Faalo: Sh. Cumar Faaru:; ma shaluu qaldanaa mise maantuu saxan yahay?!

Filed under: Cayaaraha,Wararka Somalia |

Sh. Cumar Faaru:; ma shaluu qaldanaa mise maantuu saxan yahay?!

Dhibaatada Soomaaliya ka taagan qof walba ka hadal, gaal iyo muslinba ra’yi ka
dhiibay, aragtiyo kala duwan la soo jeedi, waa tii la yiri: “nin bukoow boqoli kuu
talisaye!”, waxaa la soo bandhigay fekrado aad u kala fog, mararka qaar kala jeeda
oo qolaba dhinac u jeedisay, tan waxay abuurtay in qolo walba sheegato in iyada
kaliya xalka gacanta ku hayso, haddaan dhankeeda laga abbaarinna halaagga lagu sii
jirayo, qormada maanta waxaan ku eegaynna hadalka cusub ee Sh. Cumar Faaruuq, ee ku
saabsan kordhinta ciidama ka socda Midayga Afrika, iyo taageerada uu u muujiyey
ciidamada ka socda dalalka IGAD ee loo soo wado Soomaaliya.
Ugu horrayn kama hadlaynno taariikh nololeedka Sheekha, waxaanse doonaynnaa inaan
hadalkiisa faaqidno, inaga oo ka eegaynna dhinacyo kala duwan, Sh. Cumar Faaruuq
wuxuu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, wuxuu si xirfadaysan
ugu caanbaxay casharka Tafsiirka quraanka iyo dacwada, waa nin cod kar ah ku
deeqsiinaya hadalka iyo warka, wuxuu aad ugu xeeldheer yahay afka iyo suugaanta
Soomaalida, taas oo ka caawisay inuu si xikmadaysan hadalka dadka ugu laqimo, isaga
ood mooddo inuu fandhaal dawo ah siinayo, sida macaan ee uu u kala dhigdhigayo iyo
eray bixinta uu adeegsanayo awgeed.
Sh. Cumar Faaruuq xilligii burburka lagu jiray siyaasadda kama dhex muuqan, kamana
mid noqon uraradii hubaysnaa ee ka dagaal galay gudaha Soomaaliya, hadduu ku
jiraynna kama mid ahayn kuwo safka hore ka muuqday, wuxuu xilligaa ku sii jeeday
siduu dadka ku gaarsiin lahaa feker diimeed ku salaysan aragtida cusub!, wuxuu mudda
badan ku noolaa wadanka Sucuudiga oo uu ku soo bartay culuumta diinta iyo luqadda
carabiga, taasoo u fududaysay inuu ka mid noqdo wadaadada ugu afka macaan
Soomaaliya.
Sh. Cumar Faaruq wuxuu siyaasadda markii u horraysay ka soo galay wadanka Jabuuti,
ka dib  shirkii Carta oo lagu ansixiyey in 10 wadaad lagu daro golaha baarlamaanka,
tobankaas waxaa ka mid ahaa Sheekha, waaba yaabe xildhibaanimada ma deeq baa laysku
siin?, wuxuu ka mid noqday baarlamaankii dawladdii Carta sanadkii 2000, markuu ku
soo laabtay Soomaaliya, ayaa waxaa la weydiiyey, waxa uu u daawanahay naagaha qaawan
ee heesayey? Waa sida su’aasha loo dhigaye, Shiikhu wuxuu ku jawaabay: waxaan ku
jirnay dhiig joogin, micnaha uma muuqan dumarkuba ee wuxuu ujeedkoodu ahaa in xal la
wada gaaro.
Shirka jabuuti wuxuu horseed u noqday laba cudur oo Soomaali lmarkii dambe la
degtay, waxay kala yihiin: afar iyo bar(4.5) iyo wadaad xil sayaasadeed deeq lagu
siiyey!, wax uu ku mutsaystay iyadoo aysan jirn, si fiican u eeg xaalka maanta
marayo, dhismaha xukuumaddii u dambaysay waxay u xayirneed mudda dheer,  dheelitirka
afar iyo bar, maxaa yeelay qolo walba waxay doonaysaa inay iska aragto shaashadda
siyaasadda, dhanka kale wadaad wacdi ayuu waajibkiisu ahaaye, eeg maanta waxa wadaad
waralne magaalada dhex wareegaya, waliba noqday kuwa ugu dhibka badan ee umudda
xaaxda ka siiyey!.
