|

Cayaaryahan Thierry Henry Oo uwareegay Horyaalka MLS ka

Cayaaryahan Thierry Henry noloshiisa cusub iyo Mareykanka 17.07.2010, hidaha.com. Weeraryahanka wadanka Faransiiska Thierry Henry ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda reer Maraykan ee New York Red Bulls. Xidigaan aya u saxiixay hishiis hal sanno oo ku kacay qiimo badan. Kabtankii hore ee kooxda Arsenal Thierry Henry oo 32 jir ah ayaa kulankiisa ugu horeeya kooxdiisa cusub ee reer maraykan u cayaari doona 22 bishan kulan ay kaga horjeedo kooxda Tottenham. Thierry Henry oo 2007 ku biiray ayaa hishiiska uu kula jiray Barcelona waxaa ugu harsanaa hal sanno lakin kooxdaas ay iska fasaxday. Xidiga reer faransa Thierry Henry ayaa wali heysta rikoorka xidiga ugu goolasha badan kooxda arsenal isagoo u dhaliyay 226 gool 370 kulan oo uu u cayaaray intii u dhaxeysay 1999 iyo 2007 isagoo labo jeer horyaalka la qaaday iyo saddex koobka F.A Cup-ka. Bishii June 2007 Thierry Henry wuxuu ku biiray kooxda Barcelona kadib 16 Milyan ay ku iibsatay. Thierry Henry kooxda Barcelona wuxuu u dhaliyay 49 gool sadexdii sanno ee uu la joogay waxa uu la qaaday horyaalka La liga Spain labo jeer,iyo koobab kale oo koobka horyaalada yurub uu kamid yahay iyo kan naadiyada adduunka. Thierry Henry ayaa u dhaliyay dalkiisa Faransiiska 51 gool 123 kulan oo uu u cayaaray isagoo la qaaday koobkii adduunka 1998 iyo koobka qaramada yurub 2000. “waa xidig wanaaagsan Thierry Henry waana mid na gaarsiin kara guulo ayuu yiri Dietmar Beiersdorfer,oo ah mas’uul sare oo ka tirsan kooxda New York Red Bulls. Thierry Henry ayaa 16-kii sanno ee ugu dambeeyay waxa uu u soo cayaaray kooxaha Monaco,Juventus,Arsenal iyo Barcelona isagoo ugu dambeyn ka talaabay qaaradda Yuru Weeraryahanka wadanka Faransiiska Thierry Henry ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda reer Maraykan ee New York Red Bulls. Xidigaan aya u saxiixay hishiis hal sanno oo ku kacay qiimo badan. Kabtankii hore ee kooxda Arsenal Thierry Henry oo 32 jir ah ayaa kulankiisa ugu horeeya kooxdiisa cusub ee reer maraykan u cayaari doona 22 bishan kulan ay kaga horjeedo kooxda Tottenham. Thierry Henry oo 2007 ku biiray ayaa hishiiska uu kula jiray Barcelona waxaa ugu harsanaa hal sanno lakin kooxdaas ay iska fasaxday. Xidiga reer faransa Thierry Henry ayaa wali heysta rikoorka xidiga ugu goolasha badan kooxda arsenal isagoo u dhaliyay 226 gool 370 kulan oo uu u cayaaray intii u dhaxeysay 1999 iyo 2007 isagoo labo jeer horyaalka la qaaday iyo saddex koobka F.A Cup-ka. Bishii June 2007 Thierry Henry wuxuu ku biiray kooxda Barcelona kadib 16 Milyan ay ku iibsatay. Thierry Henry kooxda Barcelona wuxuu u dhaliyay 49 gool sadexdii sanno ee uu la joogay waxa uu la qaaday horyaalka La liga Spain labo jeer,iyo koobab kale oo koobka horyaalada yurub uu kamid yahay iyo kan naadiyada adduunka. Thierry Henry ayaa u dhaliyay dalkiisa Faransiiska 51 gool 123 kulan oo uu u cayaaray isagoo la qaaday koobkii adduunka 1998 iyo koobka qaramada yurub 2000. “waa xidig wanaaagsan Thierry Henry waana mid na gaarsiin kara guulo ayuu yiri Dietmar Beiersdorfer,oo ah mas’uul sare oo ka tirsan kooxda New York Red Bulls. Thierry Henry ayaa 16-kii sanno ee ugu dambeeyay waxa uu u soo cayaaray kooxaha Monaco,Juventus,Arsenal iyo Barcelona isagoo ugu dambeyn ka talaabay qaaradda Yurub. Henry ayaa ka farxiyey maamulka iyo taageerayaasha kooxdiisa cusub ee Red Bulls markii uu isla maanta ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka qaranka Faransiiska taasoo ka baajin doonta inuu safar dheer isaga kala goosho qaaradaha Yurub iyo Mareykanka.

KALA SOCO WARARKA DUNIDA SAACAD WALBA,DAQIIQAD WALBA IYO ILBIRIQSI WALBA WWW.HIDAHA.COM Nagala soo xiriir Webmaster@hidaha.com

Fikrad ka Dhiibo