Axmad Cabdi Salaam ma laba wajiile mise laba afle?

Filed under: Cayaaraha,Wararka Somalia |

Waxaa Axmad C/Salaan xaqiiqadiisa ka tarjumay Kartoonkan uu farshaxaniistaha Amiin Caamir uu kartoonka ku muujiyey Axmad C/Salaan oo leh laba af iyo laba weji . Labada af mid wuxuu dadka ugu sheegayaa in uu shaqaynayo danta guud , afka kalena wuxuu ku sheegayaa in uu u shaqaynayo danta qabiilkiisa. Afafka Axmad C/salaam wey ka badanyihiin labada a fee uu kartoonkumuujiyey , wuxuu leeyahay afaf kale oo uu midkood ku sheego in uu u shaqeeyo danta ajaanibta uu dabadhilifka u yahay , af uu ku sheego in u taaganyahay dantiisa oo keliya , af kale uu ku sheego in uu adeegayo waxa lagu sheego bulshada rayidka , afaf kale uu ku kala sheego wax aan la fahmi Karin oo uu dhammaantood uga qayb qaato u adeegidda cadawga ummadda Soomaaliyeed. Toban wajiilla-nimadan shakhsigan waxay ku kalliftay inuu noqdo shakhsi cid kasta isugu muujiya in uu iyaga ku mabda’ yahay , taasoo ku kalliftay in cid kasta ay u aqoonsato toban wajiile aan isku kalsoonayn oo mar kasta sheegta cid aanu ka tirsanayn . Waqtigii ugu danbeeyey wuxuu sheegtay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo aanu weligiis ka mid noqon, waxayna culammada Ahaladiisa ay noo sheegeen in Axmad C/Salaan uu yahay qofka ay ugu necebyihiin taageerayaasha wahaabiyada . Aqoon yahaniinta iyo culammada ugu fir fircoon Ahlu Sunna Wal-Jamaaca waxay wacad ku maray in Axmad C/Salaan uu eedi doono haddii aanu faraha kala bixin qaska iyo fitnada garasha xumada ah ee uu ku hayo Ahlu sunnada iyo adeegsiga u adeegsanay ajaanibta calooshood u shaqeystayaasha ah . Mas’uuliyiinta Ahlu Sunnada ee digniinta siiyey Axmad C/Salaan aaya ku dhaartay in af iyo Qalin aan kala go’ lahayn ay shanta qaaradood uga keeni doonaan , aanna laga jooji doono ilaa uu ka noqdo tuke canbaar leh , ayna tiranto taariikhdiisu , gashana mugdi aanay weligeed ka bixin . Ahlu sunna Wal Jamaaca ayaa sidoo kale u digey dhammaan shakhsiyaadka isku dayaya in ay laba wajiile Axmad C/Salaan gacan ka siiyaan hammigiisa bukaanka ah ee uu ku doonayo in uu si daciifnimo ah isugu qoro dad uu weligii cadow ku ahaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>