Maamulka culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca ee gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay dhowr gaari oo kuwa xamuulka ah ka sii daayaan ciidamo ka tirsan kuwa Itobiya oo ku xayiray gawaaridaasi qeybo ka mid ah dhulka is maamulka Soomaalida Itoobiya.Wafdi ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan culimaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca ayaa ku guuleystay inay gaadiidkaasi ka soo daayaan ciidamo Itoobiyaan oo dhowaan soo gaaray deegaano ka tirsan dhulka is maamulka Soomaalida Itoobiya kuwaasi oo ku xiray gaadiidkaasi oo ku soo jeeday gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Gaadiidkaasi xamuulka oo ay culimaa’udiinka Ahlu sunna ku guuleysteen inay soo daayaan waxaa ku rarnaa shixnado ganacsi oo ay ka soo qaadeen dekedda Berbera ee maamulka Somaliland, waxayna ku soo jeedeen gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxayna u xayirnaayeen ciidamada Itoobiya muddo dhowr toddobaad ah.
Intii ay gaadiidkaasi ku xayirnaayeen halkaasi ayaa waxaa suuqyada ku yaalla gobollada dhexe laga dareemayay qiimo koror ku yimid qeybo ka mid ah bagaasha, waxaana gaadiidkaasi qaarkood ay shalay soo gaareen degmada Caabudwaaq kuwaasi oo laga dejinayo alaabaha saaran, halka kuwo kalena ay u sii gudbeen deegaano kale oo ku yaalla gobollada bartamaha Soomaaliya.
xigasho falaar.com