Xeer Beegtii Beesha direed ee 800 sano ka hor xeer hoosaadyadoodii

Filed under: Cayaaraha,Suugaanta,Wararka Somalia |
 
 
Waxaa Moodaa Markaa Maqasho Xeer Beeg Ama Guurti .Isla Markaaba inaa soo xasuusanayso beelweynta direed Dadka ku abtirsada somali waxa xeer udegsan dhamaantiis waa xeerarkii ay horay noogu dejiyeen cuquushii direed ee horeysay
Dadku waa xayawan hadeysan xeer leheyn, waa sifidaa kala saarta habar dugaga iyo insaanka
  • Xeerbeegtida garta wexey u kala saaraan:Curad – gar horey loo xaliyay oo akhyaartu kasto iyo mid lama arag ah oo ay Ugub u yeeraan. Precedence or novel.

 

  • Xeer Alleh oo Suuru ay u yaqanaan Garta Illah oo Shareeco da ah Quran iyo Hadiith, Khabiirkuna loo yaqaan Fiqi ama xaakim diinta iyo shareecada kabiir ah. Gar Odey Ama Gar Xeer beegti waa kuwa xeerka aji ga yaqaan Xeer Somaliga -oo si miisaman u gar naqa- beeg waa miisan ama waxlax laqu qiyaso oo cabirta garta.

 

  • “weelasha lagu missaamo hadhuudka waatan dhahno waxa baa lagu beegaa. Heer kul beege- therometer garta beega ama misaama

 

  • Garsoore- kadibna garta sidey tahay u kala soora- siismo sida cuntata. Xaq soore ama mid Garta soora.

 

  • Garaad: waa kalmad ay beelahan hada madaxa qaaday ee xukun iyo darajada jecel sida daroodka ayaad ku arki . Laba dhulbahante ah oo isku disha anigu garaad baan ahay iyo garaad anaa kaa sareeya is dili jiray ayaan habeen dhan ka dhadhicin kari waajay macanaha Dirkii hore magacaan u lahaa.

 

  • Gar-aad wuxuu ahaa beelo markey is qabtan ninka garta u aadi jiray kalana saari jiray beeshisa iyo ta kale. Shaqo culus oo laga kala cararo ayay aheyd waayo gar-aadah Direed in uu Garta si sax ah u sooro oo hadii laga leyahay iyo hadii kaleba runt ka hadla.

 

  • Waatii Dirkii hore oran jireen Gar-waaqso kas garta Alleh.

 

  • Garta Alleh iyo Garta Odey ama Sida Madoobe Dir dhahaan Xeer Alleh iyo Xeer Oday. Waa kala saarida shareecad Ilaahey ee Quranka iyo Samaha aan ka dhaxalnay abkii hore, waa xeerka ajiye.

Barax- waa marka leysku milo ama dhafo Garta Alleh ( Shareecada iyo Quraanka) iyo Xeerkii hore Garta Odeyga. Suulux ( Sulxin) ayay Fiqiyadu ama imaamada isku dayi jiree oo ah in Xeerka Odayaasha iyo xeerka Alleh la is waafajiyo, oo xeer Somaliga la hoos keeno Islamka, lagana jaro wixii Islaama reebo intii la Barxin lahaa. Baraxa waa marka xeerka odeyga oo lid ku ah xeerka Alle la is dhinac eryo labadoo isla hor imanaya. Fiqiyada Suure ee muduug 1700 kii waxaa ay istacmali jireen Suluxin ama sulux oo ah qalooci xeer odeyga ilaa ka Alleh uu aqbalo, hadii oo ka hor imaneena daa oo hir gali.

1700-1800 intii u dhexeysay Fiqiyada Surre ee konfurta ayaa wexey ku caayi jireen dhaqanka Somalida Barax (Badhax) mid qasan oo ka kooban Shareeco iyo cadadii hore, ikuna dayi Jireen in ay nadiifiyaan, sida hada ay Maxakiimta iyo Wadaadada cusub ee Somalia.

Xeerka Aji Dir

Qarnigii 800 xeerka guud ee Dir ee somali oo dhan qadatay ee Xeer Aji la yirahdo ayaa Sameysmay. Beelaha weey badaleen ama gobol walba naqtiin iyo dib u habeen ayuu ku sameeyay Xeerka Aji.

Xeer Bimaal 1400

Xeerka Isaaq 1300

Ciise iyo Gadabuurisi oo isu xeer dhaw waxa ay dib u habeyntii ugu dambeyay Sameeyeen 1500 Dhicidii Awdal / Ifat State ama Boqortoyadii Gurey markii ay dhacday. Xeer Ciisah1560 kii waxaa lagu sameyay Aiysha oo 360 odey ay u fadhiyeen 12 bilood.

