Isir naceyb lagu raafayo bulshada koofurta Somalia ayaa ka laba lixaadsaday Magaaladda Bosaso ee Maamul Goboledka Puntland.

Filed under: Suugaanta,Wararka Somalia |

Isir naceyb lagu raafaayo bulshada koofurta Somalia ayaa ka laba lixaadsaday Magaaladda Bosaso ee degaanadda Puntland.

Caruur iyo hooyooyin u dhashay Koofurta Somalia una badan Jareer iyo Hawiye ayaa sida ariga loogu gurayaa gawaari waaweyn,waxaa lagu sii daayay Maleeshiyooyin iyo dhalinyaro ka boobay alaabahii guryaha u yiilay iyo lacagahii ay heysteen,

Qofka looga shakiyo inuu reer koofur yahay ama ka soo jeedo beelaha Hawiye iyo Jareerweyne waxaa lagu soo jeedinayaa erayada ay Amxaaradda iyo Kenyanka isticmaalaan ee WARYAA,hadii jawaabtiisa laga waayo lahjada beesha Bosaso iyo Garowe,waxaa markiiba lagu bilaabayaa in lagu garaaco qoriga afkiisa ama bakoorad,iyadoo loogu qiil dhigaa waa argagixisadii koofurta ee dila.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa si riyaaq ka muuqda u taageeray Isir naceybka qaawan ee ka socda Puntland laguna beegsaday marasta koofurta Somalia

Faroole wuxuu raafka iyo tacadiyada lagula kacayo bulshada koofurta Somalia ku sheegay mid lagu ciribtirayo argagixisada hasse yeeshee wuxuu iska indha tiray in qaraxyada iyo dilalka Puntland ay fulinayaan Maxamed Saciid Atam oo ka soo jeeda beesha Warsangeli Daarood,kuna heysta degaanka Galgalo Ciidamo lixaadleh iyo sidoo kale Sheekh Kutubaweyne oo ah ganacsadaha ugu hantida badan degaanada Puntland.

Mid ka mida Sheekhyada ugu caansan degaanadda Puntland ayaa jimcahii la soo dhaafay ka istaagay Masjid ku yaal Waqooyiga Magaaladda Galkacyo wuxuuna ka iclaamshay jihaad lala gala Maamulka Faroole iyo inay shacabka u gogol xaaraan sidii Maleeshiyaadka Al-Shabaab u qabsan lahaayeen Puntland

In ka badan sedex boqol oo marasa ayaa sida xoolo la daabulay loogu daadshay koofurta Galkacyo ee Galmudug State,waxaana Puntland dhaleeceeyay Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug state

Si kastaba ha ahaatee,tacadiyada Isir naceybka ku dhisan ee Puntland ka socda wali kama hadlin Ra’isulwasaarre Omar Abdi Rashiid Ali Sharmaarke oo dhalasho ahaan ka soo jeeda goboladda Puntland,kuna fadhiya kursiga awood qeybsiga beesha Majeerteen.

 

2 Responses to Isir naceyb lagu raafayo bulshada koofurta Somalia ayaa ka laba lixaadsaday Magaaladda Bosaso ee Maamul Goboledka Puntland.

  1. kkkkkkkkkkkkk taasi been ma ahan

    muuse - December 11, 2010
    12:28 pm

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kuwani xishoodkii waykatagees

    gabar soomaaliyeed - January 28, 2011
    9:11 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>