Finaalaha koobka aduunka oo markii ugu horeysay laga waayey Brazil, Talyaaniga, Jarmalka iyo Argentina

Filed under: Maqaalo,Wararka Somalia |

Finaalaha koobka aduunka oo markii ugu horeysay laga waayey Brazil, Talyaaniga, Jarmalka iyo Argentina

Finaalaha tartanka ugu xiisaha badan aduunka ayaa maalinta Axada ah dhex mari doono xulalka Holland iyo Spain iyadoo xulkii qaada uu u noqonayo markii ugu horeysay ee ay ku guuleystaan taariikhda koobka aduunka oo 80 jirsaday.

Waxaa markii ugu horeysay la qabtay sanadkii 1930kii iyadoo sanadkan uu yahay kii 19aad oo markii ugu horeysay ay arti gelineyso qaarada Afrika.

Waa markii ugu horeysay finaalaha koobka aduunka tan iyo markii la bilaabay 1930kii oo xulalka Brazil, Argentina, Talyaaniga iyo Jarmalka midkoodna lagu arkin kulanka finaalaha iyagoo koobka aduunka ku guuleystay marka la isku daro afartaan dal 14 ka mid ah 18kii koob aduun ee la qabtay.

Mid kastoo ka mid ah 18kii finaale koobka aduunka ee lasoo dhaafay waxaa ka dhex muuqday ugu yaraan mid ka kamid ah xulalka awooda badan ku leh kubada cagta aduunka ee Brazil, Talyaaniga, Jarmalka ama Argentina iyadoo 6 ka mid ah 18kii finaale ee lasoo cayaaray ay isku arkeen labo ka mid ah afartaan dal waxeyna kala yihiin sanadihii 1970 (Brazil 4-1Talyaaniga), 1982 (Talyaaniga 3-1 Jarmalka) 1986 (Argentina 3-2 Jarmalka) 1990 (Jarmalka 1-0 Argentina) 1994 (Brazil 0-0 Talyaaniga) Brazil ayaa rigoorayaal 3-2 ku badisay, 2002 (Brazil 2-0 Jarmalka).

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa xulalkii soo cayaaray dhamaan finaalihii koobka kubada cagta aduunka laga soo bilaabo 1930kii iyadoo mid kasta uu ka dhex muuqdo mid ka mid ah 4tan dal ee sanadkan markii ugu horeysay aan lagu arki doonin finaalaha koobka aduunka 2010.

F.G: sanadkii la qabtay, dalkii lagu qabtay, wadamadii kulmay iyo natiijada

1930 Waxaa lagu qabtay Uruguay: Uruguay – Argentina 4-21934 Italy: Italy – Czechslovakia 2-1

1938 France: Italy – Hungry 4-2

1950 Brazil: Uruguay – Brasil 2-1

1954 Switzerland: Jarmalka – Hungry 3-2

1958 Swedan: Brazil – Swedan 5-2

1962 Chile: Brazil – Tsjekkoslovakia 3-1

1966 England: England – Jarmalka 4-2

1970 Mexico: Brazil – Italy 4-1

1974 Jarmalka: Jarmalka – Nederland 2-1

1978 Argentina: Argentina – Netherland 3-1

1982 Spain: Italy – Jarmalka 3-1

1986 Mexico: Argentina – Jramalka3-2

1990 Italy: Jarmalka – Argentina 1-0

1994 USA: Brasil – Italy 0-0 (rigoorayaal Brasil 3-2)

1998 France: France – Brazil 3-0

2002 Japan/S.-Korea: Brasil – Jarmalka 2-0

2006  Jarmalka: Italy – France 1-1 (rigoorayaal Italy 5-3 )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>