Surra Dir xeer ayay sameeysteen oo dib loo habeyay 1700.

Xeerka Sameyntiisa

Inta badan odeyaal badan ayaa fariista xiliyada isbadallada dhacaan ama dagaalada oo wexey ka wada hadlaan arrimahan

Xeerka Guud

  1. Xilo -Guurka
  2. dhaqasho- reerka
  3. Deegan
  4. Xoolo
  5. Maamuus Hospitality
  6. Maslaxaada Guud ee bulshada maxay tahay sideena loo sharciyeeya, si uunsan nin walba salaada ugu tukan dhankuu doono.

Si ay Xeer Guud u dajiyaa, waxyaabah sameeya bulshada iyo dismaha bulshada, dhaqaanka. Xeerka Guud = Civil Law- Xeer guud regulates day to day living and guides all social interrelations.

Xeerka guud waa sharci saameeya bulsho weyn oo haga una tilmaama sida suuban ee loo wada noolado.

Xeer Gaar- waa marka qeyb yar ama gaar ah oo bulshada ka mida ay soo food saaran dhibatoying aan kuwa kale haysan oo odayashooda ay si gaar ah u sameystaan Xeer Gaar ah oo aysan bulshada inteeda kale lehey. Beelah Zaila ama Barbara markii ay ka sameysmeen ganacsato waaweyn oo noloshoodu ku dhisantahay ganacsi iyo mayacmushtar oo ay ka soo bexeen xoola dhaqatadii xeer gaar nidaamiya ganacsiga oo xeer xoolo dhaqatadu u sameeyan ayay sameeysteen. Sidoo kale Dirka Koonfurta oo beero lahan jirin markaa ay yimaadeen Jubbada hoose waxa ay sameysteen Xeer Gaar kuwood beeraleyda noqday.

Xissi – xeer aasaasi ah oo tarikhiyaan soo jireen ahaa oo an lagaba doodi karin, leyskuna raacsan yahay kor iyo hoos bulshadoo idil.

6) Dhiiga Criminal law

  • Dilka – Qudha
  • Qoon-
  • Tuugo
  • Dhaca
  • Magta ama Diyada
  • Xalinta Aano- marka dil dhaco, oo kooxdii laga dilay la mag dhabin, kooxdii laga dilayna aarsi iyo caradooda laga baqayo
  • Magtu waa imisa, sideese tolku u geybsan doonaa, Jufo, jilib, reer iyo wixii la mida
  • Magta inta isla bixisa waa koox siyasadeed oo wada duula wadana aarsada, intee Diyada isla bixisa Diya- Paying Group.
  • Qofka dila yaa loo raacanayaa, oo jilibkee ka midyahay

Xeerka Guud wuxuu mar walba eegi jiray dhibaatooyinka soo noq noq da ee Somalidu isku qab qab sadaan, sida dhulka, markuu dhaco dil, boobka xoolaha, iyo aano, qoon, ilaa aflagaado.

Gar Dhaw- waa marka laba kooxood ama ruux oo is haysta xaalkooda xeer beegti la dhex keeno oo laga doodo oo loo gar naqo iyadoo la raadinayo eedeysane iyo mid laga gar daran yahay si loo xukumo. Geer beegti, garsoore, iyo qareen ayaa garta meel mariyaa.

Dhaqashada somalida waxa ay isku dayi jireen oo cado ka dhigeen Dumaal, si hadii nin dhinto walalkii ama ehelkii mid aad ugu dhaw loo dhiso gabadhuu ka tagay si reerkii ay caruurtey dhashay uga bixin oo nin shisheeyo oo laga baqayo inuu xumeeyo caruurta uu san dhalin asagu. Hadii nin gabadh ka dhimato oo ay caruur ka tagto, ninka waxaa loo dhisi jiray walaasheed oo caruurtii hore habaryar u ah oo leysleeyahay weey u tudhi doontaa oo waxaba ka garan meeyso Somalidu cadadan Xigsiin ayay dhih jireen

Godobtir waxaa loogu tala gali jiray hadii nin geeysto dil fool xun reerka laga dilay ninka xoolo iyo gabadh ka dhalatay reerka wax dilay ayaa laykugu dari jiray si dhiigu u joogsado

  • Qareen waa kalmad 1400 sano ka hor ay isticmaali jireen Garaadayasha ama xeerbegtida kuwa difaaca edysan ama la eedeyaha.

” Mahamaah: Misko la koro miskiin baa leh, ” ayay somalidu tidhi, ayagoo u jeeda qofku hadii uu tabar daran yahay wax taageero ah na haysan yaa difaacaaya.

