Qab qable Cabdi Shukri – Dhiigya-cab doonaya in uu lug la galo Jihaadka Ahlu-sunna Wal-jamaaca

Filed under: Diinta,Wararka Somalia |

layaab malahan in qofku wixii uu wanaagooda oghay isku dhajiyo marka uu kalsoonida shakhsiyadiisa dhumiyo. waxaa dadka suniyiinta ah dhagohooda kubatay maqalka shaksiyaad magac xun ku dhex leh mushtamaca soomaaliyeed oo isku dayaaya in ey adeegsadaan magaca sharata leh ee ahlusunna. 
 
qab qalayaasha magaca ahlusunna hunguriga foosha xuni kagalay waxey balan ku qaadeen in ay kala furfuraan bilowgii halganka ahlusunna ee barakeysanaa ee ka bilowday Gobolada dhexe. markii ey halgankaas bilaabeen sideed wiil oo dhaliyaro ah waxaa nasri ku ayiday ilaaha weyn iyo Suniyiinta qalbigoodu saafida kayahay alqabaliyah wal casabiyah meylkastaba hajoogaane.
 
gargaar kaas ey mujaahidiintu kaheleen eebe iyo dadka uu doortay waxaa garab socday oo xagaldaacin ku waday qabqablayaashii abuuray khawaarijta ee dhiiga umada soomaaliyeed daadinayey muda labaatanka sano kor udhaaftay.
 
layaab maleh in qabqablayaashu isku dayaan in ey fashiliyaan ilkasta oo umada soomaaliyeed usoo ifta . qab qablayaashaas umada ilaahey kusaladay waxey isku dayaan in ey markasta tirtiraan jiritaanka umada soomaliyeed.
 
Qabqablayaashaan waxey qaar kubiireen khawaarijta hororka ah, qolana waxey qandaraas kuqaateen wasaqeynta magaca sharafta leh ee ahlusunna waljameeca.
 
qolyihii magaca ahlusuna isku dayey in ey kuqaraabtaan umadana rajatiraan, badankood waa iska huleeleen markii ey waayeen meel ey kasoo galaan. qaar waxey isku dayeen in ey magac qabiil adeegsadaan qaarna in qarash adeegsadaan. marka ragii waxaa kaharay nin layiraahdo Cabdi shukri ali Xersi.
 
Cabdi shukri waxaa ladhikaraa inta qab qablaa waa ninka ugu taariikhda xun maxaa yeelay magicii lagubartay baa xumato ugu filan.
 
Shukri wuxuu kamid ahaa Calooshood ushaqaystayaashii qandaraaska kusoo qaatay leynta uma soomaliyeed. taas waxaa kadaran dagaalkii uu galay waxaa karaacay jab iyo in uu xeryaha qaxotiga ee Kenya iska dhiibo isaga iyo rag soomalia siwayn looga yaqaanay. cayaartii waxaa kubadiyey khawaarijtii waxaana sifoolxun looga adkaaday qab qablayaashii ileen awalba qandaraasku malaheyn leynta khawaarijta ee wuxuu ahaa leynta umada soomaaliyeed.
 
dhowrsano kadib Cabdi Shukri wuxuu kasoo toosay miyirdabolkii karaacay dharbaaxyadii khawaarijtu ku dhufteen. markuu soo miyirsaday buu maqalay waxaa soo baxay niman Ahlusunna layiraahdo oo khawaarijtii dhagta dhiiga udaray. intaa kadib buu day dayey meel uu kaso galo ahlusunna oo uu mindhaa umaleeyey urur siyaasi ah sida kamuuqata hadladiisa hadaaqa ah.
 
waxaa ku aragnay qoraalo laga sameeyey in uu kuhaminaayo in uu noqdo siyaasi ahlusunna ah . Hadalkaas baa kuu cadeynaaya in uusan xataa aqoon ahlusunna iyo ma,baadiideeda asaasiga ah. Ahlusuna wax siyaasad ah lug kumalahan waxaana hogaamin kara oo kali ah shakhsi diyaanadiisa la hubiyay oo mashaa,ikhdu tazkiyeeyeen .
 
ahlusnna kuma saleysna qabiil iyo aduunyo raadis . waxaa kaxaaran ah in uu hogaamiyo shakhsi aan alle ka cabsanayn, iskaba daa nin caan ku ah daadinta dhiiga shacabka abriyada ah ee soomaaliyeed.
 
Ahlusunna waxey utaagantahay badbaadinta shareecada islaamka ee saxda ah. ahlsunna ma,matali karaan dadka ururada fashilmay ku abtirsada sida argagixiso ladirirka .
 
qabqablayaasho waa shilin caabud iyo magac raadis, ahlusnna na waa dadkii diinta islaamka xifdigooda utaagnaa marka miyey labadaas isqaadan karaaan? jawaabtu waamaya, Beentu waa caado laguyaqaano dadka aan xishoon.
 
miyaad maqasheeen cabdi shukri oo leh waxaan soo magacaabay gudi ahlusunna ah. koley rumeysan meysaan oo waad ogtihiin in ahlusnna uusan meelna kasoogalin shikhsi sidaas ah lana yaabimeysaan in uu sidaas ku hadaaqo maxayeeyay waxaa ka xun waxa aad kubarateen.
 
ahlusnna waxey jihaadka ugashay dar,ilaahey iyo badbaadinta umada Somaliyeed. dhagna jalaq usiin meyso khawaarij iyo qabqable maxaa yeelay waxaa layiri “AL QINDAAR SHAMSHII WAL KALBu YANBAX” MARKA ninkii doonaa ha hadlo, waxaan rajeyneynaa in aan ilahey lakulanaa inagoo dariiqaas kutaagan. koley waxaa layiri wixii ilaahey dartiis ah waa daa,imaan waxii kalena waa go,aan marka tan dar ilaaahey ah unbaa waari doonta insha’alaah.
 
qab qablayaasha uu cabdi shukri ugu horeeyana waxaan leenahay ilaahey toobada waa aqbalaa ee utoobad keena oo idinkoo danbi ilaahey kagalay hadana culumada magacooda iyo jihaadka hawasaqeynina. Rabi subxaanuhu watacaalaa kacabsada ogaadana ahlusunna aduuyo kugaari meysiin maxaa yeelay mamda,oodu uduunyo raadis kuma dhisna. wabilaahi towfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>