Baran:Dagaalo kulul oo dhexmaray Puntland & Somaliland..(Faahfaahin).

Filed under: Wararka Somalia |

24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxaa dagaalo xoogani ay ka dheceen meelo kamid ah gobolka Sanaag Bari ee dawlada Somaliland halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamo badan oo katirsan kuwa Somaliland & iyo kuwa puntland oo uu horboodayey Wasiirka Arimaha Gudaha, dawlad goboleedka puntland Jen,Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo  kawaday deegaanada Sanaag bari ee Somaliland.

Dagaalkan dhexmaray labada ciidan oo Shalay & xalayba dhacay ayaa ka bilowday gudaha degmada Baran ee gobolka Sanaag halkaas oo ay kusugnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Somaliland oo uu horboodayey sarkaal katirsan Maamulkaas,balse waxaa ay wararku sheegayaan in Wasiirka Arimaha gudaha ee Puntland uu si awoodi ku jirto halkaas ku galay dabadeedna ay dagaalo adagi dhexmareen labadan ciidan.

Qof Rayid ah oo kusugan degmada Baran ayaa saaka idaacadaha maxaligaa  u sheegey inay xaaladu degentahay islamarkaasna uu Wasiirku si nabad galyo ah halkaas xalay u seexday uuna maanta kulamo kula leeyahay waxgaradka gobolka Sanaag ee halkaas kusugan oo uu kala hadlay xaalada Nabad galyo & hor’umarinta maamul ee degmada Baran.

Sidoo kalena wararkale oo laga helayo isla deegaanadaas ayaa kusoo waramaya in Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee aaga Sanaag uu shalay dagaalo kale la galay ciidankii kabaxay degmada Baran,islamarkaasna uu halkaas kula wareegey gawaari tikniko ah oo Firxad ahaa,Waxaase ay wararku sheegayaan in xalay uu taliyuhu dagaalo adag oo kale lagalay ciidamo iyana Somaliland katirsan oo joogay goob lagu sheegey inay tahay xuduud ay Somaliland samaysay halkaas oo uu guud ahaanba lawareegay islamarkaasna ay ciidankii kusugnaa badankoodu saaka galeen degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Sarkaal kamid ah Xoghaynta Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland oo ayaa sheegey in ay xaaladu saaka degentahay,wuxuuna sidoo kale Sarkaalkani sheegey inay la wareegeen hub badan & agab ciidan oo kujirayn saldhiga dhexe ee degmada Baran oo ay Shalay Somaliland goobta ugu tagtay,wuxuuna sheegey in Ciidamo Boolis ah ay ku wareejiyeen sugista Amaanka degmada Baran,maadaama uu Wasiirku rabo inuu booqdo meelo kale oo ay Somaliland imika gacanta ku hayso.

Warar hoose oo laga helayo Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha,Dawlahada Hoose & Hor’umarinta reer Miyiga ee dawlada Puntland ayaa kusoo waramaya in Wasiirku uu doonayo inuu dib usooceliyo deegaano ay Puntland leedahay oo ay Dhowrsano Somaliland si awood ah kuhaysatay kuwaas oo la’iska iloobey,Wasiirka oo mudo todobaad ku dhow shaqo adag ujoogay gobolka uu kasoo jeedo ayaa horay ugu guulaystay soo qabashada Sanaadiikhdii doorashooyinka Somaliland oo dhawaan la damacsanaa in meelo Sanaag kamid ah lakeeno,Howlgalkani wuxuu noqonayaa kii u horeeyey oo uu sameeyo Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo in mudo ah lafilayo inuu booqdo gobolka Sanaag bari ee Puntland.

One Response to Baran:Dagaalo kulul oo dhexmaray Puntland & Somaliland..(Faahfaahin).

  1. waad salaamantihiin bahda hidaha aad ayaad ugu mahadsantihiin warrarka hufan oo aad dadkiina usoo tabinaysaan

    milaax doorwaaq - November 18, 2010
    8:44 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>