Shirka Istanbul: Shakaalid NATO? Mise Shimbira yahow heesa?!.

Filed under: Cayaaraha,Wararka Somalia |

Shirka Istanbul: Shakaalid NATO? Mise Shimbira yahow heesa?!.

Waxaa dhawaan la soo gabagabeeyey shir ka dhacay wadanka Turkey-ga, shirkan waxaa
looga hadlay arimaha Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay dawlado urur goboleedyo
iyo qaramada midoobay, ajandaha shirka waxaa xoogga lagu saaray qodobada kale ah:
Taageeridda dawladda, Maalgashiga Soomalaliya, iyo la dagaalanka Burcadbadeedda.
Inta aanan uu guda galin qodobadan, waxaan wax yar ka dhahayaa Turkey-ga iyo
sidayaasaddiisa, waa dal culays siyaasadeed ku leh dunida, gaar ahaan dunida
muslinka iyo dalalka qaaradda Asia, wuxuu xubin buuxda ka yahay gashaanbuurta NATO,
iyo baarlamaanka midawga yurub, maamul ahaan waxaa iminka ka jira Maamul Islaami ah,
in kasta oo uu qunyar socod yahay ama modern Islam. Wuxuu dadaal ugu jiraa sidi uu
ugu biiri lahaa midawga yurub.
Dulmarkaa gaaban ka dib, shirku wuxuu ka dhacay caasimadda dhaqaalaha ee Istanbul,
malaha waxaa magaaladaa logu qabtay, maadaama xoogga la sareyey taageerada dawladda
iyo ganacsiga, oo dhammaan soo hoos galaya dhaqaalaha, shirka waxaa looga soo qayb
galay si ballaan, waxaaba la dhihi karaa wuxuu ka mid yahay shirarkii Soomaali loo
qabtay kuwii ugu qaybgalsyaasha badnaa, maadama ay ka soo qay galeen ku dhawaad 60
dal iyo ururro goboleedyo.
Turkey-a kuma jirin dalalka sida tooska ah u saameeya siyaasadda Soomaaliya, in
kastuu qayb ka ahaa ciidamadii UNISOM ee yimid Soomaaliya hoorraantii
sagaashamaadkii, haddana xilligaa wixii ka dambeeyey kuma soo noqon siyaasadda
Soomaalida, xizbiga talada dalka haya ee aragtidiisu tahay Islam dartii miyey
arintanu u dhacday? Mise arimo kale ayaa jira?.
In kasta oo sidii caadada ahayd ay dawladda fadqallaysani guul ku tilmaamtay
gunaanadka shirka, iyada oo rajo xooggan ka qabta in la fuliyo qodabadii ka soo
baxay, ayaa waxaan qormadan ku eegaynaa mawaadiicda looga dooday shirka waxa ka iman
kara. Waa hubaal in shirar badan dhici doonaan oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya,
martigalinta shirirkaasna-aan toosiyo hadalkee- shirarkaas waxaa lagu maalgalin
doonaa dalal badan. Waxaan xoogga saaraynna sadaxda qodob ee aan kor ku soo xusnay
ee kala ah: Taageeridda dawladda, maalgashiga Soomalaliya, iyo la dagaalanka
Burcadbadeedda, Inaga oo qodob qodob u dul istaagi doonna.
1- Taageeridda dawladda: hubaal in shirkaan dawladda u ahaa cirbad dhiigjoogin oo
kale, sidaa waxaan u leeyahay xilliga uu ku soo beegmay oo ahaa xilli dawladda ku
xun, ay jireen walina jiraan khilaafaad iyo isqabqabsi gaaray meeshii ugu sarraysay,
iscasilaad, xilka qaadis, xukaamad kala dirid, haddana dib u soo celin, xeelad xumo
iyo xigmad la’aan, dunidu ay daawanayso ama ay la yaaban tahay, mawjaddaan miyir
la’aanta ah iyadoo dawladdu dhex maquurayso ayuu shirku dhacay,, taasood mooddo inuu
u ahaa gabbaad ay isku qariso, ama ay isku maaweeliso, in kasta oo aysan qarsoomayn
ceebteedu!.