Ajidii hore waxa ay ogaadeen xaq daro fara badan in ay ka soo foofto kuwa bulshada ugu awood sareeya iyadoo dhibo fara badan gaarsiisa ka awooda badan leheyn. Dadka noocan ah ee daciifka ah yaa difaacaya ?

Dirka, konfurta waxa ay sheegan odeyga Direed wiilkiisa Maahe Dir in uu arinkaan ka gubtay, kadib markii uu arkay in mar walba ay dulmanayaasha yihiin kuwa ugu xooga yar Somalida. Waxaa uu ku jawaabay maadama Weyn, Abuurah iyo uumah ifka uu xaq soorah runta ah yahay oo uu si un ugu aaro ka daciifka ah ee uu isagu uunto. Waxaa la yiri muddo dhoor iyo toban sano kadib ayuu soo kacay aroor oo uu yiri, ” Nabsi ayuu weynuhu adeegasadaa”, oo si uun baa loo ciqaaba kii tabar yarah Dhib. Waxaa la yiri, gabey iyo guubabo ayuu ku fidiyay fikradaan Nabsiga. I uu Illahey si toos ah oon lex lexad leheyn uu ugu aaro adoontiisa tabarta yar. Waa ” Waa waxa la dhihi karo ” instant Divine Retribution” ciqaa xaga illahey uga timaada kuwa dhiba masaakinta, tabar ta yar. Mahe Dir wuxuu wiilkiisi curad ka ahaa u baxshay Xiniftire- ama mid isku tax luujiyo inuu la dagaalamo xanuunka xaq darada la xiriira, Xinif-Tire (Xanuunkaa bi’iye) sida dadka waa weyn siiba Habraha madhaleyka, ruux kasta oon tabar iyo xeelad uu isku difaac leheyn, dadka laga tiro badan yahay, Kuwa safarka ah, agoonta, iyo kuwa maskaxda looga jiro ( Waalan ama Maraanka ah)

Waa Dhab: Misko la koro miskiin baa leh.

  1. Maanta Soomaliya wexey la gubaneysaa oo la holceysaa kuwooda tabarta leh wexey bah dilaan oo gumeystaan kuwooda tabarta yar.
  2. Maseyrka ka haysta iyo kaan heysan waxaa ka dhashay dad in ay lugaha isugu dhuftaan tol iyo qaraabo mid walba oo iswada xasda. Isu ogaleen nimacada Illahey ee cidwalba deeqda.

Nin oo Diraa, hada ka hor wuxuu ku sifeyn jiray Somalida jirta Samankan Cayayaan, Xasharaad, iyo wax lamida maalin ayaan ku dhahay, ” adeer maxaa u dhadaa Somalidu waa cayayan”, ?

Wuxuu yiri: Somalidii hore ee Aji dad san oo hagaagsan ayay ahayeen, waan saabata ilaahey ugu baxshay ” Samaale” Kuwii samada lahaa. Samaalahana waxaa ugu fiicnaa Dir Aji oo waa ninka alifay kalgacalka, Sinaanta, iyo in si wad jir ah oo san in ay u wada nooladaan. Laakin waxaa Dhacday Dir Aji waxaa ku qasmay cayayan iyo xasharaad fara badan, dunta hoosena waa ka xumaadeen oo xeerkii iyo hidih Dir Aji uu ku faafiyay Geesta afrika waa baa ba;ay.

Xaq Darada iyo Waalida Somalia Xageey Ka Timaada ?

Wareysi Gaaban, Xirsi Dhag Dheer ( odey direed)

Marka maanta Somalidu waa Xasharaad, Cayayaan ah, waliba wexey aad isugu dhaw yihiin maanta Baran Barada. Maxaa yeelay baran barada waa cayaan xasida, hadii afar baran baro ay ku dhacaan baaldi biya, oo midi ka baxdo, iyadoo dareemayalka ku xajisaneysa girgirka baaldigan biyaha ay ku wada hafanayaa, saddexda baran baro ee kale ayaa lugta jiideysa oo baldiga ku soo celineysa. Bal dhageeyso akbaarah iyo shirka ay dadkan Somalida isugu yimadaa, kalmada cayayaan ayaad kala yaq yaq sooneyeysaa oo Xasharadka ku qabaneysa in aad xaal siiso.

Adeer Dirta Mudug ka waran iyaguna ma xasharaadbaa, wuxuu yiri , ” iyagaa ugu liita Somalida saa dadkaad ogtahay ee Diigya cabka ah ayeey ku dhex nool yihiine. Yaa Diigya Caba ? Reer Muduga bal fiiri Somaalida, meel walba umadaa Dhiig baa ka shubmaya, Hargeysa dhiig baa laga shubay, Boorame Dhiig baa laga shubay, Baydhabo Dhiig baa ka socda, Balad weyn Xawaadle hadaad u tagto dhiig baa ka socda, Kismayo, Dira Dhabe, Xamar ilaa Zeylac. Meel walbana reer mudug ayaa shubay dhiiga. War Cayayanka gurigiisa waa dhexda Mudug ?

