Waxaa dareemay galkaceyl aan u qaaday Fahmo, balse iyadu ima aysan ogeyn, waa gabar walaashey ah, misana aanu qaraabo hoose nahay, kaaga daranoo iima oga inaan jaceyl u qaaday, “Alla sideen wax ugu sheegaa”, waxaa dhacday inaan iska raadiyo tabar aan wax ugu sirbeebi karo Fahmo, waxaan soo qaatay baqshad, deetana waxaa ku qoray ereyadaan “Asc wr wb, ugu horeyn abaayo iga hano salaan diiran oo kasoo go’day qeybaha kala duwan ee jirkeyga, salaan kadib Fahmooy waxaa tahay qofta kaliya ee aan maanta ku kalsoonahay, wax walbana aan u sheegan karo, waxaa jirta gabar aan si’xad dhaaf ah u jeclahay, mana u sheegan karo jaceyl aan u qabo, daruufo jira awadeed, marka waxaan kaaga baahanahay inaad i siiso garab balaaran oo aan ku heli karo jaceylkeyga”.
Nasiib wanaag Fahmo ayaa durba waxay i soo dirtay jawaab muhiim ah, oo aan ku qanco waxayna igu tiri “Aboowe macaan, waaan ka xumahay waxa kuugu dhacay, runtii wax walba oo aad iga baahato oo garab ah, misana aad ku heli karto jaceylkaaga, diyaar baan kula ahay,
waxaan ku dhihi lahaa soo bandhigo jaceylkaaga, haddii aad qarsato ogow, wixii aad qarsato wey ku qarsadaan” aah aah aah, intaas markaan maqlay waxaa iga soo fuqday neef weyn, balse “Allow nimaan waxba ogeyn ha cadaabin” maxaa yeelay Fahmo waxay u maleysaa inaan jeclahay gabar kale, balse xaqiiqdu waxaa weeye inaanan u jajabanay iyada.
Mar kale ayaa waxaa isku diyaariyay inaan Fahmo u qoro dhambaal dheer, oo aan ugu sheeganaayo inaan jeclahay, maadaama ay iyadu igula talisay inaanan qarsan jaceylkeyga.
Waxaana warqadda ku qoray “Abaayo marka hore iga raali noqo, wey aheyd inaan mar hore ku sheego qofta aan jeclahay, teeda kale talada aad i soo siisay, xaqiiqdii waa midii aan kaa sugaayay, kaana filaayay, hadase waxaa la-gaaray xilligii uu curan lahaa inaan ku sheego jaceylka xargaha goostay ee i haaya, qoftii ugu horeysay oo aan jaceyl u qaado, qoftii aan ilaashan jiray yaraanteyda, qoftii aan daneyn jiray, runtii Fahmo qofta aan jeclahay qof kale maaha, ee waa adiga oo Fahmo ah, waan dareemi karaa inay kuugu noqon doonto layaab ama filan-waa, balse maanta waxaan ku faraxsanahay inaan sheegto jaceylka i haaya, misana aan u sheegto qofta aan jeclahay, ogow Fahmooy waxa kaliya ee aan dhooraayo waa jawaabtada”
Maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa meesha ka baxday, xiriirkii inaga dhaxeeyay aniga iyo Fahmo, sidoo kale dhambaalkii aan u diray Fahmo ayaa wuxuu ku noqday, filan-waa, iyadoo u qaadan weyday, wax jawaab ahna meysan iga soo siin.
Xilligaas Fahmo waxay la socotay wiil kale, waxayna ka tagtay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo aaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxayna badalatay teleefankii aan kala xiriiri jiray, iyadoo aanan dib dambe ii soo raadin.
Muddo kadib ayaa waxaa soo aaday dalka Kenya, muddo markaan joogay ayaa waxaa maalin maal-maha kamid ah dhacday, anigoo saaran bas inay soo raacday Fahmo oo xiran ama sidata Indho Shareer “Niqaam”, hase ahaatee inay Fahmo tahay maanan dareemin, maxaa yeelay boqolaal baa sidata Indho Shareer, dareenkeygana muusan ku taagneyn inay bas-ka soo raaci doonto Fahmo.
Nasiib wanaag waxaan gartay inay Fahmo tahay gabadha Indho Shareerka wadata, maxaa yeelay waxaan maqlay iyadoo la-hadleysa kirishbowgii ama daba-kafuulkii gaariga oo lacagta ka qaadaayaa, hase yeeshee maanan dareensiin inaan gartay.
marka hore waan ka xumahay sxbekey ama wiilkan wallakey ah waxa soo garau ma ahan wax asaga ugu horeyo aniga naf ahanteyda wey isoo amrtay tas lkn ma ahanisku mid wan soo jeclaaay gabar qababadeyda dhaw aha iyadana wey ila waday in kastoo u aha madadalo jaceylkeda gabahd an soo jecladay sxb waxan ku leyahay samir sadkaga malin uun wa helesa in kastoo an si wacan u dhameesan aqrinta qisada walal samir asaga u wacan wax la akshadee wa bilahi towfiq
mohamed - July 25, 2010
8:56 pm