Sh. Cumar Faaruq ujeedka uu siyaasadda u soo galay ma caddeyn, haddaan la dhihi
karin damacii ragga lagu yaqaanney iyo xil jeclida, sidaa oo ay tahay haddana si
fiican ugama soo dhex muuqan, malaha xagal daacinteeda ayaa ka maqan? Mise sheekadu
dhanka ay u socoto ayuusanba la dhicin? Oo sidaa ayuu uga gaabsaday!, waxay noqotaba
siduu  degalka diinta uga soo dhex muuqday, siyaasadda ugama soo dhex bixin, haddana
sheekha waxaa laga hayaa hadallo siyaasadda ku saabsan, isaga oo mar walba ka soo
galayey daaqadda diinta.
Sanadkii 2007-dii Sh. Cumar wuxuu soo saaray fatwadiisii caanka ahayd, ee uu ku
gaalaysiiyey dawladdii C/laahi Yuusuf, hadalkaas oo shidaal u noqday kooxaha maanta
loo yaqaan nabad diidka maalinse ahaan jiray mujiihidiin diin iyo dal difaacaya!,
uuna ka mid ahaa Madaxweyne Sh. Shariif qudhiisu, fatwada Sh. Cumar waxay colaad
baahsan u abuurtay dawladdii xiligaa dhisneyd, oo intii aan qoriga wadatey iyo
wadaad isku sheegu u arkeen aragti toosan iyo feker saxn!, caamada iyo inta
cilmadhagoodka ku socoteyna ku abuurtay inay ka didaan dawladdaas.
Sh. Cumar wuxuu gaashaanka u daraaray in la kaashado gaalo, isagoo xukun culusna
riday yirina: “Gaalo Ruuxii Kaashada waa Gaal!”, hadalkaas wuxuu dad badan u noqday
dhiiragalin iyo dhabar ka riixid, maxaa yeelay waxay xuju u heleen inay dagaal
diimeed dalka galiyaan, isagoo(dallku) markii horaba la daala dhacayey dagaal
sokeeye iyo fawdo qabiil!.
Sheekhu wuxuu horkacayey wadaaddo isubahaystay inay weeraraan C/laahi Yuusuf iyo
xertiisa, yaan loo malayn inaan halkan ku difaacayo C/laahi, ma mudnayn in madax loo
doorto balse kaalinta uu ku jiray ayaa ka dhigtay, Sheekhu wuxuu si weyn uga qayb
qaatay hurinta colaad diimeedka dalka la degay sanidihii ugu dambeeyey, ee gaystay
aafadii ugu xumeed uguna xanuunka badnayd, diin difaac haka ahaato isaga ama ujeed
kale ha qarsanaado!, balse wuxuu horbooday balaayo aan baal la qabto yeelan!.
Aanse sheeko yar dhextaal kaga dhigo qormada, kaashiga ciidama shisheeye walibana
gaalo ah, waa arin lagu kala tagey, daagalkii Gacanka ee dhacay 1990-kii, waxaa
jiray wadaaddo diiday in la garabsado Maraykanka iyo xulafadiisa, waxaa ugu
caansanaa Maxamed Nasir diin Al albani, oo markii dambe laga musaafuriyey Sucuudiga
oo uu sanado daganaa, waxaase taageeray kaashiga ciidamo shisheeye Ibnu Baz,
Cuthaymin iyo rag kale, haddaba iyada oo khilaafkaasi jiro, maxaa wadaad gaarahi
xaqiiqda u kaydsanayaa? Una leeyahay waxaas ma bannaana iyo waa gaalnimo!.
Sheekha waxaa u hormay hadalkiisii ahaa: “Gaalo Ruuxii Kaashada waa Gaal!” oo waliba
cod ahoo duuban, maantase waxaa ka soo yeeray hadal aad uga duwan kii hore, waa isla
qodobkii ahaa kaashiga ciidamo shisheeye, balse fekerku kii hore ma ahan, aan
qurxiyo hadalkoo dhoho, fatwadu tii hore ka duwan, wuxuu fatwo cusub ku soo saaray
inay bannaan tahay in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya, wuxuuna yiri: “IGAD ama
dalalka dariska ah inay faragaliyaan Soomaalida is maqli waysay way bannaan tahay”,
isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka dalalka Afrika.
