Ifta iyo Bayaan ku Saabsan Universal TV: Ahlu Sunna WaljamaacaDiinteenna Islaamku waxay caddaysay in uu diinta ka baxayo qofkii nuqsaan yar u gaysta Rasuulka Alle CSWS. Waxaa aayadda 58aad ee Suuradda Al-Axzaab ku sugan in lacnaddii Alle ay ku dhacayso ciddii ku xad gudubta Rasuulka CSW , wuxuuna Rabbi Subxaanahu wa tacaalaa kuwa Nabiga dhiba ku magacaabay kuwa Alle dhibay , Wuxuuna u ballan qaaday in ay Naarta gelayaan .
UNIVERSAL TV waxaa looga sabri karaa xumaanteeda in albaabada loo laabo , mana bannana in la fiirsado riddadeeda iyo khawarijnimadeeda , waayo waxay dhegaha muslimiinta maqashiisay Ridda iyo diin ka bax aanay weligood maqleen , weliba waxay ugu gudbisey afka Soomaaliga , si uu baadilku u wada gaaro ; una bar tilmameedsadaan dadka Soomaalida ah.
Cudur daarkoodu kuma filla Muslimiinta, umana qalmo gefefkii ay geeysteen , ciddii maqli lahaydna way maqashay kufriga iyo riddada ay ka sheegeen idaacadooda , mana masixi karaan maqliddii Munkarka. Cudurka ugu liita ee ay bixin karaan waa in ay albaabada u laabaan idaacadda , mar danbena aaanay hawada soo gelin.
Waa la yaqaan kuwa sii daayey hadalladaan, waana shakhsiyaad taageera Khawaarijta Wahaabiayda iyo Shabaabkooda, waxayna u shaqeeyaan taleefishan adduunka oo dhan ku faafiyey caqiiddada iyo afkaarta Wahaabiyada. Waa TV ka gacansiiya khawaarijta in ay dad badan lacagahooda uga dhacaan hab khiyaano ah , sida dhisma masaajid , agoon , ganacsi , IWM.
Waxaa xaqiiqa ah in diin la’aanta , buhtaanka iyo balaayada ka soo burqatay UNIVERSAL TV ay tahay cuqubo iyo lacnad ka dhalatay baadilkii ay muddada dheer ku faafinayeen ummadda Soomaaliyeed. Sidaas darted , waa in aan mar danbe la fiirsan , oo gebi ahaantiisba la xiraa qalabkan shaydaaniga ah.
Sheekada ay isu cammireen Khawaarijta Shabaabka ee Muqdisha jooga iyo UNIVERSAL waa mid jihawareerin ah , balse la arki doonee haddii ay khawarijtu ka run sheegaan dagaal-ka ay sheegeen in ay ku qaadaan TV-ga ay gacan saarka la leeyihiin. In kastoo laga dheregsanyahay in lacagta ay wadaaddada khawaarijtu ka uruursadaan UNIVERSAL TV inta badan lagu taageero Dagaallada ay Al-Shabaab iyo Xisbiga Xasan Uweys ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya. Inta ayr ee ay sheegaan in masaajid lagu dhisayna , Masaajid laguma sheegi karo , wuxuuna la mid yahay kii Quraanku ku sheegay Masjiddu diraar ; sida ku cad Aayadda 107 – 108 ee Suuradda Al-Tawbah.
Sidaas darteed , waa xaaraam ; mana bannaana in la bixiyo lacago iyo hanti lagu taageerayo dagaalllada Khawarijtu ku daadinayso dhiigga ummadda iyo masaajidu-diraar lagu soo saarayo ciidamada khawaarijta iyo taageerayashooda Wahaabiyada ah.
Maxay diinta Islaamku ka qabtaa qofkii nuqsaan u gaysta Nabigeenna Muxammad CSW?
إن اللذين يؤذون الله ورسوله لعنهم الله في الدنيا والآخرة – الآية
Kuwa dhibaya Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waxaa ku dhacday Lacnadii Ilaahay Adduunka iyo Aakhiradaba. Aayadan iyo aayado kale waxay Imaamyaalka Islaamku ka qaateen in la dilayo qofkii wax yar oo nuqsaamin ah u gaysta Rasuulka SCW.
Axaadiith badan oo saxiix ah ayaa caddaysay in uu gaal yahay oo diinta ka baxayo qofkii nuqsaan yar ku sheega Nabiga CSWS , ama ka inkira il milicsi yar oo ka mid ah darajada uu Alle siiyey . Sidaas darteed , Xaafidkii weynaa ee Imaam Qaadii Cayaad wuxuu Kitaabka Al-Shifaa bitacriifi xuquuqil-Musdafaa ku qoray , in Imaamyaalki Salafku Allaha ka raalli noqdee ay yiraahden: الكتاب والسنة موجبان أن من قصد النبي صلي الله عليه وسلم بأذى أو نقص معرضا أو مصرحا وإن قل فقتله واجب
Kitaabka Rabbi SWT iyo Sunnada Rasuulka CSW waxay waajib ka dhigeen in qofkii Rasuulka ula qasda oo u gaysta wax dhib ah, Ama nuqsaan ah, ha sarbeeba ama toos ha u caddeeyee, haba yaraato nuqsaantaas uu Nabiga u sarbeebay qofkaas waa waa waajib in la dilo oo kurka la gooyo.
Imaam Maalik Allaha ka raalli noqdee oo ka mid ahaa Imaamyaalka ugu waawayn Taabiciu taabiciinta wuxuu yiri ما بقاء الأمة بعد شتم نبيها من شتم الأنياء قتل. maxaa loo rebtay ummaddan haddii Nabigooda laga aflagaadeeyo, waa la dilayaa qofkii Anbiyada wax ka sheega.