Waa su’aale Soomaaliya taageero nooc ah ayey u baahan tahay? Ma taageeridda
maafiyada xukunka isku maandhaafsan? Ma taageeridda musuqmaasuqayaasha hantida
umadda gaajaysan? Mise waa taageeridda umadda dhibataysan ee la ildaran cudurada,
gaajada, haw iyo biya la’aanta, hubaal in dadkan dambe ay u baahan yihiin taageero,
qof kasta oo tageero u fidinayana la soo dhaweeyo, balse marka xaalku noqdo
gaagixinta gumaadayaasha shacabka haddaa lagu tilmaamo taageero, waxay noqonaysaa
qof kugu naaxiyey bahal dadqaad ah oon waxba reebayn.
Teeda kale ma noqon kartaa taageeradu, maadama Turkey ka jiro hannaan Islami ah, in
la xoojiyo hannaanka Islaamiga ah ee ka hana qqaaday Soomaaliya, oo ay dawladda
Turkey-gu sidaa ka damacsaneed shirka, waa arin meesha ku jiri karta, qof walba
wuxuu soo dhawaystaa qofka uu is leeyahay waad la jaanqaadi kartaa, ama isku afkaar
ayaad tihiin, aan bal si kale u dhahno, shirku ma wuxuu ahaa: xoojinta
Islaamiyiinta? Sababta aan kor ku xusnay awgeed, kollay Turkey waa dal miisaankiisa
leh.
Qodobkan gunaanadkiisu wuxuu noqonayaa, dhaqaalaha loo uruurinayo dawladda dabran,
wuxuu ku fadhiistay yaboos, macnaheedu wuxuu yahay inaan wax muuqda la gala soo
laaban shirka, maxaa yeelay haddii dhaqaalo uruurintiiba noqotay yaboos wax rajo ah
ha sugin !, war sidaan ha dhihin, miyaad sugaysay in kaash shirka lagugu siiyo? Maya
ee ma jiro dal dhahay maalin hebel ayaan bixinaynnaa, dhaqan ahaanna Soomaaliya
yabooha way ka soo daashay, awalba inta soo dhacda waxaa jeebka gashan lahaa
maafiyada isku fiirsata siyaasadda, marka inuu iska laalnaado ayaaba ku habboon.
2- Maalgashiga Soomaaliya: shirkan inta uusan dhicin waxaa ka horreeyey heshiis ka
dhacay isla wadanka Turkey-ha, oo dhex maray ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo Turkey
ah, qodobkan isna la yaabkiisa ayuu leeyhay, waa mide ganacsatada Soomaaliyeed ee
lagu boorinayo inay maalgashadaan Soomaalya waa kuwama? Ma kuwa ka taajiray hantida
Soomaalida? Ma qalinshubatda dhuuqa dhiigga dadweynaha? Ma ina Daylaaf, Xaaf, iyo
Abukar Caddaan IWM ayaa laga sugayaa inay maalgashataan Soomaaliya?
Waa la yaab run ahaantii, maxaa yeelay raggan aan kor ku xusnay dhammaan waxay ka
taajireen deeqihii Soomaaliya loogu tala galay, waxaa u sii dheer inay qayb ka
yihiin fawdada ka taagan dalka, qaarkood waxaaba u sii dheer inay shilin Soonaali
bug ah soo daabacdeen sida Ina Daylaaf, bal ila eeg marka kuwan wadanka ay
maalgashanayaan waa kee? Somaaliya horay ayey u maalgashateen, maxayse ku
maalgashateen? Waxay ku maalgashateen bililiqaysiga deeqaha masaakiinta, daabicidda
lacago been abuur ah, iyo ka qayb qaadashada colaadaha, waxaan wada xasuusanna
Abukar Caddaan kaalinta uu ku lahaa Maxaaminta.
Talada ku saasban inay maalgashtaan Soomaaliya, ma ahan mid dhacaysee, aan mid ka
duwan soo jeediyo, Anigu waxaa dhihi lahaa raggan dhafanaha ah hantidooda halla
qarameeyo, maxaa yeelay ma ahan hanti ay iyagu tacbadeen, ma ahan wax ay waqti iyo
qarasha midna u hureen, asal ahaanba waxaa iska lahaa umadda Soomaaliyeed, balse waa
la garab mariyey markaas ayaa suuqa madaw lagu iibsaday, sidaa darteed hantidooda
waa inay la wareegtaa dawladdu ayna qaramaysaa, si dadka wax luugu taro inta hartay
ee nool.