Hadalkiisa kuma kala saarna dalalka ay ka imanayaan ciidanka, wuxuuba carabka ku
xoojiyey dalalka dariska ah, ayna ka mid tahay sida iska cad Etiopia, halkaa wuxuu
ku mudan doonaa gaalaysiinta kooxaha xagjirka ah, sida uu isba horay ugu
gaalaysiiyey dawladdii C/laahi Yuusuf, waa: “Adna markaga madaxa soo duubo!”,
dhinaca kale waxaa go’aanka IGAD ka soo horjeestay C/qaasim, isaga oo sheegay
inaysan wax aan dhib ahayn soo kordhinayn, bal waxaan weydiin lahaa C/qaasim:
xilliguu madaxweynaha ahaa markuu dalbanayey ciidamada shisheeye ma wuxuu is lahaa
xal  ayey keenayaan? Mise wuxuu is lahaa xukunka ku sii adkayso? Sidoo kale Sheekha
waxaan weydiin lahaa maanta waad taageersan tahay in ciidamo dalalka dariska ka
socda la keeno Soomaaliya, shalay maxaad ku diidanayd? Waliba aad u gaalaysiisay
raggii ajandahaas waday!.
Haddaba Sheekada Sheekhu waxay u egtahay “Alif wax ma leh iyo waxbuu leeyahay”,
wuxuu isku daray caddaan iyo madaw, ama isku midba ka digay, waaba yaabe ma diintaa
is badasha mise danta wadaadada? Waligoodba waa lagu yaqaanay laba codlaynta iyo
hadal iska daba jeeda, xasuusu waxa fiqiga loogu yeero, marka laga hadlayo shaafici,
“Al qawlulul qadiim iyo al qawlul jadiid”,(hadalkii hore iyo hadalkii dambe) waxaa
laga yaabaa hal mas’alo inuu laba aragti iyo ka badan ka qabo, daniba tiri.
Sidaa si la mid ah Sheeekhuna wuxuu maanta qiil u helay oo uu shalay u waayey
ciidmada Shiisheeye oo dalka la keeno!, mayee malaha ujeedku waa Sh. Shariif ayaa
xukunka noo hayee aan tageero kasta wax ku raadinno!, micnaha isla Anigii ayaa xilka
haynnee aan u qiilinno sidii aan xukun u sii xajisan lahayn!, waxa ay noqotaba
Sheekhu maruu qaldanaa ee midda ay tahay muu noo sheego, maxaa yeelay suuragal ma
ahan inuu wada saxnaa labada marba, ama shalay ayuu qaldanaa markuu C/laahi iyo
xertiisa usha gaalaysiinta la dultaagnaa, ama maata ayuu qaldan yahay markuu Sh.
Shariif iyo xertiisa u qiildayayo!.
Labada hadal ee diineed iyo daneed ee ka soo kala yeeray Sh. Cumar Faaruuq iyo
C/qaaism, waxaa ka daba yimid hadal kale oo ka gadisan, balse isla jawahareerka ka
mid ah, hadalkan wuxuu ka soo yeeray Axmed Diiriye Cali, oo 24-saac u qabtay in wada
hadal dhex maro dawladda iyo kooxaha hubaysan, waaba yaabe odawgu miyuu riyoonayaa?
Mise wax uu hubo ayuu hayaa? Dhab ahaan inuu isagu naasnuujin jiray kooxaha hubaysan
ee umadda dullaystay waa mid cad, haddaba manta maxaa isbadaley? Mise isaga ayaa
meel kale looga yeeray?.
Ugu dambayn wadaad oday iyo siyaasi la arag jiha wareerintooda, mid mid dhama la
waa, haddii aysan ka midaysnayn ku cayaarka maanka umadda, dhanka kale diintu guud
ahaan waa erayo qoran, qof walba siyuu u gartaa una fasirtaa, maxaa yeelay Aayad
tiri: sidaan ayaa la iila jeeda ma jirto, ee abid rag unbaa ka hadalsiiya sheegana
waxa looga jeedo, ogow mar walba raggu dano iyo ujeeddo ayey leeyihiin, waxaana
qasab ah inay la falgalinayaan danahaas, midda kale muxuu nin walbaa markuu doono
uga baxaa dhalanteetdkuu shalay difaacayey!?, haddana u doonayaa in lagu taageero?
Waxaa habboon inaan diinta lagu soo koobin gaalaysiin iyo dagaalgalin kaliya, wax
walba waa in laga hormarshaa danta dadka iyo dalka.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com ama webmaster@hidaha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>