Adeer marka adiga, Dir baad tahay, Hooyadaa waa reer mudug, abaahaa waa reer mudug, marka ?

Cayayaan maa tahay ? Haa adeer, ” Cayayaan, Cayayaan Dhalay baan ahay, saa reer mudug iska dhalan ahaye!!

Somalia waa dageeysaa hadii darbi adag oo kii ” China wall Ka ” oo kale ah lagu xeero Boosaaso ilaa inta u dhexeysa adiga Xaradheere aan dhehee. War Waligaa ma aragtay nin Isaaq ama Gadabuursi ah ama Raxanweyn ah ama umadah goboldaa kale oo taagan Xuddur ama Beledweeyn oo leh anigaa leh magaalada. Ma arkeysid, adbadan, abidkeed lama maglayo. Hadda fiiri Kismaayo yaa isku haysta, waa reer mudug ama Darood ha noqdo, ama Hawiye ama Dir ama Leykasa ama Sheikhaal waa Cayayaan ka yimid Mudug, Fiir Hargeysa oo 1000 sano nabad eheyd iyo Baydhabo waxaa geeyay wareer iyo is doox reer mudug. Yuu ahaa Siyaad bare, Caydiid, Ali Mahdi, Morgan, Cabdulahi Yusuf, Bare Hiirale, Indho Cade, Dahir aweys , iyo muxuu ahaa canugii yaraa ee uu dhadka ku dalban Jiray Cayrow ?

Waa Mudug, meeshaas waa xero jinni . Waxaan maqlayay meesha Uranium ayaa ku jira, curiyahan Uranium kana biya ceelasha Mudug ayuu ku milmay, marka wixii xaga ka yimaada waa wada xiiqsan yihiin, madaxooda waxaa ka guuxaya shucaac koronto oo Radiation leh. Doofartan Somalia la dhohana ma caga dhiganeyso

 by DIRSAME
Xigasho Walaalaha Office ka Cammaara.com
webmaster@hidaha.com

7 Responses to Xeer Beegtii Beesha direed ee 800 sano ka hor xeer hoosaadyadoodii

  1. wan ku slamaya mida 1 mida xigta waan so dhaweynaya ereyga ah in beesha sure iska deyso mgaca dir ee ey la so bodo …. mida 3 ogsoonow in beesha gaadsan ey hoos tagto biimaal oo uu gaadsan yahay wiil uu biimaal dhaley ee eysan sineyn waana yaraankii beesha biimaal ,, wa bilaahi towfiiq magaceygu waa sharmarke ,, biimaal , gaadsan , reere same , cumar jaamac , cismaan cumar ,, taasina waa abtirsiimadeyda bro . w/ws/wr .

    sharmarke - July 25, 2010
    6:55 pm

  2. Sida ku xusan magacayga waxaaan ahay qareen reer aw-gaadsan hadaad FIQI maqashaana wayska garan kartaan macnaha.
    Mida labaad hadaan dood gaaban ka celiyo warbixintii odaygan la waraystay, run ahaantii taariikh badan buu hayaa. LAAKIIN malaha odaygu sida loo hadlaanu garanayn. adeer hadii aad taarikh ka sheekaynayso runtii si hufan baa loo hadlaa. xikmad bay odayasha beesha direed lahaan jireen ee waa maxay cayda aad qabaailka kale u geysanayso. Sidii laan gaab ha u hadlin.

    FIQI-cilmi lawyer - August 29, 2010
    8:29 pm

  3. Anigoo kamid ah dhalinyrada beesha saleban cabdalla oo kunool caasimadda puntland ayaa waxaan jecelahay in aan fekrad kadhiibto halakan,

    1) marka hore waxaan salaamayaa dhamaan dhalinyrada beelweynta direed meel kastaa ee ay joogaan