3- la dagaalanka Burcadbadeedda: waa arin sanadihii dambe ku soo biirtay
mushkiladaha Soomaaliya, waxay qayb ka noqotay baaska is biirsaday ee Soomaali
baabi’naya, wuxuu udub dhexeed u ahaa kalfadhiyo badan oo ka dhacay Qaramada
midoobay iyo shirar lagu qabtay wadamo kale, wuxuu sidoo kale heegada kaga jiray
shirkan Istanbul, in kasta oo aan qodobada sare lagu darin haddana waa qodob
xanaftiisa wata, ma ahan mid qarsoomaya, waa tii hore loo yiri: “Xaglo Geel wax
Guntiga la Galiyaa ka weyn!”.
burcadbadeedda dhibka ay ku hayaan maraakiibta iyo doomaha maraya badaha Soomaaliya
waa mid muuqata, heer ay gaartay in dalalka qaar Soomaalida ku nool lagu
dacaayadeenyo magacaas!, shirka Istanbul ujeedka ugu muhimsan ee loo qabtay wuxuu
ahaa xal u helidda burcadbadeedda, sheekada nuxurkeeda ayaa wuxuu yahay, sidii
kaalin mug leh ay u heli lahaayeen ciidamada ka socda NATO, iyada oo Turkey-gu
dallaal ka noqonayo, ama loo xilsaarayo hawlgalinta ciidamadaas.
Arintan si fiican ugama dhex muqan shirka, waa mid loogu tala galay inaan bannaanka
la soo dhigin, balse looga wada hadlo daaha gadaashiisa, qarinta ama gaabinta arinta
midna ma ahan mid wax ka badalaysa qatarteeda, balse waa hubaal inay dhib badan ku
hayso dunida, taasna waa midda ay shirarkan isdaba joogga ah uga qabanayaan, ujeedka
ma ahan sidii Soomaali loo taageeri lahaa, ee waa sidii loo ilaalin lahaa
maraakiibta sida dharci darada ah uga kalluumaysata xeebaha Soomaaliya, walibana
qashinka iyo sunta ku shuba.
Sida xaalku u muuqdo dallaalnimda Turkey-ga, waxaa u sahli doona wadaada
madaxtooyada, madaama uu yahay dal Muslin ah uuna ka arimiyo urur Muslin ah,
islafalgalkan waxa ka dhalan doona lama garanayo, balse waxaa hubaal ah inuu noqon
doono mid Turkey-gu ka faa’iido.
Dhanka kale shirka waxaa looga hadlay sidii ay kaalin ku heli lahayd Qaramada
Midoobay, iyada oo waliba awood u yeelanaysa inay heshiis la gasho maraakiibta ka
kalluumaysta xeebaha Soomaaliya, shalay waxay ahayd heshiis is afgarad oo dhex maray
dawladda iyo Kenya, oo lagu bixiyey berri iyo bad Soomaaliyeed, maanta waa
mdaxwareegin iyo fara ka galin badda Soomaaliya qaramada midoobay  la yaab !,
berrina maxaa xigi doona ?.
Shirku wuxuu iska noqon karaa oo kale Shimbira yahow heesa, ma dhaafsanaan doono
raashinka la cunay erayada lagu dhahay madashada iyo kulamadii dhacay, malaha midda
mudnaanta lahi waxay noqon kartaa sawirro xasuuseedka la wada galay ama gaarka loo
galay!, taas oo ah mid meesha ku jirta, maxaa yeelay waxaan ka hadlaynnaa sheeko iyo
shir aan wax natiijo ah ka soo bixin!.
Ugu dambayn waxaan ku soo gaabinayaa, shir ka qayb galkiis waxba soo kordhin maayo,
mushkiladna xallin maayo, gaar ahaan khilaafaadka aan jihada lahayn ee dhex yaalla
madax isku sheegga dawladda, sidaa darteed waxaan dhihi lahaa: haddii aad wax qaban
wayseen dadka kale fursad siiya, ku dadaala sidii uu isbedel ku dhici, ma ahan
isbadalku wasiir iska casilid gudoomoyenimo isu sharixid, taas waxay sii murjinasyaa
xaalka horayba u murugsanaa!.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com                      

webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>