Ha ogaadaan in Ridda iyo diin ka bax u tartamayaan dadka dhahaya Nabigu wuu dhintay oo waxba ma tarayo, waa adigoo kale yaa Ilaahay kaa xiga qasiidooyinka loo qaadayo ma astaahilo oo waa la buunbuuniyey iyo erayada la midka ah, ee ay afka iyo uurka idin geliyeen Bidcada Wahaabiyada ee aan soo ogaannay in caqiidadooda ku dhisantahay dacninta Rasuulka CSW!
Ogaada in Imaamyaalkii Islaamku kitaabbada waaweyn ku qoreen : وأجمعت الأ مة علي قتل متنقصيه Ummadda Imaamyaalkeedu waxay ku Ijmaaceen in la dilo Qofkii wax nuqsaan ah u gaysta Rasuulka CSW.
Imaamkii weynaa ee Salafu saalixa ahaa ee Imaam Saxnuun Allaha u raxmadee waxaa ka ,isugnaatay: أجمع العلماء أن شاتم النبي المتنقص له كافر والوعيد جار عليه بعذاب الله وحكمه عند الأمة القتل. Culamadii Islaamku waxay ku Ijmaaceen in uu gaal yahay qofkii af lagaadeeya ama Nuqsaan u gaysta rasuulka waxaana kitaabka iyo sunnada kusoo arooray ballanqaad inuu gelayo Ilaahay Cadaabkiiisa, Imaamyaalka Islaamkuna waxay ku Ijamaceen -isku raaceen- inuu Naarta gelayo.
Imaamkii weynaa ee Salafka ahaa ee ibnu Wahbin wuxuu Imaam Maalik ka weriyey inuu yidhi: من قال إن رداء النبي وسخ أراد عيبه قتل Qofkii yiraahda marada Rasuulku wasakh ayey ahayd isagoo nuqsaamin uga jeeda Waa la dilayaa.
Haddaba maxaad u malayneysaan kuwa samaynaya masawirrada shaydaanimada ah ee riddada iyo kufrigu u dhammaystiranyahay iyo kuwa faafinaya ee weliba tarjumaya???
Danbiya iyo xad gudubya ka waaweyn kuwa UNAVERSAL TV u gaysatay Rasuulka CSWS ayey geysteen Sheekhyada Shabaabka ee wahaabiayda ah ; sidaas awgeed waa aqoonyari iyo jahawareerin in Shabaabka iyo Wahaabiaydooda khawaarijta ah ay iska dhigaan dad Rasuulka difaacaya oo la dagaallamaya UNEERSAL TV! Dad badan ayaa is weydiinaya amaa habeennada soo socda la arkaa wadaadadii Wahaabiayda oo lacag ka aruursanaya TV-ga dadkana uga duceynaya ?
Intaas oo dhan ka sii daran Xad gudubka iyo nuqsaaminta ay wahaabiaydu ku weerareen Rasuulkeenna Muxammad CSWS. Sheekha wahaabiyada ee Cuthaymiin wuxuu Fataawigiisa juska 1aad bogga 89 ku qoray In camalkii Rasuulku go’ay!! cuthaymiin wuxuu ku jirey golihii sare ee sheekhyada Khawaarijta Wahaabiyada ee uu Bin Baas Madaxda u ahaa , weyna iskala qayb qaateen faafinta hadalkaan Riddada ah ee diinta looga baxayo .
Maadaama ay sheekhyada wahaabiyadu xadgudubkaan wada caqiiddaysanyihiin waxaa hadalkan mid la mid ah qoray Muxammad Nasiib Rufaaci oo kamid ah sheekhyada Wahaabiyada ; wuxuu kitaabkiisa Taaysir-ka ku qoray eraygan ah : إذ كيف يستغفر لهم بعد ما توفي وانقطع عمله.
Sidee loogu danbi dhaaf dalbayaa Rasuulka , markii uu dhintay oo camalkiisii go’ay kadib? ma jiro xadgudub ka weyn in Rasuulka CSW lagu yirahdo camalkiisii ayaa go’ay , waxayna la mid tahay iyada oo la inkiray Rasuulnimada iyo Nabinnimada , waayo Camalka Rasuulku waa diinta loo soo dhiibay , Quraanka iyo Axaadiista ayaana caddeeyey in aanay go’eeyn .
Maxammed C/wahaab oo sheekh u ah dhammaan Khawaarijta Casriga wuxuu kitaabkiisa al-Risaa’ilu-shakhsiya ku sheegay in Rasuulku aanu Tawxiidka fahamsanayn mudda ka badan 13 sano ilaa ay soo degtey Aayadda فاعلم أنه لاإله إلاالله
Sidoo kale Sheekha Wahaabiyada ee Albaani wuxuu Risaaladiisa Tawasulka ku sheegay in laysku khilaafay in la ammaani karo Rasuulka CSWS iyo in aan la amaani karin.
Dhammaan xadgudubyadan khatarta ah ee ay iska kaashadaan Gaalada iyo khawaarijtu waxay caddeynayaan in lagu soo duulay diinta Islaamka ; la isuna bahaystay cadawtinnimada loo qabo Rasuulka CSW iyo guud ahaan muslimiinta dhabta ah .
Sidaas darteed , waxaa si weyn loo maalgeliyey sheekhyada Wahaabiayda , si ay fursad ballaaran ugu helaan faafinta Wahaabinnimada ku dhisan khawaarijnimada iyo ku xadgudubka Rasuulka CSW.
Walaal ku faafi muslimiinta meel kastoo ay joogaan , si ay uga digtoonaadaan khataraha, khiyaanooyinka iyo xadgudubka gaaalada iyo khawaarijta ; faafi , ajar iyo khayr weyn Allaha ku siiyee.. aammiin!
webmaster@hidaha.com