    2) waxaan ahay inin in badan kashaqeynayay mideynta dhalinyada beelweynta direed gaar ahaan kuwa kunool mudug and gal mudug inkastoo ay jidhaan kuwa kunool deegaanada xeraale iyo luuq
    run ahaantii halkaa magaaro anigu balse waxaan talo usoo jeedinyaa dhalinyarada xeraale in ay lasoo xidhiidhaan kuwa jooga gaal kacyo iyo IMW talo ahaan waxaan jecelahay in aan usheego dhalinyarada meel kastaa ee ay joogaan in ay midoobaan ayna iska daayaan warar maalaa yacni oo lageliyo websit yada

    anigu fekredeydu waxa ay kusaabsantahay in lamidoobo lana xidhiidho sidii loo hormarinlaa beesha.dir oo idil gaar ahaan kuwa isu dhow deegaanadooda in kastoo ay kala fogyihhin

    sidaa darteed waxaan usheegayaa in aanu hayno degmo ballaadhan oo kutaalla bariga mudug oo layidhaahdo towfiiq in aanu kusoo dhaweyn doono cid waliba oo dir sheegata loona baahanyahay in uu yimaado deegaankaasi balaadhan ee aanu leenahay run ahaan tii iminka ayaa waxaa laga furayaa meel udhow tow fiiq oo layidhaahdo garacad waxaa laga furayaa dekad waxaana kafuraya dowladda puntland oo aanu walaalo nahay.

    Run ahaantii waxay Dowladda puntland naga balan qaaday in nala siiyo shaqooyin sida wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha dir anagana waxaa nagala baahan yahay in aanu noqono dad isku duuwan oo wax wada sameysta taasi waxaan usheegayaa jaaliyadda iyo dhalinyarada meel kastaa ee ay joogan

    Waxaa sharaf noo ah in aanu noqono dhalinyaro mideysan oo ay yeelato beelweynta direed

    anigu waxaan inta badan kashaqeeyaa sidii loo mideyn lahaa beesha direed gaar ahaan beelaha deeganadooda ay isu dhowyihiin

    mahadsanidiin wixii faah faahin kale oo aad arintaa kaqabtaan

    waxaad igala soo xidhiidhikadhaa sida tan

    mcxsaaid@hotmail.com
    engorg20@hotmail.com
    phone–090653032 or 090278767

    waxaan in badan usheegayaa in aanu kusoo dhaweyndoono degmada towfiiq cidii sheegata dir welcome to towfiiq education pease and Development organization

    Wabillahi towfiiq

    moha med abdi rahman jama

    mohamed abdi rahman jama - September 2, 2010
    10:34 am

  4. Dhammaan siyaasiyinta beesha dir gaar ahaan kuwa kasoo jeeda mudug and gal mudug waxaa lafarayaa in ay wax kaqabtaan deegaannada ay kasoo jeedaan wixii warbixin ahna ay nagala soo xidhiidhaan Ciwaanada shaashadda saaran, sida ugu dhaqsiyaha badan

    mcxsaaid@hotmail.com
    xaaji1@hotmail.com
    prestigeunion2010@hotmail.com
    090653032-090759190-090278767

    mahadsanidiin Gudoomiye kuxigeenka Dhalinyarada Towfiiq
    mohamed abdi rahman jama oo kumagac dheer Zaaid yare

