Raisalwasaaraha oo is Casilaya [Xog Dheeraad ah

Filed under: Wararka Somalia |

                                 

Warar aanu ka helayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Raislawasaaraha Somaliya Cumar C/Shariid Ali Sharmaake uu is Casilayo sida ay isku Af Garteen Sheekh Shariif oo ay Kulamo Xasaasi ah oo Saxaafada laga Ilaashay ay Yeesheen, Cumar C/rashiid ayaa Khilaaf Bur Bur Keeni karaa u dhexeeyaa isaga iyo Sheekh Shariif taasi oo uu Garowsaday inuu xilka iskaga Tago isaga oo waliba Cadaadis Xoogan uu kaga imanayo Beesha Caalamka iyo Xafiiska UN-ka ee Somaliya.

Xogta aanu helay ayaa sheegayasa in Sheekh Shariif iyo Madaxwaynaha Pl Faroole oo Turkiga isku Arkay ay isla soo qaadeen Khilaafkaasi isaga iyo Raisalwasaare Sharmaake u dhexeeya, Dadka Kulamada Faroole iyo Shariifka ku dha dhawaa ayaa sheegaya in Faroole aad igu qanacsanaa in Raisalwasaare kale dib Loo soo Magcaabo.

Warar lagu Kalsoonyahay ayaa sheegaya in Wakiilka Gaarka ah ee UNka Somaliya u qaabilsan Ahmed Wallada Cabdalla uu Madaxwaynaha Somaliya Khadka Telefoonka Kula hadlay isla markaana isla soo qaadeen Ruuxa Loo Magcaabayo Railsalwasaaraha,Wallada Cabdalla ayaa Gacanta haya Maxamed  c/Saaq oo ah Nin ay Xafiiska UN-ka Somaliya kawada shaqayn Jireen.

Maxamed c/Saaq oo ay iskus Beel Yihiin Madaxwaynihii Hore ee Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed isla markaana ahaa Xubin Sare oo ka Tirsan Villa Somaliya Wakhtigii Coll Yuusuf.

In kastoo ay Jiraan Xubno kale oo iyana aad loo hadal hayo sida c/Saaq Juurile oo ah Aqoonyahan Reer Pl haatan Dawlada Jirta ka ah Wasiirka Boostada  iyo Gen Madoobe oo isna ka soo Jeeda Gedo, walow Madaxwayne Shariif iyo Wallada Cabdalla ay aad isugu Feker dhawyihiin.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in hadii Xukuumada Sharmaake dhacdo  Beesha Caalamka Dalbatay in Xukuumada la dhisayo la Yareeyo oo Wasiirada Haatan Jooga Tiradooda la dhimo.

Dhawaan bay ahayd markii Shariif uu ku dhawaaqay inuu Cumar C/Rashiid Cayriyay Balse Gadaal uu ka Ogaaday inaan Sharci ahayn inuu Xilka ka qaado Raisalwasaaraha Xilka qaadistana ay Xaq u Leeyihiin Baarlamaanka oo Cod u qaada Madaama ay Horay u Ansixiyeen Awalba

Webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>