Dagaal magaaladda Muqdisho ku dhex maray ciidamadda dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna
Dagaal aanan xooganeyn ayaa maanta dhex maray ciidamadda dowladda kmg ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunnah Wal jameeca, iyadoo uu dagaalkani ka dhacay degmada Dharkiinley ee magaaladda Muqdisho.
Dagaalkaan oo yimid kadib markii ciidamadda dowladda kmg ay doonayeen inay dhac ka geystaan xaafad kamid ah xaafadaha degmada Dharkiinley, ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamo ka amar qaata Ahlu Sunnah, isla-markaana waxaa halkaasi ka qarxay is-rasaaseyn aanan xooganeyn.
Is-rasaaseynta dhex martay ciidamadda dowladda iyo kuwa Ahlu Sunnah, ayaa waxaa la-sheegay inay soo kala gaareyn dhaawacyo kala duwan, waxaana la-sheegay tirada dhaawacantay inay yihiin seddex ciidan oo labada dhinac ah.
Xilligii ay socotay is-rasaaseynta ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray qaar ka tirsan masuuliyiinta Ahlu Sunnah, waxayna ku guuleysteyn inay nabad kala dhex dhigaan, isla-markaana kuwii dhaawacmay waxaa la-geeyay cisbitaaladda ku yaalla magaaladda Muqdisho.
Si kastaba ha’ahaatee dowladda kmg ee Somaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inaysan laheyn nidaam wanaagsan, waxaana dhawr jeer dowladda loogu baaqay in ciidamadaan faraha badan ay u sameyso nidaam caalami ah, walow dadka qaar ay sheegeyn in ciidamadda dowladda aanan la-siin wax mushaacaarad ah, taa oo keentay bay yiraahdeyn inay dhac magaaladda ka geystaan.