    mohamed abdi rahman jama - September 2, 2010
    10:43 am

  5. ASLAAMA CALEYKU ANIGOO SALAAMAY DHALINTA

    HOYGAAN CUSUB SOO GASHA

    BACDAMAA SALAAN HA LAWADO HADALKA, SIDII WAX LOO HAGAJIN LAHAA NA HA LAGA FALAANQOODO

    AGOON FOQAL AGOON - September 5, 2010
    12:30 pm

  6. QORAAL KA HADLAYA CADOOYINKA HA HOR JIRKA EE BEESHA BIIMAAL

    FANTASIYADA SHIRTA MUNAASABADA DABSHIDKA
    EE KURTA SHIIKH IYO JILIB MARKA

    Baydhabou,Jammaame,jun 21, 2006 (Jammaame)
    Waxaan jeclahay inaan wax ku soo kordhiyo qoraalkii Enj. Cabdul-Qaadir Abiikar oo u mowduuciisa aha “MAXAAD KA TAQAANA KURTA SHIIKH?” oo ku soo baxay websaydka Jammaame taarikhda 28/5/006
    Munaasabada shirta Kurta Shiikh ee Jammaama iyo tan Jilib ee Marka, waxay la xiriiraan munaasabada dab-shidka oo la qabto sannad kasta 22-ka mise 23-ka July (luulyo), munaasabadaas waa dabaaldeg loo sameeyo sanadka cusub oo soo galayo. Dabaaldeg sanadeedkaan waxaa si weyn looga sameeyaa dhammaan gobollada Soomaaliya laga soo billaabo Hiiraan (Beled-weyne) ilaa Jubbada Hoose, marka laga reebo magaalada Kisimaayo iyo tan Afmadow oo aan laga aqoonin caadada dabaaldegga loo sameeyo dabshidka sanadka cusub.
    Ka hor intuusan gumeysiga soo gelin Soomaaliya dhammaan gobollada inta koofur ka soo xigta Beled-weyne waxay isticmaali-jireen sanadka munaasabadiisa lagu muujiyo dabshidka, sanadkaan waa sanad Shamsiya ah oo ka kooban 365 maalmood iyo lix saac, sanad kasta waxaa lagu magacaaba maalin ka mid ah maalmaha asbuuca, sida sanad-Axad, sanad-Isniin iwm. Habeenka dabka la shidinayo haddii uu yahay habeen Axad, sanadkaas waa sanad-Axadeed.
    Dadweynaha gobollada isticmaala habsanadeedka dabshidka inkastoo aysan haysanin kalendar qoran haddana marna ma qaldayaan tiriska maalmaha sanadka oo dhan. Dabshidka sanadka cusub waxaa la qabta kaddib markay dhammaadaan 365 beri ee sanadkii hore. waxaana la raba sanadka dabkiisa la shitay habeen Axad inuu ku dhammaado maalin Axad taasoo ah in la rabo maalinta ugu dambeyso ee 365 beri inay noqoto maalin Axad, si habeenka xiga oo habeen Isniin ah loo shito dabka sanad-Isniin.
    Habtiriska maalmaha sanadka oo laga isticmaalo gobollada ku dhaqma sanadka dabshidka waa hab iska sahlan. Waxaa lagu tiriya in maalin walba oo asbuuca ka mid ah inay sanadka ka soo gelayso 50 jeer marka haddii la tirinayo maalmaha sanad Axadeed, tirada waxaa laga billaabaya Axad oo la siinayo 50 maalmood ilaa laga gaarsiyo Sabti intaasoo ah 7 x 50 = 350 maalmood, kaddib waxaa tirada lagu soo celinaya Axad waxaana la leeyahay 3 Axad(seddex Axad) = 15, marka 350+15= 365 waana inta beri oo u sanadka ka koobanyahay caadi ahaan, marka waa sanad Shamsiya ah.
    Ha yeeshe habtiriska kor ku xusan afartii sanadba mar ayuu qaldama, taas waxay dhacdaa mataal ahaan markii sanadkii ku billawday Axad oo la rabay inuu Axad ku dhamaado, mise 365 beri, aysan sidaas noqonin oo ay soo baxdo maalin dheeraad ah, marka dadka isticmaala habtirsiga sanadeedkaas inkastoo aysan si cilmiyan ah u fahmasanayn sababta keenta isgefka tirada, haddana way dareemaan, waxayna yiraahdaan “sanadka waxaa galay isgef. (waxay la socoto sababta afartii sanaba hal mar oo bisha febrayo ay noqoto 29 beri) waxaana keenay sida an la socono 6-da saac oo sanadka dheeriga ku ah markii laga bixiyo 365-ta beri, lixdaas saac oo afartii sanadba isku noqota 24 saac mise hal beri waana maalinta dheeriga ku noqonaysa 365 caadiga ahayd, kana dhiga sanadkaas 366 maalmood.
    Lakiin inkastoo uu soo galo isgefka oo kor ku xusan haddana dabka waxaa la shidanaya sanadka dhamaaday malintii dabkiisa la shitay maalinta xigta, metaal haddii sanadka dhammaaday u aha Axad dabka waxaa la shidanaya habeen Isniin inkastoo uu isgef uu ku jiro.
    Dadka isticmaala sanadka dabshidka oo sida an soo xusnay ah sanad Shamsiya ah waxaa kaloo ay isticmalaan 12 bilood, bilahaan oo badi ahaan wada leh magac Carab waa bilo Qamariya ah mise ku saleysan tirada maalmaha bisha-dayaxaha, marka waa sanad iyo bilo an isla soconin. Isla socosho la’aanta sanadka iyo bilaha waxaa laga fahmaya munaasabada dabshidka oo ah bilowga sanadka oo an ku lahayn bilahaas bil iyo maalin mucayin oo si joogta ah loogu qabto munaasabada dabaaldegga dabshidka, marka munaasabadaas waa mid wareegta oo mar walba la qabto bil iyo maalin hor leh, halka bilaha sanadka Shamsiyaha ay munaasabadaas ka gasho badi ahaan 22-ka mise 23-ka July.
