Halyeeyada Ghana oo uu hor kacayo Gyan Asamoah ayaa dalkooda iyo kan qaaradaba u horseeday guul balaaran oo taariikhi ah, markii ay usoo bexeen wareega 8da ee koobka aduunka sanadkan.
Ciyaarta ay kaga adkaadeen USA ayaa waqtigi caadiga ahaa kusoo dhamaaday barbardhac min hal gool ah. Ghana ayaa gool la hor martay oo uu Boateng u saxiixay bilowga qeybtii hore, laakiin dadaal dheer kadib ayey mareykanku dhaliyeen gool barbardhac ah oo Rigoore ahaa qeybtii 2aad ee ciyaarta.
Waqtigii dheeriga ahaa ayey Ghana awooda saareen in aan la isla gaarin rigoorayaasha, waxa ayna 3 daqiiqo kadib dhaliyeen gool aad u qurux badan oo uu si xirfadeysan shabaqa ugu lulay weeraryahanka sita Nr 3aad Gyan Asamoah oo dhaliyay goolkiisii 3aad ee tartankan, isaga iyo rag aan ka xusi karno David Villa, Suarez, Vittek iyo Heguin ayaa min 3 gool ku hogaaminaya tartankan.
Ghana waxa ay wareega danbe ku aadantahay dalka Uruguay oo isna 2 gool iyo 1 uga soo adkaaday Koofurta Kuuriya, waxaana rajeyneynaa in dalka Ghana uu taariikhda Afrika meel fiican ka galo waa hadii ay ka badiyaan Uruguay oo ay u talaabaan semifinalka, waxa ayna noqon doonaan wadankii ugu horeeyay ee heerkaas ka gaara kubada cagta Afrika.
Senigal iyo Cameroon ayaa hadda ka hor gaaray heerka ama booska ay hada joogto Ghana, sanadihii 1990kii oo Cameroon gaartay wareega 8da iyo 2002dii oo ay Senigal gaartay isla meeshaan, balse la arki doonee halka ay ku danbeyso Ghana oo nasiib weyn u yeelaneyso in ay bog cusub u furaan Afrika iyaga oo ku ciyaaraya Afrika.
kulamada soo socda waxaa fooda is daraya Germany iyo England oo galabtii ciyaaraya iyo Argentin vs Mexico oo habeenkii ciyaaraya, wixii kusoo kordhana halkan kala soco.