Culama’udiinka Ahlu Sunnah Wal Jameeca oo dagaal xoogan kula jira kooxaha kacdoonka xoogan kula jira dowladda kmg ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay dowladdu ka gaari doonaan go’aan cad, bacdamaa ay iska indha tireyso, heshiiskii ay ku gaareyn magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa.
Sheekh Cumar Sh. C/qaadir oo kamid ah gudiga talada haaya ee Ururka Al Sunnah ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed in’ay ka gaabisay heshiiskii lagu soo kala saxiixday magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuuna intaasi ku daray inay balantu aheyd in muddo bil ah, lagu soo gaba-gabeeyo heshiiskii ay kusoo gaareyn Addis Ababa.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda kmg ee Soomaaliya ay iyadu dhan kasto kasoo xir xireyso heshiiskii awood qeybsiga ahaa, laguna mideenaayay ciidamadda dowladda iyo kuwa Ahlu Sunnah, si’ay dagaal xoogan ula galaan kooxaha kacdoonka xoogan wada.
Dhanka kale Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay iyaguna go’aan cad ka gaari doonaan, bacdamaa ay dowladda fulin weyday heshiiskii lagu soo kala saxiixday magaaladda Addis Ababa ee wadanka Itoobiya.
Isku-soo wada-duuboo hadalka kasoo yeeray culuma’udiinka Ahlu Sunnah ayaa wuxuu u muuqdaa mid aysan wax wal-wal ah ku heyn doonin dowladda kmg ee Somaliya, bacdamaa dhawr jeer oo hore ee sidaanoo kale ugu digeyn.