Puntland..Xigaalkiina iyo Xabashida Kala Garta
Waa taariikh cusub oo aanan hore loo arag in shacab Somali ku abtirsadaa laga raafo dhulkii eey u dhasheen laguna qasbo in eey dib ugu noqdaan dhulka mixnada ka socoto ee koonfurta dalka Somalia,puntland waxaa lagu dhisay canshuurtii shacabka Somali oo dhan waxaana laga xoreeyay gumeeystihii Talyaaniga ee ku soo duulay dalka Somalia qarnigii 18 naad dhamaadkiisii ,siyaasiyiinta reer Puntland waxeey xilal ka soo qabteen dalka Somalia welina waxeey ka mid yihiin kuwa xilalka ugu sareeyo ka haya dowlada fedraalka ee uu r/wasaaraha uu ka yahay Dr.Cumar C/rashiid, waxaa aanan marna la iloobi karin in C/aahi Yusuf oo ahaa nin aad u guracan dalka Somalia ku soo hogaamiyay cadowii soo jireenka ahaa abid in uu caasimada dalka Somalia ee Muqdisho kula xasuuqo shacab aanan danbi gelin asaga oo sheeganaya in uu yahay madaxweeyne Somalia balse riyadaa waa eey rumoobiweeyday hadaba maxaa sabab u ah in shacab Somali ah in laga tarxiilo ciidii eey u dhasheen ee Somalia loona sheegto in eey xuquuq ku laheeyn dhulka Somali ? halka Tigreega uu si xornimo leh ugu nool yahay dhulkaa asaga oo dadka,diinta iyo dalka uusan waxba ku laheeyn??
Foolxumadaa aadka u weeyn ee waxuushnimada ah ee ka socota dhulka Puntland waxaan danbigeeda qaadaya koox aad u yar oo kala faquuqaya shacabka somali guud ahaan gaar ahaan kuwa isku diinta ah,isku afka iyo dhaqanka ah.kooxdaas yari waxaa Aabe u ah inta xilalka ka soo qabatay Puntland oo weli ku sii adkeeysanaya in Puntland laga suuliyo shacabka Muslimka ah ee Somalida ah, gumeeystihii Talyaaniga waxuu dhulkaasi u bixiyay Majeetreenia balse markii xornimada la qaatay waxaa eey somalida diiday in dhulkaasi aanan marna lagu magacaabi karin majeerteenia balse dhulkaasi waxuu noqoday dhul Somalida eeyan kala laheeyn,maxaa sabbabay in shacabkii Somalida ahaa ee dhulka waxa ku lahaa laga ururiyo sidii dad ajnabi ah oo kale,shacabka dulmani waxeey wax ka leeyihiin dhulka Puntland,diinta dhulkaa lagu hayo waa shacuub wada dhashay oo xaqiiqdii wallaala ah sinji ahaana meel kawada soo jeeda xidid iyo xigaalo isku ah,maxaa sabbabay in xiligaan laga ugaarto dhulkii hooye ee Somali heybada u siiyay halka Ethiopianka tigreega ah oo aanan dhulka,diinta iyo shacabka Puntland ee xidid iyo xigaalo midna ku laheeyn in lagu beero xorna eey ku yihiin Puntland,waxaa waajib ah in reer Puntland ama shacabka Puntland eey kala gartaan farqiga u dhaxeeyo Somaliada iyo Ethiopianka Bossaso iyo Garowe ku nool ee wax aad wadaagtaan eeyan jirin.
Koleey waxaan filaayaa in taariikhda eey gali doonto ficilkaa foosha xun oo eey xiligaan ku dhaqaaqeen kuwa xilka sheeganaya ee Puntland afduubka ku haysta,waxaan kula dardaarmayaa wallaalaha reer Puntland qaasatan shacabka reer Puntland iyo isamadooda,waxgaradka iyo cidwalba oo ka damqaneeysa ficilkaa foosha xun ee uu ku dhaqaaqay kooxda Faroole in laga hortago la diido shacabka ka mudaaharaado xumaha socda koleey taariikhda waa silsilad wareegta socondoontana,waxaa taariikhda hore u gashay in Maquuste oo ahaa nin aad u guracan kana soo jeeda Puntland caasimadii Somalia u gacan geliyo Tigree,dhibka hada socdana u ah hooyada,sabbabta oo ah haddii uusan Maquuste Ethiopia dalka keenin xiligaan nolosha dadka iyo dalka Somlai sida uu hada yahay waa uu ka fiicnaan lahaa.

