Wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxay tibaaxayaan in shabaab iyo xisbiga loo xoogsheegtay
Dagaal qorsheysnaa oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa waxaa looga itaal roonaaday kooxo qas wadayaal ahaa bulshada ku dhaqan gobolkana dhib ku hayey.Ciidamada dagaalka soo qaaday ayaa abaaray garoonka diyaaradaha magaalada Belet Weyne halkaas oo ay kala kulmeen iska caabin aan sidaas u badneyn. waxaa kale oo dagaalka xoogiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Ceel Gaal ilaa Jante Gundishe, inkasta oo uu dagaalku wax yar kedib ku fiday dhinacaas iyo Tuulada Baardheere oo aan sidaasi uga fogeyn magaalada Belet weyne.
Ciidamada dagaalka kula wareegay guud ahaan magaalada Belet weyne waa ciidamo u badan dadka deegaanka oo maalmahani wadey abaabul, waxaa kale oo ciidamadan wehliya ciidamo aad u xoogan oo isku dhaf ah oo iyagu hada ay ka dhaxeyso oo kaliya dagaalka laakinse kala ujeedo ah sida kuwo ku dagaal galayo magaca Ahlu Suna oo saldhigoodu yahay magaalada Guri Ceel iyo kuwo saldhigoodu yahay Feer Feer. Inkasta oo ciidanka magaalada qabsaday ay reer Hiiraan yahiin hadane dhawrka maalin ee inagu soo aadan xitaa hadii aysan dagaal rogaal celis ah soo qaadin kooxahii magaalada laga saaray waxey bulshada intooda badan sugayaan afhayeen Ahlu Suna ah oo fadhiisu yahay Galgaduud oo guusha maanta ay ciidamada reer Hiiraan gaareen sheeganayo. Waxaa kale oo ay bulshadu sidii caadada aheyd sugayaan Afhayeeno isku garbinaa idaacadaha gudaha iyo dibada oo midkasta sheegan doono inuu isagu heysto magaalada isagoo magacyo la mid ah magacyadii ay kooxahii hada gobolka laga saaray wateen oo kale wata.
Dhianca kale shacabka gobolka Hiiraan ayaa si weyn u soo dhaweeyey la wareegida ay ciidamadani la wareegeen guud ahaan magaalada Belet weyne kedib markii ay colaad xun u qaadeen ururadii gobolka heystay sida Shabab iyo Taageerayaashii Gudoomiyaha Ceelasha Biyaha Oday Aweeys kedib markii ay dadkii ka ceyriyeen haya’dahii gargaarka taas oo bulshada intooda badan xitaa kuwii la shaqeyn jiray ururadaan ay hal mar isweydiiyeen waxa shacabka noloshooda caadiga ah looga hor istaagayo oo iyadoo Buntadii Liqliqato jabtay hadane Haya’dahii gar gaarka looga ceyriyey gobolka.durbadiiba waxaa hoosta iskala shaqeeyey ciidamada magaalada qabsaday iyo shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan taas oo sahashay in ay guul dag dag ah gaaraan ciidanka oo si weyn u hubeysnaa.
Isku soo duuboo kooxahii maanta laga ceyriyey magalada Belet weyne in la naco iyagaa sabab u ahaa xitaa hadey isku dayaan iney soo laabtaan waxey u badan tahay in markaani bulshadu ay meelkasta kula dagaali doonaan sida wararku nagu soo gaarayaan.Su’aashuse waxey tahay qabsashada ay ciidamadani qabsadeen gobolka maxaa xigi doona.
1- Ma waxey dhihi doonaan waxaan gobolka ka saarnay Xisbul Islaam iyo Shabab anaguna waxaanu nahay koox hebel iyo wax la mid ah.
2- Ma waxey ka faaideysan doonaan qaladaadkii ay bulshada kala kulmeen kooxahii maanta magaalada laga ceyriyey oo waxey xooga saari doonaan sugida nabad galyada oo waxey dhihi doonaan reer HIIraan iyagu aayahooda haka tashtaano.
3- Ma waxey dhageysan doonaan talo shaqsiyadeed oo waxey ku deg degi doonaan maamul ku dhawaaqid iyo wax la mid ah.
4- Ma waxey dhihi doonaan waxaanu taageersanahay dowlad goboleedka ay reer Hiiraan sameysanayaan oo talada iyo dedaalada hada socda ayey dhinacooda kaalinta kaga aadan ka soo dhalaali doonaan si bulshada reer Hiiraan u helaan nidaam ay gacantooda ku sameysteen sida midka hada lagu dhawaaqay ee abaabulkiisa la wado.
Hadaba xiriir aanu la sameynay raga hogaaminayo ciidamada ku dagaal galayo magacyada kala nooca ah laakinse iyagu reer Hiiraanka ah ayeysan noo suuro galin in aanu helno midkood.waxaana isku dayi doonaa in aanu bal weydiino safarkooda halka uu ka soo bilaabmayo waanu aragnay waa iney dhulkooda, gobolkooda iyo dadkooda ka xureyaan cadowka madow ee dalka nala degan, laakinse waxaa lama huraan ah in la ogaado halka uu ku dhamaanayo.
La soco wararka danbe