Milkiilaha Universal Tv oo aflagaadadii Rasuulka sax ku sheegay

Filed under: Regional news,Wararka |

                                             

Muslimiinta ku nool Qaaradda Yurub iyo Waqooyiga America ayaa si weyn kaga dhiidhiyay aflagaadadii Rasuulkeena Sharafta badan uu kula kacay Telefishinka Universal,waxayna taas sababtay in Somalida daawan jirtay ay iska damiyaan 85% kadib markii ninka iska leh Universal Tv ee Axmadey Abuubakar uu BBC Somali ka sheegay inay ku saxsanaayeen faafinta kartoonkii sheeydaan gaala uu ku caayay Kheyrul khalkhilaah,Nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Qurba joog badan ayaa la xiriirtay Axmadey Abuubakar si uu raali gelin buuxda uga bixiyo aflagaadada Rasuulka hasse yeeshee wuxuu ugu jawaabay “Telefishinka Rasuulka maaleh mise idinkaa leh,waa maya,anigaa leh ,hadii dood qabtiin ninkii sameeyay kaartoonkaas u taga,hadii aad mar dambe warkaas igala soo hadashiin waxaan idinku dacweey haa boliiska,telefishinka waxaan bishii ku baxshaa kiradiisa afartan kun dollar ,halahaas beeso intee ka keenaa aniga hadii wax walba dhahdiin waa dimbi”

Soomaali badan oo hore ugu doodeeysay in telefishinka Universal raali gelin ka bixiyo aflagaadada Rasuulkeena Muxamad NNKH ayaa hada ciil iyo caro la jiifa waxayna badankood qabaan in Milkiilaha Telefishinka Universal la marsiiyo xukun Islaamiya.

Dhalinyara ka carootay gefka Nabi Muxamad ayaa laga yaabaa inay beegsadaan Milkiilaha Universal maadama uu la dimbi yahay ninkii sameeyay sawir gacmeedka.

Taariikhda ma jirto telefishin gaalo iyo mid Muslimba ,telefishin baahiyay sawir gacmeedyo ama waxyaabo lagu caaynaa rasuulkeena Sharafta badan.

Dalka Bakistan waxaa laga mamnuucay isticmaalka Facebook ee dunida sida weyn ugu faafay sidoo kalena dalka Sudan waxaa laga mamnuucay dhamaan waxyaabaha lagu sameeyo dalka Denmark,kaliya kaartoonistaha sameeyay sawir gacmeedkaas oo ku nool Denmark.

Inkastoo ay hubaal tahay in Milkiilaha Universal Tv uu raaligelin buuxda ka bixin doono aflagaadada Telefishinkiisa kula kacay Nabi Muxamad hadana waxaa adkaan doonto sida looga qaato maadama la wada ogaaday inuu lacag badan ku qaatay warkaas,uuna ku beegay maalin Axada si Soomaalida oo 100% Muslim ah looga dhigo wax caadiya in Nabigeena sharafta badan la faafin karo caaydiis ama la caayi karo.

Shacabka Soomaaliyeed 95% waxay Nabiga oo la caayo ama inyar oo xumaana lagula kaco ka xigaan Koonka aan ku nool nahay oo halaagsama,ama Somalida oo la tirtiro,waxayna taas hurdada ka kicinee qofkii aaminsan in Somalidu diintooda qiimaha badan dhaafsanayaan sandareero.

Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Labada Shariif ayaa difaacday warka Universal TV waxayna cambaareysay kooxda Al Shabaab oo go’aan adag ka istaagtay hasse yeeshee wuxuu Afhayeen Qeeyloow ka fogaaday allaha abuurtay,wuxuuna isku qalday naceybka loo qabo Khawaarijta Al Shabaab iyo Masuuliyadda qofkasta oo Muslima ka saaran ka dhiidhinta wixii loogu gefayo Rasuulkeena Muxamad NNKH.

Afhayeen Cabdi Risaaq Qeeyloow iyo ninka Wasaaradiisa ka madaxda hadii aysan raali gelin buuxda ka bixin gefkii Rasuulka lagula kacay ee ay taageereen ,waxay u macna tahay inay ka mid yihiin kooxaha qandaraaska ku qaba xumeeynta magaca Nabiga iyo ku tumashada diinta Islaamka.Halkaan ka akhri warkooda

webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

 

منتدى الحمايه تعليم هكر اختراق فيس بوك اختراق اميلات اختراق اجهزه

اختراق مواقع