    Haddii an u soo noqono dabaaldegga munaasabada dabshidka, gobollada iyo degmooyinka way ku kala geddisanyihiin habka fantasiyada dabaaldegga, haddii laga reebo hal arrin oo tan Shirta. Shirta waa fantasiyada tan ugu qiimaha badan dabbaaldegyada, waxaa lagu muujiya badi ahaan hab dagaaleedka beelaha, waa dhoolla-tus waxaa ka qayb gala waayeel iyo dhalinyaro iyo dumarba, ragga wuxu soo qaadanaya hubka dagaalka sida toorrey, warmaha, gashaanka, qaanso iyo fallaarro, seefaf iwm. Ragga waayeelka ah waxay u badanyihiin inay soo xirtaan dhar banaadiri ah oo cad-cad kaasoo ah hal go’ weyn oo inta hoos laga soo xirto lagana rido labada garbood dhaxdana looga xirto suun ballaaran oo ay ku xirantahay toorrey mise billaawe-gees cadde oo si fiican u muuqda.
    Fantasiyada shirta waxay u badantahay dhadhaqaaq oo socod ah iyo gaashandhaw iyo socod safar dheer ah oo la tiigsanayo in lagu tago meel mucayin oo horey caado looga dhigtay in sanad walba la tago, meelahaas oo badi ahaamba lagu xoolo qasho.
    Haddii an wax ka xusno habka fantasiyada shirta beelaha Biimaal oo ku aaddan munaasabada dabaaldegga dabshidka waa mid si weyn u qurux badan oo shaqsi kasta oo arka qiiro weyn gelisa. Maalinta ugu weyn oo laga ciido tuulooyinka iyo baadiyaha deegannada Biimaal waa maalinta Shirta dabshidka, waa maalinta uu Biimaal yiraahdo “iidda ka hor aya orkaada la dhaqdaa”.
    Shirta waa laba qayb oo kala ah qaybta hore oo ah mid jilibada hoose ee beesha ay isku uruursanayan si loo wada yimaado goobta weyn ee isku immaashada guud ee beesha oo idil waxaana laysugu baaqayaa buun yeeris badan buunkaas oo laga maqlayo tuulo kasta. Taas waxaa xiga dhaqaajin mise socodsiin la socodsiinaya Shirta weyn ee tolka markaas oo dhammaan inta Shirta joogto ay dharkooda iyo qalabkooda dagaal ay wataan sida an kor ku soo xusnay, waxaana meesha shirta jooga niman ku caanbaxay yeerista buunka oo haddii hal mar ay ka wada dhawaajiyaan buunkooda uu dhulka gariirayo.
    Shirta guud waxa marka hore la geynaya guriga Ugaaska oo ah Sacad -Gacal-adeer, Ugaaska wuu u soo duceynaya Shirta, haddana waxaa la tegaya guriga Islowga oo ah Saleymaan reer Ciise oo asigana Shirta u duceynayo, ugu dambeyntii Shirta waxay tegaysa guriga Faqayga oo Mahadwaaq reer Faqi Faqayga wuu tacdaadaya wuxuuna bixinaya tahliil la doonayo in lagu wada firdhiyo Shirta tahliishaas la firdhinayo waxaa la doonayo qof walba oo shirta ka qaybqaadanayo inay jirkiisa gaarto.
    Kiddib Shirta waa la dhaqaajinaya, waxaana laysku daba safaya jilibyada
    beesha waxaa safka hore gelaya
    Seeme (Kalafow) iyo Sacad oo wada ah curudka Biimaal.
    Safka labaad waxaa geliyaa Daadow
    Safka sedexaad waxaa gelaya Ismiin
    Safka afaraad waxaa gelaya Cabdi-Raxmaan mise Gaadsan.
    Kaddib markii sida kor ka muuqato loo wada safo beesha oo idil waxaa hor istaagaya Malaaqa beesha oo jilibka Gamaasi ah asigaana dhaqaajinaya horsoconayana Shirta. Waxaan jeclahaya inaan halkaan ku soo xusuusto Malaaq Cali gaab Xasan Cumar oo waqti badan ahaanjiray hoggaamiyaha Shirta Beesha Biimaal ee deegaanka Jammaama oo geeriyooday Ilaahay ha u naxariisto Jannadiisana ha ka waraabiyo.
    Beesha Biimaal ee degmada Jamaame Shirteeda waxaa la geeya Kurta Shiikh oo ku dhaw xeebta Gees-guud iyo Ceel Hele,halkaaso oo lagu xoolo qasho laguna soo duceysto.
    Dhinaca kale Beesha Biimaal ee Shabeellaha Hoose Shirteeda waxaa la geeya tuulada Jilib oo ka tirsan degmada Marka. Tuulada Jilib waxaa loo geeya Sheekh ka tirsan Shiiqaal reer AwMuraad, waxaana halkaas lagu gowracaa afarta cad-cad oo kala ah rati cad, dibi cad, orgi cad iyo wan cad. Dhammaan xoolaha la gowracayo waxaa gowracayo Shiikha Shirta loo geyey mise nin u asiga amray, waxana lagu gowracaya xoolaha mindi loo isticmaaleyey gowracaas ilaa 350 sano ka hor, waa mindi u haayo ab ka ab reerka Shiikhaas ilaa muddadaas sidaas u fog.
    Beelaha sida weyn u maamusa fantasiyada iyo dabaaldegga dabshidka waxaa ka mid ah beelaha dega Afgooye iyo tulooyinka degmadaas. Afgooye waxaa lagu qabta sanad walba munaasabada Istunka oo ah caado la yaab leh oo dhalinyarada ka qayb qaata ay isku garaacaan si naxariis la’aan ah, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in meedad laga qaado goobaha u istunka ka socday. Ciyaarahaan mise isdilkaan istunka dad badan oo dalxiis ah ayaa si ay u dawadaan uga imaanjiray waddamada dibedda.
    Cali Cumar:
    Sablaale1@hotmail.com

