqada ka baxday.




W/Q: Wariye Axmed Khadar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>