Ugaas Maxamed Cabdi Xareed oo hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane ISMAIL OMAR GHELE iyo shacabkiisaba ,isagoo ugu hambalyeeyay sannad guurada 33aad ee ka soo wareegtay xornimadii jamhuuriyadda Jabuuti.
Ugaas Maxamed Cabdi Xareed wuxuu intaas sii raaciyay waxaan Eebe ugaga rajeynayaa inuu u sii siyaadiyo horumarka dhaqan dhaqaale .siyaasadeed bulshadeed uu hogaamiyahooda hal doorka ah ee madaxweyne ISMAIL OMAR GHELE ku hormariyay shacbigiisa iyo dalkiisaba sanadka sannadkiisa nabadqab,hormar,barwaaqo uyo bash bash ayaan u rajeynayaa.
“Ugaas Maxamed Cabdi Xareed isagoo hadalkiisa sii wata u hambalyeeyay shacabka reer Somaliland isagoo ku ammaanay shacabka sida nabdoon ay kaga soo dabaasheen tar tankii ololaha doorashooyinka madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ,wxuu kaloo u hambalyeeyay Ugaaska xukuumadda iyo Xisbiyada ku loollamayey hanashada kalsoonida shacabkaba sida ay isugu xilqaameen in doorashadani ku dhacdo si amni ah, isagoo si gaara xukuumadda ugu ammaanay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaadatay sidii ay u sugtay ammaanka guud ahaan iyo gaar ahaan goobaha codbixinta.
“sidoo kale Ugaas Maxamed Cabdi Xareed ayaa Golaha Guurtida ku ammaanay kaalintooda ay ka ciyaareen sidii doorashadani u qabsoomi lahayd iyo isku duubnaanta ay muujiyeen. wuxuuna hadalkiisa ku soo gabgabeeyay Ugaaska Waxaan ku boorinayaa dhamaanba shacbiga Somaliland inay samir u yeeshaan ku dhawaaqida natiijada
xgasho www.cowslafil.com