Culimaa’udiinnka Ahlu sunna Wal-jameeca oo cambaareeyay qaraxyada ka dhacay Kampala, dhinaca kalena Soo Bandhigay Dhoolatus Millatary

Filed under: Diinta,Wararka Somalia |

Culimaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca ayaa waxa ay cambaareeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee ay ku dhinteen in ka badan 75 qofood, kuna dhaawacmeen tiro kale oo jinsiyado kala duwan wata, waxayna eedeyn dusha uga tuureen Xarakada  Al-shabaab oo sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi.

Madaxa Warfaafinta Culimaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh C/laahi C/raxmaan Abu Yuusuf (Al-qaadi) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay tahay talaabadaasi mid caqli gaabnimo ah oo aad looga xumaado, taasi oo ka soo horjeedda shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida, dadkana lagu nacsiinayo Islaamka, laguna dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed ee nolosha iyo waxbarashada u doontay dalalka dibadda.

Sheekh C/laahi C/raxmaan Abu Yuusuf Al-qaadi wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dalka Soomaaliya ka barakiciyeen waxa uu ku tilmaamay kooxda khawaarijta oo u diiday inay nabad ku noolaan kuna ganacsadeen, wuxuuna intaasi ku daray in dalalkii ay maciin bideen oo ay nolol u raadsadeen haddana looga daba tagay oo magacooda iyo sharaftooda lagu ciyaaray laguna shaabadeeyay inay argagaxiso yihiin.

Dhinaca kale Madaxa Warfaafinta Culimaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh C/laahi C/raxmaan Abu Yuusuf (Al-qaadi) oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in wasiirrada cusub ee lagu soo biiriyay xukuumadda ay yimaadeen culimaa’udiinka ayuu sheegay inay tahay wax laga xumaado in madaxweynaha uu ku qanco inuu ku sugnaado wax ka yar 4 km oo ay ku ilaalinayaan ciidamada shisheeye, isagoo diidaya in lagu wareejiyo gobollo dhan Sidoo Kale Culimaa,udiinka ahlusnna ayaa waxay sameeyeen dhoola tus soconayay mudo 6saacadood ah

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa saaka Dhoolatus ciidan ka sameeyay agagaarka degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo.
 
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca oo dhawaan tababar loo soo xiray, isla markaana ku hubeeysanaa gaadiidka dagaalka ayaa saaka dhoolatus Meleteri ka sameeyay Deegaanada Unsi iyo Geed weeyne oo 15-kiilo Mitir u jira degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
 
Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlusunna ee Gobolka Gedo Sh.C/waaxid Sh.Aadan ayaa Saxaafada u sheegay in ujeedada Dhoolatuskaasi uu ahaa in loogu argagax geliyo Maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo, iyo soo bandhigida cududa ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu sunna.
 
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dhoolatuskaasi uu qaatay muddo lix saacadood ah, isla markaana uu sidii loogu talagalay ku soo dhamaaday, waxaa uuna Afhayeenku tilmaamay in arintani ay qeyb ka tahay barnaamijyo in muddo ahba socday oo dib loogu dhisayo awoodda ciidamada Ahlusunna ee ka howlgala gobolada Konfur galbeed ee dalkeena Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay qorsheeynaya in Maleeshiyaadka Shabaab ay ka xoreeyaan dhamaan Goboladaasi.

Ahlusunna Ahlusunna Ahlusunna Ahlusunna 
 webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>