Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shabakada Xusuus ayaa sheegaya in Yuusif Indhacade uu hibkiisa iyo ciidankiisa oo ku wareejin doono hogaamiyaha Xisbul islaam Xasan Dahir Aweys oo uu xalay u bilawday wadahadal telefoon.
Yuusuf Indhacade ayeey wararku sheegayaan in gawaaridiisa dagaal uu furfuray qoryihi si ay ugu sahlanaanto inuu si xeeladeysan ugu gudbiyo Xasan Dahir Aweys hogaamiyaha Xisbul islaam oo ay isku jufo yihiin.
Shalay ayeey aheyd markii uu ciidamadiisa gaarka ah ku amray iney ka soo baxaan aagi ay kaga jireen xaafada Taleex degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Yuusuf Indhacade ayaa wareejinta hubkiisa gaarka ah kadib waxaa la sheegayaa inuu qorsheynayo inuu soo aado dalka Uganda oo uu deegaan ahaan u dago halkaas oo ay hada u daganyhiin laba xaas iyo caruurtiisi.
Hubka uu ku wareejin doono Xasan Dahir waxaa uu ka koobanyahay 12-tikniko ah oo uu ku jiro gaari Beba ah oo markii hore la soo galay dhinaca dawladda Soomaliya.
Dawladda Soomaliya ayaan la aqoon talaabada ay qadan karto hadii uu Indhacade hubkiisa iyo ciidankiisa ku biiriyo xoogaga dawladda ku kacsan gaar ahaan Xasan Dahir oo ah hogaamiye si weyn uga soo horjeeda siyaasada dawladda madaxweyne Shariif