    C/jabar Axmed Tifow.

    AGOON FOQAL AGOON - September 6, 2010
    8:23 am

  7. Asc Dhamaan inta muuqeyga iyo maqalkeyga taqaan Waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka ACWW Gaar ahaan Dhalinyarada beelweynta dir Beelweynta direed waa beesha kaliye oo aanan kaqeyb qaadan bur burinta dalka somaalia maxaa yeelay somalia waa dal taariikhdiisu ku kooban tahay beesha dir oo kaliye Run ahaantiina iminka waxaa taariikh been ah kasameysanaya beelaha sida xayaawaaniyiinta isu laaya iga raali ahaada waxaan doonayaa in aan usheego dhalinyarada beesha yaga oo dir ah dhalinyarada beelwynta waxa ay ku mahadsanyihiin nabad jaceylka ay muujinayeen tan iyo 20 tankii sano ee lasoo dhaafay aaney marna kaqeyb qaadan dagaalka lagu hoobanayo ee somalia iminka kasocda taasi wa nasiib daro kutimi dadkii taariikhda kulahaa dalka somaliya waa kuma waa kuma

    waxay ila tahay taasi isweydiis malahan Cidii jawaab ubaahan na waa cid aanay somaliya u dhalan
    saa darteed waxaa jidha in loo kala baxay iminka gobol Gobol sida somaliland puntland IWM

    hase yeeshee dir waxaan umaleynayaa in ay kala faafsantahay somaliland mooye iyo jabouti oo dowlad la aqoon sanyahay ah anigu waxaan doonayaa in aan fara geliyo Djabouti iyo somaliland

    1) dir waa beel ballaadhan oo deegaankeeduna yahay somaliya iyo dowladaha deriska oo aanu dhulal balaadhan kuleh sida ithiopia kenya tansania ok

    maadaama somalia loo qaybsaday dir xagee gobol u ah ileen beesha kaliya oo la orankaro somaliya bay dhalad utahay qabiilaadka kale waa soo galooti sida dhabta ah
    ok

    somaliland maadaama ay tahay dowlad dir ah maxay utixgeliweyday oo ay uqeybsanwaayeen awooda beelaha kale ee dirta ah oo kunool somalia inteeda kale sida puntland iyo mogdisho IWM
    maxaysa usameynweyday awood qeybsi ku aadan beel nimda maxaysa u oranweyday walalaalayaal kaalaya aan dowlad wada dhisanee,

    dhinaca kale jabouti haday tahay dowlad dir ah xagee bay kudhaaftay beelaha kale ee dirta ah ee ay yihiin walaalaha taasi waxaa la orankaraa waa nasiib xumo kutimi beeshi balaadhneed weye baanu orankarnaa iyagaaba sharafta naga qaaday walaalaheena,

    intaa kadib waxaa baryahamba soo if baxayaey in beesha biimaal ay dhisaneyso maamul balse aysan jidhin cidkale oo ay laqeybsaneyso maamul dhanka beelha kale ee ay yihiin walaha

    maxay kudhacday sidaa oo loo aqoonsanaawaayay beelaha kale oo weliba aad moodo way kafiican yihiin dhanka awooda ?????

    intaa wixii kadambeeya waxaan boogaadin usoo jeedinayaa dhalinyarda nasiibxumada ay kudhacday oo aan kamid ahay waxaana leeyahay war hooy isu imaada oo wax wada qabsada waad aragtaan in nigala saarayo beesha meel waliba aadan kujirin

    iminka waxaad leedihiin gobol balaadhan ee lagu magacaabo towfiiq isugu imaada oo sameysta maamul iska daaya doqonnimada aad lajoogtaan dibadda gobolkiina Camirta intaad gobol dadaad camira laheydeen. iga raali ahaada walaalayaal tani waa fakred aanu isleenahay waa hagaag
    wixii faah faahin ah oo kusaabsan horumar beesha ah waxaad igala soo xidhiidhi kadhaan sida tan

    mohamed abdi rahman jama

    prestigeunion2010@hotmail.com ama saaidprestige@livehotmail.com

    mohamed abdi rahman jama - September 6, 2010
    9:38 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>